Postby The_Emperior5 » Mon Feb 22, 2010 6:09 pm
Ciidamadda maamulka la baxay Somaliland ayaa biliqaystay kaantaroolka tuuladda Tukaraq
Ciidiamadda maamulka la baxay Somaliland ayaa saaka weerar ku qaaday tuuladda Tukaraq oo 52KM u jira magaaladda Laascaanood kuwaasi oo ka qaatay hub iyo Lacag.
Maraan la xidhiidhnay dadku sugan tuuladaasi ayaa waxa ay noo sheegeen inaan halikiaas wax hujuun dagaal ahi ka dhicn halkaasi balse ay iska maamusheen kastamkaas oo lagu qaadi jirey lacagaha horumarinta degaanka.
Waxa uu ii sheegay mid ka mid ah shaqaalihii halkaasi ku sugnaa in ay ahaayeen dad aan duulaan ku ahayn magaaladda balse waxay qaateen oo keliya wixii lacag iyo hub yaaley.
Duulaankan ayaa waxaa ku horeeyey Ciidan u dhashay degaanka Ganbadhe oo ka soo duuley dhinaca bari sida ay ii sheegeen dad ku sugnaa tuuladda Ganbadhe kuwaasi oo aan wax khasaare ah geysan.
Duulaanadan ayaa fasiraado kala duwan laga bixiyey iyadoo ay dad badani qabaan inay tahay mid la doonayo in horey loogu sii jiido ciidamada Somaliland halka kuwo kalena ay qabaan in uu bilaabmay hordhicii dagaal beeleed ka soo horjeeda Somalilandta haysata qaybo ka mid ah gobolka Sool.
jeele garoowe boocameonline.