An old post from a Boon
Kulan Xasaasi Ah Oo Maanta Ka Dhacay Xarunta IDJ Ee Baranwaa Ee Magaalada Kismaayo
Kulankan oo ay ka soo qayb galeen guddiga fulinta ee isbahaysiga dooxada Jubba iyo ganacsatada waaweyn ee jubbooyinka ayaa waxa looga hadlayay arrimo badan oo ku saabsan horumarinta nabadgelyada iyo dayactirka adeegga aasaasiga ah ee magaalada Kismaayo sida Jidadka.
Kulankan oo uu shir guddoominayay wasiirka wasaaradda dib u dhiska iyo dib u dejinta ee dowladda federaalka ku meel gaarka ee Soomaaliyeed Xildhibaan Barre Aadan Shire ayaa waxa gelinkii hore ee maanta oo dhan lagu lafo gurayay sidii loo maareyn lahaa ammaanka guud ee magaalada iyo dayactirka jidadka burbursan ee magaalada Kismaayo.
Waxaa kale oo looga hadlayay shirkaas dib u habeynta guud ee dhaqaalaha isbahaysiga iyo eegidda hawlaha dekedda magaalada Kismaayo, in kasta oo iminka lagu jiro xilligii bad xirankana loo baahan yahay sidii loo sii diyaarin lahaa jawi hagaagsan oo shaqo ka hor inta aan la gaarin bad furanka.
Guud ahaan shirkaas oo ahaa mid furan ayaa waxa xubnihii ka soo qayb galay oo ay ku jireen ganacsatada waaweyn ee Jubbooyinka iyo madaxda dekedda Kismaayaba la isla meel dhigay in la hir geliyo sidii hawlaha nabadeynta iyo kuwa dayactirkaba loo dardar gelin lahaa.
Wasiirka iyo madaxdii ka soo qayb gashay shirkaasba waxay isla garteen in sida ugu dhaqsaha badan loo wajaho hawlahaas, balse lama oga goorta iyo sida loo wajahayo, waxa kale oo aan sidoo kalena la ogayn cidda hawl kasta gaar ahaan u wajahaysa.
A M A- (Timajilic)
Gedonet
Kismaayo - Soomaaliya