Tegitaankii shalay Garoowe Odayaashii Beesha Cisman Maxamuud oo ay hogaaminyaan Cade Muuse iyo Samatar, iyo bixitaankii ooga waaberi ee Faroole iyo Carays ee Tuulo Buuryo qab ayaa waxa la rajeenayaa in ay ka soo baxdo in la keeno Amxaaro sidii horay ugu dhacday Beelaha kale oo Soomaaliyeed
Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Faroole oo siyaasadiisu tahay mid jar iska xoor ah ayaa waxay noqotay arintii u danbaysay oo uu ku dhaqaaqay in uu booqasho ugu tago Isimada ay isku haybta yihiin ee Gobolka Mudug isaga oo waydiisanaya Ciidan Beeleedyo iyo Amxaaro ku dagaal galaya magac qabiil isaga oo raba in uu keeno Maleeshiyaadkan degaano kale oo aan beeshoodu degin
Madaxweynha Puntland oo ka dhego adaygay in mudo ah in uu la kulmo Ismada iyo Cuqaasha ka soo jeeda degaanda Galgala si ay uga hor tagaan dagaal halkaa ka dhaca ayaa maanta wuxuu booqasho ugu tegay isaga oo jooga gurigiisa Islaanka Cumar Maxamuud ee Majeerteen, isaga oo sheegay in ay ka wada hadleen waxa uu ugu yeeray amaanka Puntland gaar ahaan magaalada Galgaa oo horay uga diiday in uu soo hor fariisto isimadii u dhashay Dgaanka.,si ay Idaacadaha horay uga sheegeen qaar ka mid ah isimida Beesha Dubeys ee Warsangeli.
Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Faroole oo maalmahan danbe ka dhigay Puntland Beel kaliya haday noqon lahayd kheyraadka aduunku ugu deeqo ama canshuuraha laga qaado bulshada wax kala soo degta Magaalad Boosaso, ayaa hada wuxuu ku darsaday in uu u yeerto saraakiil hore oo isku Beel yihiin Sida Carays oo lagu xasuusto wada shaqaynta Amxaarada inta la ogyahayna labo goor soo geliyey Amxaaro Soomaaliya oo kala haa xiligii Jaamac Cali Jaamac uu amxaarada keenay Magaalada Garoowe,iyo markii labaad oo uu Amxaarada geeyey caasimada Soomaaliya ee Muqdisho .
Booqashada Madaxweynahu ku tegay gobolka Mudug ayaa haba yaraatee ka hadlin Sheekha ay isku Beesha yihiin Sheekh Ismaaciil Khaliif Mire oo sheegay in uu Gaalkacayo Masaajidka Saaluxu Diin ku haysto 400 oo Maleeshiyo oo ka amar qaata Alshabaab , oo hadii loo yimaado sida uu sheegay u quwaaxeenayo ama dilayo Ciidanka Puntland oo aan awooda lahayn oo labo gabdhood ka fara maroorsadeen lacagtii faalsada ahayd.
Halka ka dhegayso Sheekha xaq jirka ah oo ay isku haybata yihiin Madaxweyne Faroole hase ahaatee nabada ku jooga Gaalkacayo http://somalimidnimo.com/midnimo/shismacil.mp3
Madaxweynaha oo hal maalin hal mashruuc ah aan ka fulin degaanada Maakhir ayaa ah mid doonayaa maanta in Amxaaro iyo Maleeshiyo Beeleed uu ka soo urusaday Nugaal iyo Mudug ku weeraro Galgala,halka Ciidamadii 11 sano Qardho iyo Garoowe looga mushahaar qaadanayey ay noqdeen kuwo aan jirin oo ahaa magac u yaalUgu danbayntii jar iska xoornimada oo Beelihii Puntland wada dhistay loo arko in ay yihiin cadow loo isticmaalayo Amxaaro,bulshada reer Boosaaso oo u badan Dubeys iyo Dishiishana loo raadsado Ciidan lagula dagaalamo maha mid caawinaysa Jiritaanka Puntland,mana aha mid siii kordhinaysa Mashaariicda ka socota Sunijiif iyo Dangorayo oo Faroole ku helay magaca Puntland,waxase wanaagu ku jiraa in nabada laga wada shaqeeyo waqtina la siiyo wada hadal iyo in la keeno cadaalada aan hada jirin si loo gaaro xasilooni iyo horumar



