To discuss peace
Ra’iisulwasaaraha dalka Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay qaar ka mid ah odayaasha beelaha Hawiye.
Kulankaan oo looga hadlaayay sidii iskaashi u dhex mari lahaa xukuumadda cusub ee uu madaxda ka yahay Formaajo iyo odayaasha beelaha Hawiye ayaa waxaa ka soo qeyb galay nabadoono ka soo jeeda beesha Habargidir, gaar ahaan lafta Sacad iyo Ceyr.
Nabadoonada ayaa ra’iisulwasaaraha u muujiyay sida ay u taageersanyihii dadaallada uu billaabay uu ku doonayo in uu dhiso dowlad caga adag ku taagan oo uu dalku yeeshu.
Nabadoon Xasan Cilmi oo kamid ahaa adayaashii ka qeyb galay kulanka ayaa Radiyow Muqdisho u sheegay in kulanki ay la qaateen Ra’iisulwasaaraha uu ku dhamaaday weji is afgarad leh.
http://radiomuqdisho.net/news/wararka/2 ... awiye.html