Nayrobi: Shariif Sheekh Axmed oo loogu baaqay Iscasilaad.
14. januar 2010
Nayrobi(AllPuntland)- Baarlamaanka KMG ah ee Soomaaliya oo dhexda kaga jira mooshino culeysyo badan leh ayaa shaaca ka qaaday in ay fashilantay dawladda uu madaxda ka yahay Shariif Sheekh Axmed oo ay sheegeen in ay awoodi weyday in hanaankeeda Maamul lagaarsiiyo 3 degmo oo ka mid ah magaalada Muqdisho.
Xildhibaanada oo hada kala jooga Nayrobi iyo Muqdisho ayaa maalmihii ugu dambeeyey falkinayay qorshayaal ku wajahan dawladda KMG ah ee Soomaaliya, gaar ahaana Xaafiisyada Madaxda ugu sareysa ee dawladda, iyagoo dooda ugu xooga badan dul-dhigay sharci ahaanshaha Aaden Maxamed Nuur (Aaden Madoobe).
Cabdi Cabdile Siciid loona yaqaano (Jini-Boqor) oo ka mid ah Mudanayaasha baarlamaanka KMG ah ee Soomaaliya, kuna soo jiray baarlamaankii dawladdii Madaxweyne Yuusuf, kana soo horjeeday Siyaasadii C/laahi Yuusuf ayaa sheegay in uu fashilmay Shariif Sheekh Axmed.
Mudanahan baarlamaan ayaa ugu baaqay Madaxweynaha dawladda KMG ah in uu la yimaado Iscasilaad, hadii uu doonayo maslax Soomaaliyeed, waa sida uu hadalka udhigaye, isagoo ku eedeyeey Shariif in uu waxba ka qaban waayay xaaladaha amaan iyo horey udhaqaajinta dhaqdhaqaaqa dawladda KMG ah ee Soomaaliya.
Madaxweynaha dawladda KMG ah oo hada booqanaya dalka Kenya ayaa la kulmay saacadihi lasoo dhaafay Mudanayaal ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, wuxuuna kala hadlay sidii ay uga laaban lahaayeen Soomaaliya iyo in la joojiyo Mooshinada faraha badan ee ka socda magaalooyinka Nayrobi iyo Muqdisho, oo hada ay ka jirto xiisad xoog leh oo dhanka Siyaasada ah.
Madaxweyne Shariif waa markii ugu horeysay oo ay dawladdiisu dhexda ufariisato mowjado Siyaasadeed oo gudaheeda, iyadoo horay ula daala-dhacaysay dagaalada uga imaanaya kooxaha ka soo horjeeda,waxaana aan la garan Karin talaabooyinka uu qaadayo, maadaama ay utahay markii ugu horeysay.
Baarlamaanka KMG ah ayaa looga bartay qorshayaasha mowjadaha Siyaasadeed, kuwaas oo kala qeybiya hadba dawladda jirta, balse Masuuliyiintii kala duwanaa ee jagooyinka uga horeeyey Cumar C/rishiid iyo Shariif Sheekh Axmed, waxa ayna ahaayeen kuwa saameyn ku dhex leh baarlamaanka, balse Siyaasiin badan ayaa shaki galinaya awooda Madaxdan ay ku dhex leeyihiin baarlamaanka KMG ah ee Soomaaliya.
F. C. Maxamed
AllPuntland