Ciidamada Al-Shabaab & kuwa Kenya oo isku hor fadhiya Balad-xaawo
Warar Goordhaw na soo gaaraya ayaa sheegaya in Ciidamada Xarakadda Shabaabul Mujaahidiin iyo kuwa Kenya ay isku hor fadhiyaan Xuduud u dhaxeysa Magaalada Mandheera ee Gobolka NFD iyo Magaalada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo, iyada dhawaana ay Kenya Ciidamo gaaraya 1500 Askari ay soo dhoobtay Xuduuda Dhoobley iyo libooyo u dhaxeysa.
Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Dabley Hubaysani ay Gudaha Magaalada Mandheera Baabuur ka soo dhaceen isla markaana ay ula soo talaabeen Dhinaca Magaalada Mandheere.
Wixii ka danbeeyay 02:00 Duhurnimo ayaa la sheegayaa inay Kenya Ciidamada soo dhoobtay Xuduuda Mandheera.
Xiriir aanu la sameynay Sarkaal ka tirsan Xafiiska Warfaafinta Xarakadda Shabaabul Mujaahidiin ayaa noo xaqiijiyay inay labada Ciidan is-horfadhiyaan.
Mar aanu weydiinay Sarkaalkaasi inay jirto Baabuur laga soo dhacay dhinaca Mandheera oo lala soo galay Balad-xaawo inay ciidamadu dabo joogaan ayuu sheegay inaysan war ka hayn Cidda soo dhacday Baabuurkaas iyo goorta la soo dhacay iyo waliba halka lala aaday toona.
Wuxuu intaa ku daray in Waajibka iyaga saaran uu yahay inay Xuduuda ka difaacaan Ciidamada Kenya, balse aysan Shuqul ku lahayn waxa Gudaha Mandheera ka dhacaya, looguna mar-marsoon Karin Fal baa gudahayaga laga sameeyay ayaan u soo talaabaynaa Xuduuda.
Sidoo kale mar aanu weydiinay inay wax wada hadal ahi la yeesheen Saraakiisha Kenyatiga ayaa wuxuu sheegay inaysan jirin wax wada hadal ahi oo dhex maray isla markaana Kenyatiga laga rabo inay iyagu Wada hadalka la yimaadaan, wuxuuna xusay inay ka war heleen oo kaliya Ciidamo badan oo la soo dhoobay Xuduuda.
Magaalada Balad-xaawo ayaa la sheegayaa inay ka jirto Xaalad kacsanaan isla markaana laga dareemayo Dhaq-dhaqaaq Ciidan oo xoogan.
It is over for the Somalis living in kenya if Kenya gets into a war with Al shabab.












