Dagaallo Culus oo saaka ka dhacay tuulo ku dhaw degmada Ceelbarde iyo xoogaga Islaamiyiinta oo dhanka Yeed u dhaqaaqay.
Tuesday, 20 April 2010 06:32 administrator
Dagaallo culus oo u dhexeeyay ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin iyo maleeshiyaad ka tirsan DKMG ah ayaa saaka aroortii ka dhacay hareeraha degmada Ceelbarde gobalka Bakool.
Saraakiil ka tirsan Wilaayada islaamiga bay iyo Bakool ayaa xaqiijiyay in ciidankoodu ay saaka la wareegeen tuulooyin hoos yimaad Ceelbarde oo ay shalay u firxadeen maleeshiyaad DKMG ah taabacsan.
Guutooyin ka tirsan Shabaabul Mujaahidiin ayaa saaka dul degay deegaan ku dhaw Ceelbarde oo ay xalay soo gaareen maleeshiyaad dhanka Itoobiya iska soo aruursaday waxaana halkaasi ka dhacay dagaal hub badan lagula wareegay.
Ciidamada Al Shabaab ayaa saaka ku sugan Ceelbarde iyo tuulooyinka ku xeeran oo ay horay u joogeen maleeshiyaadka DKMG ah oo kaashanaya ciidamo Itoobiyaan ah, Al Shabaab ayay ka go'antahay in ay la wareegaan dhamaanba deegaanada ay cadawga joogaan.
Warar Madax banaan ayaa SomaliMeMo u xaqiijiyay in guutooyin ka tirsan Shabaabul Mujaahidiin ay u dhaqaaqeen dhanka degmada Yeed gobalka Bakool oo ah halka kaliya oo ay Bakool uga harsanyihiin maleeshiyaadka DkMG ah, Yeed iyo Ceelbarde waxay dhacaan xad beenaadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Itoobiya lamana oga in Itoobiya dagaalka soo geli doonto iyo in kale.



