i dont think it is helpful to produce fantasy in regards to Somali history. Fantasy is best left to Walt Disney Inc.
Xuseen Kulmiye was not the deputy Commandant of the Police force. That honour went to General Qoorsheel of the Warsangeli. The Commandant was Maxamed Abshir Haamaan. Judging from this picture, it would appear from his posture and positioning that Kulmiye is acting as ADC (Aide de Camp) of the president. A capacity that was filled for President Siyaad by the majeerteen man Cabdi Madoobe.
The man wearing the white uniform cant possibly be General Daauud, Commander of Somali Armed Forces, and an army man. The man in the picture is wearing the white uniform of the Somali navy (a Marinaio as the Somalis used to call them).
I was also amused by the description of Salaad Gabayre holding a gun to Siyaad's head. Perhaps the story consoles your grieving heart. But I am more interested in the tale of Mareexaan missing from Xamar in the 60s but for the solitary presence of Siyaad.
Aadan Low and Sheekh Cabdulle were presented by Voltage. Allow me to add Xaaji Yuusuf Mareexaan. His own illustrious daughter, one of the first educated Somali women, who was head of the Bursary department of Education ministry. And availed many of her fellow mareexaan of the opportunity of higher education abroad
Mr koofiyadcadde. Wagardhac were represented by Lawaaxe who was graduate of Lincoln University in the states .... way way back in in 1936. Cabdiraxmaan Jaamac Barre was a senior bureaucrat inthe foreign ministry. Ilma Masale were in the Army. Claiming that there was not a single Marexaan in Xamar other than Siyaad is just plain silly. And undermines all your other arguments.
Fantasy is what is quoted on the post above.
I said the guy wearing the White uniform is Gen Hussain Kulmiye Afrah and not the one standing behind the president. Gen Daud is behind Gen Hussain Kulmiye Afrah and Gen Salad Ali Gabeyre is immediately to the right of the President. I don't know who the guy walking immediately behind the president is. He could be his ADC. I am not sure.
With regards to Gen Hussain Kulmiye Afrah, here is his complete biography:
Xussein Kulmiye Afrax wuxuu ku dhashay degmada Ceeldheer gobolka Galguduud ee dalka Soomaaliya, sanadku markuu ahaa 1920kii, wuxuuna ka dhashay qoys xoolo dhaqato ah. Intii uusan agaarin da’da 10 jir ayay labadiisii waalid dhinteen, hooyadiisna waxaa lagu magacaabi jiray Cawrala Calasow Max’ed.
Xussein Kulmiye yaraantiisii ayaa bilaabay in uu u halgamo nolol wuxuuna ku noolaa muddooyin kala duwan magaalooyinka Qabri-daharre, Dhagaxbuur, Jigjiga & magaalada Muqdisho.
1938dii ayay aheyd markii uu dhammeystay waxbarashadii ugu heer sarreysay ee loo oggolaa dadka Soomaalida waqtigaas. Bishii August sanadkii 1943 ayuu ku biiray ciidankii boliiska Soomaaliyeed ee berigaasi jiray, wuxuuna markiiba galay tababat ku saabsan afka Ingiriiska dugisgii tababarka ee ciidankii boliiska Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho.
Sanadkii 1944tii wuxuu ka mid noqday dadkii ugu horreeyay ee tababar dibedda ah loo qaado, waxaana loo qaaday magaalada Nairobi, wuxuuna markii uu ku soo noqday Muqdisho uu noqay macallin tababar ka bixiya dugsiga boliiska u qaabilsanaa boliiska, halkaas oo uu ka shaqeynayay illaa sanadkii 1946dii, kuna gaaray derajada kormeere 1aad.
1947dii – 1948dii waxaa uu taliye ka ahaa saldhigga boliiska ee degmada Afrgooye, halkaas oo uu ku qaatay derajada kormeere 2aad. Sanadkii 1951dii wuxuu u dallacay kormeere 3aad. 1952dii – 1953dii waxaa uu tababar salkaalnimo ku qaatay dalka Talyaaniga.
Xussein Kulmiye Afrax waxaa uu intii uu hayay shaqada boliiska ku qornaa xisbigii gabannimadoonka Soomaaliyeed ee S.Y.L. wuxuuna ka mid ahaa saraakiishii tababarrada qarsoodiga ahaa siin jiray xubnaha naadigaasi
Xussein Kulmiye wuxuu ka ahaa dadka lala tashado marka ay dhaqdhaqaaqii gobannimodoonka ahaa howlaha la xiriira dhaqdhaqaaqii liddiga ku ahaa ee gumeysiga, waxayna isaga & xubnihii kaleba ka shaqeyn jireen hanuuninta xubnaha naadigii SYL.
1954tii, ka dib markii uu soo dhammeystay tababarkii uu ku soo qaatay dalka Talyaaniga waxaa loo magacaabay in uu noqdo taliyihii ciidanka boliiska ee magaalada Baledweyne halkaas oo uu taliye ka ahaa illaa sanadkii 1956dii.
1956dii – 1960kii wuxuu jagooyin kala geddisan ka soo qabtay dhammaan xafiisyadii xarunta dhexe ee ciidankii boliiska Soomaaliyeed, halkaas oo uu ku gaaray darejada Gaashaanle.
Sanadkii 1960kii markii ay Soomaaliya qaadatay wuxuu u dallacay darejada G/Sare, wuxuu jagooyin muhiim ah ka soo qabtay xarunta dhexe ee ciidankii boliiska Soomaaliyeed.
Sanadkii 1968dii wuxuu u dallacay darejada S/Guuto wuxuuna noqday taliye ku xigeenkii ciidanka boliiska Soomaaliyeed.
S/Guuto Xussein Kulmiye Afrax wuxuu ka mid ahaa saraakiil ka kala socotay qeybaha ciidamada Soomaaliyee ee afgembiga kula wareegay taladii dalka 21kii bishii Oktoobar sanadkii 1969kii, wuxuuna taliye ku xigeennimadii ciidanka boliiska Soomaaliyeed sii hayay sanadku markuu ahaa 1970kii, ka dibna wuxuu u dallacay darejada S/Gaas waxaana loo magacaabay in uu noqdo wasiirkii arrimaha gudaha ee xukuumaddii ay hoggaaminayeen ciidamadu.
Muddadii uu hayay xilka wasaaradda arrimaha gudaha wuxuu ku dadaalay sidii wasaaraddaasi looga badeli lahaa wejigii gumeysiga kaga tagay, siyaasad ahaanna loo soo nooleyn lahaa howshii wasaaraddaasi.
Kacaankii wuxuu mideeyay maamulkii dowladaha hoose & degmooyinkaba, waxaana dadweynuhu ugu qeyb galeen talada dalka isla markaana la meel mariyay fidinta maamulka dalka iyadoo uu S/Gaas Xussein Kulmiye lahaa habeynta & iskudabaridka howlahaasi.
Waxaa heer sare la gaarsiiyay garaadka siyaasiga ee ururrada bulshada iyadoo is raaceen maamulkii & dadweynihii aan hore isu heysan, waxaana meesha ka baxay kala irdhowgii, nabad la’aantii & jeesjeesnimadii.
Waxaa bilowday bilowday mudddii uu Xussein Kulmiye howlwadeenka ka ahaa wasaaraddii arrimaha gudaha, waxayna gobollada & degmooyinka Soomaaliya oo dhan atarsan u galeen barnaamijkii la oran jiray “Iskaa wax u qabso”, waxaa la qaaday tallabooyin ay ka mid ahaayeen dhismeyaasha;-
1.Dugsiyo. 2. Isbitaallo. 3. Goleyaal hanuunin.
4. Ceelal. 5. Xafiisyo. 6. Guryo.
7. Beero. 8. Beero. 9. Koronto.
10. Waddooyin. 11. Iskaashatooyin. 12. IWM.
Taas oo dhalisay in ay kororto miisaaniyaddii degmooyinka iyadoo awood buuxda loo siiyay degmooyinkaasi in ay isticmaalaan dakhligooda sida ugu habboon ee waxtar ugu leh.
Arrimhaas oo dhan waxay u googol xaareen in dadku midoobaan, isla markaana hirgeliyaan ololeyaal fara badan oo ay ka mid ahaayeen abaarihii dalka ku soo fool lahaa.
Sanadkii 1971dii S/Gaas Xussein Kulmiye Afrax waxaa loo magacaabay madaxweyne ku xigeenkii jamhuuriyadda dimoqraadiga Soomaaliya.
1974tii S/Gaas Xussein Kulmiye Afrax wuxuu noqday guddoomiyihii guddiga dhaqaalaha ee Golihii Sare ee Kacaanka.
S/Gaas Xussein Kulmiye Afrax wuxuu ka mid ahaa xubnihii Golaha Sare Kacaanka isla markaana hayay jagada madaxweyne ku xigeenkiii 1aad ee Soomaaliya illaa laga soo gaaro dhismihii xisbigii Hantiwaadagga KAcaanka Soomaaliyeed sanadkii 1976dii, waqtigaas oo uu jagadii uu hayay loo magacaabay S/Guud Max’ed Cali samatar isna noqday madaxweyne ku xigeenkii 2aad ee Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliya.
Sanadihii xigay wuxuu wasiir ka noqday wasaaradihii Qorsheynta Qaranka, Arrimaha Gudaha, wuxuuna sanadkii 1989kii noqday guddoomiyihii Golihii Shacbiga Qaranka ee Soomaaliya, xilkaas oo uu hayay ilaa laga soo gaaray 26kii bishii January sanadkii 1991dii waqtigaas oo ku began markii la riday xukuumaddii militeriga aheyd.
Allaha u naxariistee S/Gaas Xussein Kulmiye Afrax wuxuu ku geeriyooday dalka Mareykanka sanadkii 1993dii waxaana lagu aasay magaalada Muqdisho.