Postby Somalian_Boqor » Tue Apr 13, 2010 12:49 am
Dowladda Puntland & TFG oo heshiis kala sixiixdey
12 Apr 12, 2010 - 4:56:03 AM
Wakiilka QM, Raísal wasaare ku-xigeenka TFG & Madaxweynaha Puntland
Waxaa maanta 12 April.2010 lagu kala saxiixday Hotel Safari Park ee Nairobi, heshiis is afgarad oo dhex maray dowladda Puntland iyo xukumadda Federalka ku meel gaarka ah ee Somaliya, heshiiskaas oo daba socday heshiiskii ay kal hore labada maamul ku kala saxiixdeen magaalada Gaalkacayo, ayaa ujeedadiisu ahayd:
1- In la xoojiyo sharciga iyo kala dambaynta bad iyo berigaba.
2- In dib loo dhiso lana habeeyo ciidanka aminiga ee dalka. ( ciidamada badda ee la dagaalama burcad badeeda, saldhigna looga dhiga Puntland).
3- In shaqo loo abuuro dadka shaqola'aantu hayso (gaar ahaan dadka xeebaha ku teedsan).
4- In laga sifeeyo xeebaha dalka wasakhda (gaar ahaan xeebaha Puntland.
5- In wacyi gelin loo sameeyo shacabka si loo soo afjaro burcad badeeda iyo arimaha la xiriira.
Wakiilada beesha caalamka oo kasoo qayb galey munasabada saxiixa
Kulankaas ayaa waxaa ka soo qaybgalay, hay'adaha iyo dawladaha daneeya arrimaha Somaliya, oo ay ka mid yihiin ; dawladda Talyaaniga, Swedan, Spain, Franc, wakiilka EU-da u fadhiya Nairobi iyo waliba wakiilka Jamciyadda quruumaha u dhexaysa u qaabilsan arrimaha Somaliya Mr. Weled Cabdalla.
Dawladda Puntland iyo TFG-da ayaa waxaa u saxiixay heshiiskaan Wasiika Arrimaha Gudaha Gen. Cabdulahi Axmed Jamac (Ilka jiir) iyo Wasiirka Gashaandhiga Cabdalla Boss, waxaana goobjoogayaal ka ahaa Madaxwaynaha Dawladda Puntland Cabdiraxman Maxamed Maxamud (Farole) iyo Ra'isal wasaare ku xigeenka TFG, Sharif Xasan.
Labada Wasiir oo is gacan qaadey
Dhamaan masuuliyiintii ka hadashay kulankaan ayaa sheegay inay ku faraxsanyihiin kuna bogaadinayaa labada dhinac heshiiskaan is afgarad ee dhaxmay Pl iyo TFG, kaasoo ah talaabo loo qaaday xaga horumarka dib u heshiisiinta Soomaalida.
Qoraalka heshiiskaan ayaan dib idiinka soo gudbinaynaa haddii alle idmo.
Xafiiska Madaxweynaha Puntland