Postby oldenglish » Mon Jul 26, 2010 4:47 am
Warar faah faahsan ayaa kasoo baxaya dagaallo culus oo saaka ka qarxay degmada Galgala ee gobalka Sanaag Bari kaasi oo u dhexeeya Maleeshiyada shareeca diidka Cabdi Raxmaan Faroole iyo dadka deegaanka.
Wararka nagasoo gaaray Galgala ayaa xaqiijinaya in dagaalku uu saaka aroortii qarxay kadib markii xoogag deegaanka ah oo cadaystay in ay isku dhaqayaan shareecada Islaamka weerareen Maleeshiyaad Horor ah oo Boosaaso ka duulay.
Warar Hordhac ah oo ay SomaliMeMo ka helayso Jiidda dagaalka ayaa xaqiijinaya in xoogaga degmada Galgala ay guulo waaweyn ka gaareen dagaalka ay kula jiraan Maleeshiyaadka Faroole.
Guutooyin katirsan xoogag deegaanka ayaa la sheegay in ay gubeen 4 Gaari oo ay ku buufsaneed Astaanka ciidanka Ashahaadda ladirirka PIS-ta Puntland waxaana weli si xowli ah ku socda dagaalka.
Dagaalka ugu culus ayaa ka socda deegaanka Karin oo 30 KM u jirta magaalada Boosaaso kana tirsan gobalka Sanaag Bari, Warar Horu dhac ah waxay sheegayaan in xoogaga Galgala oo weerarka soo qaaday ay Karin inteeda badan la wareegeen islamarkaana ay sii baacsanayaan maleeshiyaadkii Faroole.
Laakin Warar kale oo ay SomaliMeMo helayso ayaa sheegaya in Karin weli lagu dagaalamayo islamarkaana Maleeshiyada Faroole ay uga sugan tahay Karin balse waxaa muuqanaysa in xoogaga Galgala oo weerar ah ay horumar ka samaynayaan dagaalka.
Warbaahinta qaar ayaa si Khalad ah u tebinaysa waxayna sheegayaan in dagaalku Galgalo ka socdo balse xaqiiqda ayaa ah in dagaalku uusan Galgalo ka socon balse dadka deegaanka Galgala ay saaka weerar ku qaadeen Maleeshiyaad dhanka Boosaaso ka duulay oo deegaanka Karin isku aruursanayay
Shacabka degmada Galgala ayaa loo colaadinayaan maxaad u muujisateen ku dhaqanka shareecada Islaamka oo ay dhawaan uga dhawaaqeen deegaano Sanaag Bari katirsan..
Xigasho:-Somalimemo