Postby grandpakhalif » Fri Jul 23, 2010 5:35 pm
Tuesday, 20 July 2010 13:57 ****** Online Wararka naga soo gadhaya Magaalada Gaalkacayo ayaa sheegaya in Suldaankii Beesha Absame ee Puntland lagala baxay Hotel uu degenaa.Sida warku sheegayo Suldaan Jaamac Xasan oo ka soo kicitimey Magaalada Boosaaso ayaa waxaa hotelka uu degenaa ku soo booqdey madaxa Puntland ee Gaalkacayo. Inkasta oo aysan cadeyn ujeedada uu Gudoomiyhu u soo booqdey Suldaanka iyo waxa laga wada hadley, hadana daqiiqado markii uu sii maqnaa ayaa waxaa Suldaanka u yimid Ciidamo Daraawiish a oo ka amar qaata Gudoomoiyha Gobolka Gaalkacayo, kuwaas oo Suldaanka kala baxay Hotel-kii uu degenaa.Suldaan Jaamac waana ganacsade aad looga yaqaano Gobalada Bari, wuxuuna mudo badan ki noola Bari oo uu hanti badan ku leeyahay.Suldaanka ayaa waxaa caan ku ahaa ka shaqeynta iyo Isfahanka dadka wlaalaha ah ee ka soo Jeeda Ogadeniya iyo Gobolada Puntland.Ilaa hada lama oga meel lagu hayo Suldaanka, dad badan ayaana ka walaacsan in falkan ay ka dambeyso xukumada Itoobiya, kuwaas oo ka cabsi qaba in Suldaanka