Cali Dheere ayaa sheegay in aysan mar marsiiyo u noqon karin burcad badeedka waxyaabaha ay la soo baxeen, waxaana uu tilmaamay in aanay mahdin doonin tallaabada ay ku dhaqaaqeen.
"Hadii loogu dulqaadan jiray afduubka maraakiibta gaalada, tani mar marsiiyo ma noqon doonto, in xoolaha shacabka masaakiinta loo wado in ay qabsadaan"ayuu yiri Cali Dheere oo u goodiyay burcad badeedka.
Afhayeenka Shabaab ayaa xusay in afduubka doonyaha u raran ganacsatada Soomaalida ay tahay mid aan caqli gal aheyn, isagoo ku sifeeyay arrin aan bani'aadanimo aheyn sida uu hadalka u dhigay.
Kooxaha Burcad badeedka ayaa todobaadkan afduubtay ilaa 9 doonyood oo raashin iyo bagaash u soo waday magaalooyinka Muqdisho iyo Kismaayo, iyadoo wxii markaas ka dambeeyay ay soo baxayeen cambaareyn loo jeedinayay.
Laakiin hadalka goodinta ee ka soo baxay Shabaab ayaa la ogeyn waxa uu soo kordhinayo, xilli aan Burcad badeedka la ogeyn halka ay la aadeen doonyaha ganacsi ee u afduuban.
Afhayeen u hadlay Burcad badeedka oo magaciisa ku sheegay Khaliif ayaa difaacay afduubka doonyaha u raran ganacsatada, isagoo sheegay in ay ugu gol leeyihiin in ay xayiraan dhaqaalaha Dowladda ee ka soo xarooda Dekeda Magaalada Muqdisho.
next game Alkabab vs Burcad



