Laascaanood ee gobolka Sool ayaa mudaaharaad markii dambe rabshad isu bedelay lagala hortegey wafti uu hogaaminayey gudoomiye ku xigeenka barlamanka Kenya Faarax Macalim oo booqasho ku tegi lahaa magaaladan Laascaanood...............
Kolonyo gaadiid ah oo uu la socday gudoomiye ku xigeenka barlamanka Kenya Faarax Macalim ayaa dib uga laabatay magaalada Laascaanood maanta duhurnimadii ka dib markii ay magaalada isu bedeshay mudaaharaad dhagaxtuur watay oo hadheeyey guud ahaan magaalada Laascaanood.
waftiga Faarax Macalim ayaan soo gelin magaalada oo ay ka laabteen duleedka magaalada ka dib markii lagu wargeliyey in magaalada ay rabshado ka socdaan, isla markaana la diidan yahay imaanshahooda, taasi oo ku dhalisay in waftigaasi Kenya ay dib isaga laabtaan.
Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in watigu ay dib ugu laabteen magaalada Hargeysa halkaasi oo maalmahanba ay booqasho ku joogeen.
Dadka banaanbaxa sameeyey oo u badnaa haween iyo carruur degaanka ah ayaa ku dhawwqayey ereyo ay ku diidan yihiin booqashada waftiga Kenya iyo gooni isu taaga maamulka labaxay Somaliland, iyagoo dadkaasi soo buuxdhaafiyey wadooyinka magaalada.
Haye yeeshee waxaa rabshadu bilaabatay ka dib markii ay ciidamada labaxay Somaliland isku dayeen inay dadkii banaanbaxayey kala kexeeyaan.
Ma jirto cid la sheegay inay waxyeelo ka soo gaadhey rabshadaha ka dhacay magaalada inkastoo uu dhacay mudaaharaad xoogan.
Masuuliyiinta Somaliland ee gobolka Sool kama aysan hadlin xiisada ka dhacday Laascaanood iyo booqashada waftiga gudoomiye ku xigeenka barlamanka Kenya ee baaqatay.
Waxaase dhinaca kale waftiga barlamanka Kenya ee laga celiyey Laascaanood iyo mudaaharaadka ka dhacay magaalada ay ku soo beegmeysaa iyadoo qarax ka dhacay isla magaalada uu ku dhintay askari ka tirsan ciidanka labaxay Somaliland labo ruux oo kalenaa ay ku dhaawacmeen.
Faarax Macalim oo ah gudoomiye ku xigeenka barlamanka Kenmya waxaa isaga iyo wafti uu hogaaminayo ay booqasho ku joogeen dhowaanahan degaanada Somaliland iyagoo booqday magaalooyin dhowr ah oo ay ku jiraan Berbera, Sheekh iyo Boorame
Widhwidh Online News Desk...Media Center





