Wararka ayaa intaas ku daraya in Waraabaha uu markii dambe u dhaadhacay Xero ay ku sugnaayeen Ciidan katirsan Shabaab waxaana halkaasi ka dhacay dagaal ay Shabaabku Rasaas u adeegsadeen.
Goob joogayaal ayaa sheegay in Maydadka 4 Waraabe saaka laga helay Gudaha Tuulada Buur Dhuxule oo kamid ah meelaha ay maamulaan Kooxda Shabaab.
Dadka deegaanka ayaa la yaabay sababaha keenay in Xayawaanka Waraabaha uu ku dhiirado Weerar qorshaysan oo uu Tuulada kusoo qaado.
RBC Radio Somalia
http://www.raxanreeb.com/?p=28318



