Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Indhacade on the hot seat after loosing gamble

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
Talo alle udaa
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2739
Joined: Thu Apr 16, 2009 4:03 pm
Location: Evaluating the African mind

Indhacade on the hot seat after loosing gamble

Postby Talo alle udaa » Fri May 21, 2010 3:42 pm

INDHACADDE OO ERGO U DIRSADAY INA CABDIRASHIID, SHARIIF XASAN SHEEKH AADAN IYO SHEEKH SHARIIF OO QILAAF XOOGGAN UU SOO KALA DHEX GALAY, IYO WARAR KALE OO MUHIIM AH.
Jimce,21,May,2010 (Hillaac.net) Yuusuf Maxamed Siyaad (Indhacade) oo ah Wasiiru-dowlaha Gaashaandhigga Dowladda uu Madaxda ka yahay Cumar C/Rashiid ayaa sida aanu ka helnay Xubin ka mid ah Wasiirada DKMG ah waxa uu Maanta Ergo u dirsaday Ra'isulwasaaraha DKMG ah Cumar C/Rashiid Sharma'arke oo uu horay ugu eedeeyay in uu Hub siiyo Xarakada Alshabaab Kadib Markii uu Madaxwene Shariif Sheegay in uu kala diray Dowladdii uu Madaxda ka ahaa Cumar C/Rashiid, Iyadoo Indhacadde uusanba ku Xisbaatamin in ay wax isbedeli karaan Ina C/Rashiidna uu weli sii ahaan karo Ra'isulwasaaraha DKMG ah.

Ina C/Rashiid oo haatan sida la sheegay yeeshay Awood Siyaasadeed iyo Kalsooni uusan horay u qabin ayaa Ergada uu Indhacade u dirsaday ku soo jeesjeesay Isagoo u sheegay in Howlo farabadan ay u yaalliin Arrimaha ay ka hadlayaanna aysan Astaahilin in Waqti lagu lumiyo, Isagoo aan Ergada u Caddeyn in uu ka Aqbalay in uu ka Raalli noqday Hadalkii Indhacade ka soo yeeray iyo in kale, Waxana ay Ergadii Indhacade ka socotay ee u badnaa Tolkiis ay ku soo laabteen Yuusuf Indhacade iyagoon u wadin wax Jawaab ah, Waxana ay Arrintaasi gelisay Indhacade Welwel cusub.

Dhanka kale Warbixin naga soo gaartay Xubno ku dhowdhow Shariif Xassan Sheekh Aadan Wasiirka Maaliyadda ee DKMG ah ayaa sheegeysa in uu Qilaaf aad u xoog badan uu soo kala dhex galay Madaxwene Shariif iyo Wasiirka Maaliyadda Shariif Xassan Sheekh Aadan oo ahaa Labo Nin aad Saaxiibbo ah oo aan kala harin, Waxana Qilaafka uu soo socday tan iyo intii ay is eryanayeen Aadan madoobe iyo Shariif Xassan oo dhowr goor oo uu Madaxwene Sharif soo dhex galay Arrintaas uu Shariif Xassan aad uga carooday Illaa markii dambe oo Aadan madoobe laga adkaaday kadib Markii uu Shariif Xassan iibsaday in kabadan 300 Xildhibaan oo uu ka horkeenay Aadan madoobe ay dhalisay in mar kale Aadan Madoobe uu Ballan hoose la galo madaxweyne Shariif oo uu kala diro Xukuumaddi Cumar C/Rashiid Inkastoo taasina aysan u suuragelin, Arrimahaas oo dhan oo isku tegey iyo Qorshayaal kale oo uu Shariif Xassan Sheekh Aadan horay u damacsanaa ayaa sida la sheegay keenay in Xulufo cusub uu sameysto Shariif Xassan, Xulufadaas oo uu ugu horreeyo Ra'isulwasaare Cumar C/Rashiid, Iyo sidoo kale in ka badan 300 Xildhibaan oo lacago uu ku hurgufay Shariif Xassan, Waxana uu haatan Shariif Xassan ka shaqeynayaa in uu bal marka hore ku fariisto Kursiga Guddoomiyenimada Baarlammaanka Bal si uu Awood ugu helo inuu ka taqaluso Madaxwene Shariif isagoo kaashanaya Xubnaha Baarlammaanka oo intooda badan u Laaluushan isaga, Waxana uu Markaa kadib doonayaa oo uu ololeynayaa Maxamed Qanyare Afrax oo ay Weligood Saaxiib dhow ahaayeen in uu Madaxweyne noqdo .

Shariif Xassan Sheekh Aadan ayaa Haddii uu ku Guuldarreysto in uu noqdo Guddoomiyaha Baarlammaanka waxa uu doonayaa in Booskaas Guddoomiyenimada uu fariisiyo Shaqsi Isaga uu maamulo oo aan hadal ka diideynin, Si markaa uu ugu Guuleysto hamigiisa Siyaasadeed ee uu haatan doonayo.

Shariif Xassan Sheekh Aadan ayaa Saaxiibadiis waxa ay ku Ammaaneen in uu yahay Xariif Sidii Banoonigii ugu Ciyaaray Xubnaha Hawiyaha iyo Daaroodka u metela DKMG ah iyo Baarlammaanka Maadaama ay u badan yihiin Dad iska Reer Baadiye ah oo Booska lagu keenay 4,5 Ama Hoggaamiye-Kooxeednimo, Halka Shariif Xassan uu yahay Nin Reer Magaal ah oo Reer Beeydhabaad ah oo Isagoo Asharaaf ah jagooyinkiisa ku helay Digil iyo Mirifle, Iyadoo jagooyinkaas uu haysto ay u hanqaltaagayaan Qabaa'ilka waaweyn ee Digil iyo Mirifle.

Arrintu si kastaba ha'ahaatee Shariif Xassan Sheekh Aadan ayaa haatan ah udub dhexaadka isbedbedelka Siyaasadda Soomaaliya, Maadaama Xubnaha uu ku dhexjiro uu Isagu ugu Xariifsan yahay uguna Ilbaxsan yahay, Waxase laga yaabaa in Caqabadi ay kaga timaado Beesha Caalamka oo Indhaha ku haysa haatan Isaga Maadaama Warbixinno badan lagu helay in uu Dhaqaale badan Lunsaday, Musuqmaasuqiisuna uu aad u badan yahay.

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 19 guests