Well Abdalla that is true , but he also respects their legacy and doesn't disrespect it like how some people in here try to potray it anyway as you can see it was a great day for everybody.
This is what Faisali Ali Waraabe said in a speech scaring off the buhoodle community that the SNM is still there and alive.
Faysal Cali Waraabe: Reer Buuhoodle iyo Laascaanood Ha Og-adaan in SNM nooshahay
April 7, 2010 | NEWS
Waxaa maanta lagu xusey magaalada Hargeysa ee maamulka Somaliland maalintii la asaasey ururkii hubeysnaa ee SNM ee la dagaalmay dawladdii uu madaxweynaha ka ahaa rabbi ha u naxariistee Maxamed Siyaad Barre, xuska ayaa lagu qabtey halka loo yaqaan Beerta xoriyada.
Xuska ayaa waxaa ka soo qaybgalay dadweyne faro badan, gudoomiyaha xisbiga Kuliye, Axmed Siilaanyo iyo Gudoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe.
Siilaanyo oo kamid ahaa guddoomiyaashii soo maray ururkaas, ayaa ka jeediyey khudbad kooban oo uu uga hadlaayo taariikhda ururkaas iyo mirihii uu dhalay.
Sidoo kale waxaa ka hadley gudoomiyaha Xisbiga Ucid Faysal Cali Wareeb, Faysal oo lagu yaqaano nin ka hadla waxa laabta uu ku haysto isla markaana aan xakamayn karin hadalkiisa, kana dheeraada in uu isticmaalo hadalo siyaasadeed ayaa afka furtey, waxaana uu baaq u direy Shacabka SSC, isaga oo yiri “….Walaalayaal waad la socoteen waxa ka dhacay Buuhoodle iyo banaanbaxyada laga sameeyey, waad la socotaan waxa Laascaanood ka socda, waad daawateen telefishanka wixii xalay ay ku hadleen kuwii shirka ku yeeshay London, waxaan u sheegaynaa Somaliland (Waxa uu ujeeday SNM, sida hadalkiisa ka muuqatay) waa nooshahay may dhiman, dalkayagana waa difaacaynaa, waana soo soconaa ee qoriga dabka leh hala dhigo…”.
Arintan ayaa fajiciso ku noqotey qaar badan oo kamid ah bulshada reer SSC kuwaas oo iyaga dhulkoodu loogu yimid, dhulka Faysal ka maqan ee uu sheeganayo difaaciisu waa kuma?.
Bulshada ku dhaqan SSC ayaa muddooyinkii la soo dhaafey ku mashquulsanayd sidii ay u mideyn lahaayeen cududooda isla markaana ay uga tashan lahaayeen aayahooda, waxaana ay ka mideysan yihiin inta badan bulshada halkaas ku dhaqan in aan Somaliya kala go’i karin.
Uraradii 4-ta ahaa ee waddanka Soomaaliya kadeedka baday waxaa weli laga xusaa ururkii SNM, halka dadku iska ilaaween kuwii kale.
Horseed Media
News Desk