Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Murtad axmed godane complaining like little girl

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
AhlulbaytSoldier
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 20301
Joined: Fri Feb 08, 2008 4:50 am
Location: Persian Empire

Murtad axmed godane complaining like little girl

Postby AhlulbaytSoldier » Mon Mar 15, 2010 2:01 pm

Horjoogaha ugu tunka wayn kooxda alshabaab axmed cabdi godane ayaa markii ugu horaysay waxaa uu si wayn uga cawday qilaafaadka hareeyay kooxdaas kaas oo lugaha u galiyay kooxda xaalado adag sida uu ku sheegay fariin maqal ah oo ay kooxdu si qasab ah uga baahsisay warbaahinta Muqdisho xalay.



Axmed Cabdi Godane oo Shabaab ay ku magaacabaan Abuu Zubayr ayaa fariinta uu soo diray waxa uu ugu horayn ku qiray khilaafka ka dhex jira kooxda, oo uu ku eedeeyay in aanay adeecin amiirkooda oo uu ula jeeday naftiisa, taas oo uu sheegay in ay ka soo bilaabatay horjoogayaasha ka hooseeya.



Axmed Godane oo cabasho ka muujiyay qilaafka hareeyay kooxdiisa.
Image( Picture taken in juni 2009,axmed godane is seen standing in his house located Kismaayo.)

Waxa uu intaasi ku daray in khilaafka ka dhexdilaacay kooxda oo dhibaato wayn u soo jiiday gaar ahaan dagaaladii ay waday iyo maamulka goobaha ay kacanta ku hayaan.



“Dibaatooyinka aan la kulano marka kasta ha noqoto xilliyada dagaalka ama xarumaha tababarada ha noqoto, ama meelaha maamulku ka jiro ha noqotee waxaa asal u ah kala dambeyn la’aan, arrintaas marka waxaa la rabaa dhaqan aan korno in ay noqoto” ayuu Godane ku sheegay fariin war baahinta Muqdisho laga baahiyay.



Axmed cabdi godane ayaa sidoo kale waxaa oo si aan toos aheyn uu u sheegay in ay jirto khiyaanooyin ay isku hayaan qaybaha ay u qaybsameen maleeshiyada Shabaab isagoo yiri “ waxaa laga rabaa qofka in uusan xulka uu hayo wax ku khiyaamin, hantida kooxda haddii uu hayo uusan khiyaameyn, awoodda maamulka haddii uu hayo waa in uusan ku takri falin oo uusan siduu doono ka yeela” waxayna taasi muujinaysaa in uu xoogeystay fowdada ka dhalatay khilaafka maleeshiyada Shabaab.



Markale ayuu sharaxay Godane nuucyada waxyaabaha laga bililiqaysanayo kooxdiisa oo ay ka mid tahay hubka gaadiidka iyo qalabka xagga isgaarsiinta iyo waxyaabo kale.



“ hubka ayaa ka mid ah wax yaabaha lala tago, ha noqdo mid lagu tababaranayo ama mid lagu dagaalamayo, waxaa ka mid ah qalabka isgaarsiinta iyo gaadiidka ay kooxdu leedahay” ayuu yiri Axmed Godane oo horjooge u ah maleeshiyada Shabaab.



Hadalka Axmed Godane ayaa u muuqda fariin si gaar ah ugu socota labo kooxood oo ka tirsan Shabaab oo kala ah ragga ay ugu magac dareen “ka qaatayaal” oo ah horjoogayaal ku qoran dhaca iyo dilka dadka sida qarsoodiga ahloo laayo iyo kooxda kale ee diiddan aragtida Milata Ibraahiim kuwa isku magacaabay oo uu ka tirsan yahay Godanae laftiisa.



waxaana heerka khilaaf ee kooxda laga dheehan karaa in halkii laga filayay sidii looga bartay in uu wax ka sheego Dawlada Soomaaliya iyo beesha calamka uu muddo ugu yaraan hal saac ah ka hadlayay mashaakilka haysta kooxdiisa xilligaan.





Qaylo dhaanta ka soo yeeraysa horjoogaha Shabaab ee ah in aan la khilaafin amiirka ayaa u muuqata “lagaa baray oo lagaa badi” maadaama isagu uu ahaa ninkii horboodayay kooxdii ugu horaysay ee ka goosatay Maxkamadihii Islaamiga ahaa, uuna iska dhaga tiray amarradii madaxdii Maxkamadaha Islaamiga.



Su’aashuse waxay tahay ma shalay ayuu ku qaldanaa khilafka mise maanta ayaa looga saxan yahay in la khilaafo isaga? kol haddii uu ahaa ninkii bilaabay khilaafka.

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: mahor and 43 guests