
Babygirl Caagdher baanu la dagaalamay bey ku faanan when infact the garxajis has never met the entire OG family such as cawlyahan-abudwaaq-cabdalle that settle in NFD and Jubaland.The whole of H.Y were fighting against small jilibs of Makaahil and Reer Isaaq, the Abrahim of Makaahil and Reer Cali of Reer Isaaq, not even Reer Haroun was involved yet they managed to keep the maggots at bay Qiiq baan labada dhagood ka sii daaysan .
Chec this out a small jilib called Abrahaim of Makaahil also made them surrender
Abraahiin iyo waxaa dagaalamay Habar Yoonis. Abraahiin ayaa ku gacansareeyey dirirtaa oo nimankii Isaaq libtii iyo qalabadii ka qaatay. Abraahiin dagaalku wuxuu ku ahaa kali oo iyagoo goloyo ah oo xataa Makaahiilka kale uusan ka ag dhawayn ayey, sida la wariyey, Habar Yoonis dharbaaxo xun ku dhufteen.
Maxamed Cumar ayaa warkii la gaadhsiiyey oo looga xogwaramay baqihii, diiftii iyo darxumuadii goobtii dagaalka ka dhacday. Gabaygan hoose ayuu dabadeed tiriyey isagoo Abraahiin ku boggaadinaya siday iyagoo kaligood ah uga adkaadeen Habar Yoonis, guusha tolkii usoo hoyatay ku dhaadanaya, Daarood dhammaantiina warka dagaalkaa gaadhsiinaya.
Rag hadaad dakano kala qabtaan, dil iyo qaad gaadhay
Waa lagu digtaa maalintay, xagashu daacdaaye
doollo iyo warkii Bari, waan ku diirsaday e
Waataan dabaaldagay markay, soo dawariyeen e
Farxad baan la duubnaa intuu, kheyrku soo dagaye
Iidoor duliga gaadhay waa, roob gu’u oo da’aye
La durduuray doog iyo siddii, daribta caanoode
Daarood Ismaaciil na waa, u doogsin galabeede
Afartaa digtaan odhan jiriyo digashadaydii dheh
Rag baa gabayga deelqaafiyee digasho wayeel dheh
Darib iyo dibaax iyo amaan diiran oo kulul dheh
Malab dibnaha gaadhiyo waxaan badanku diidayn dheh
Deeqii Ilaahay iyo raxmaad da’ay masaalkii dheh
Diin iyo quraan waxaan ahayn, hal ugu duug roon dheh
Damiin hadalka waa lagu dacshee, kaygu waa dahab dheh
Tixdaa daayey oo waan dabraye, dood kalaan celine
Gaaskii la soo dumay colkii, duman ka soo duulay
Dabka guutadii loo shidee, waayo lagu daalay
Dirka Sugule Caynaanshe Dalab, duuda Habar Yoonis
Dunji Habar Magaadlaba colkuu, soo diyaar gariyey
Wareegada haddii lagu dilay, halable daanteeda
Goortuu ducaystee la yidhi, daawo aan u yeelo
Rag ilaalo loo diray haddii, dibada loo saaray
Dal yaqaan la aaminay haddii, dowga lagu joojay
Degmo gibin ah beel dagan hadday, dooyaddii aragtay
Dib salaan hadday ugu cesheen, hadal la doonaayey
Dagdagsiinyo loo qabay haddii, duhur la yaanseeyay
Duqaydiyo ninkii culus haddii, laga dawaareeyay
Cirkoo dadan habaynkoo dam yidhi, curashadii deyrta
Duul nabad usoo galay hadduu, caddow dul gowriiray
Dildilaaca waaberi haddii, weerar lagu daacshay
Oo laga dareersaday wareeg, dagalkii loo ooday
Darbigii iyo Idiin iyo hadday, Daawad ololaysay
Waa darajadeedee haddii, dumarku booyaayey
Dun carbeed la mood yeey cilaan, rag isu dayn waaye
Dab ayeey yaa lahaayeey markii, daawo laga yeeshay
Dabka qiiqa waxaa loo dhax galay, ololkii Dooyeyse
Ogaadeenku wuu durugsanaa, daayinkuu yahaye
Dalka kama dhawayn reer Subeer, laysku dilayaaye
Makaahiilna uma duul dhanayn, doodankii shalay e
Danwadaage iyo reer Cabdaa, dayro ku ahaaye
Dango lama amaanee Xirsoow, dirir Abraahiine
Nasab bay ka doorteen inay, dib uga laabtaane
Daliilkiyo waxaa loo cuskaday, diinta xoogga lehe
Dunbuqiyo markii laysku riday, danane dhowr qaad ah
Waa tay dulaameen kuwii, dabada aasnaaye
Nimankii adhxaha daacsanaa, damac ku beenoowye
Waa tuu waraabuhu dibxaday, daribtii Iidoor e
Dibjiraha dhurwaagii ahaa, Diiqa ka ibaadye
Dugaagii cunaan ugu jeclaa, dowladdii bahale
Danbaa marisay deyr oodan iyo, xagarkii Doolood e
Dariiqii qorraa iyo arliga, looga dacareeye
Habar Yoonis Hawd inay degaan, uma daymoodaane
Bari uma dabjeedaan haddii, dayr xumaad dhaca e
Dabra kale inay soo ceshaan, diiday rubadiiye
Ku didsade duleedada raggii, daadsanaa shalay e
Ku dareersha furihii Danood, dilla horweynkeeda
Ha durduriso deerooy kobtii, doogu uu u yiilay
Iidoorku inuu soo didshaa, loo dan lee yahaye
Dalka gaamay doolada baxdaye, dili ka dheeraatay
Haradaan diraacdiyo gudhaynin, duraha jiilaalka
Mar haddaan la daan daaninayn, dacarta doogeeda
Oo dabin iyo laguu rogay, digadii Oodweyne
Dubaax weeye geeridu haddaan, damug nidhaahnaaye
Alleelahay bagaa laysu dilay, Daahiroow sabanka
Xidid loo daryeeliyo bagaa, darajo loo waayey
Dagaal aan qarsoonayn bagaa, loogu kala duugay
Bagaa Dir iyo Daaroodba, qiiqu uga duulay