Magaalada Muqdisho ayaa aad u foolaneysa.. waliba markan foosheedu aad bay u sii daran tahay, waxa ay umuli doontana dadka wanaagga jecel aad bay ugu farxi doonaan Insha Allaah, dadka ku nool magaalada Muqdisho ayaana arrinkaasi il gaar ah ku eegaya.
1- DKMG ah ee uu hogaamiyo Shariif Sh Axmed ayaa maleeshiyaad wixii tabar u ahaa isugu uruurinayay qeybaha kala duwan ee magaalada, iyadoona habar wacashadii qabiilka ay ku soo dareen midda dabadhilifnimada iyo gaala kalkaalka ee markii hore ay ku wada joogeen.
2- Waxaa arrinkaasi barbar soconaya Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo iyana difaacyada magaalada Muqdisho u qeybisay ciidamo cusub oo dhawaan tababar ku soo dhameystay Bay iyo Bakool iyo Jubbooyinka, ciidamadaas ayaa barbarka ka istaagaya Guuto loogu magacdaray Sh Mustafa Abul Yazid oo wax weyn ka badashay dagaalada Muqdisho.
3- Iyana waxaa arrimahaasi barbar soconaya gaadiidkii dagaalka ee Tiknikada Xisbul Islaam oo shalay iyo maanta ku soo qulqulaya magaalada Muqdisho, kuwaasi oo loo qeybiyay xeryo ku yaalla magaalada, halkaasi oo looga diyaarinayo in lagu go'aamiyo mustaqbalka kama danbeysta ah iyo in ay ka mid noqon doonaa agabka dagaal ee ugu danbeyn si wadajir ah loogu wajihi doono cadowga soo duulay iyo dabadhilifkiisa.
Wax galnimada iyo Natiijada dhaqaaqa Al-Shabaab qeyb ka mid ah waxay ku xiran tahay arrinta Xisbul Islaam, marka aan taasi u nimaado waxaan arkeynaa in Xisbigu uu ku qeybsan yahay aragti ahaan qaabka loola midoobay Al-Shabaab, balse ay ka wada dhan yihiin in hubka iyo ciidamada la isku biiriyo, arrinkaasi waxaa qasbaya waaqica Muqdisho iyo dagaalka oo dhamaad maraya haddii aan wax lagu darsana hadhow lagu khasaari doono.
Waxaa jirta in iyadoo qeyb ka ah wadahadallo aad loo qarinayo oo dhexmaray hogaanka Xisbul Islaam iyo Al-Shabaab in gaadiidkii dagaalka ee Xisbiga ay shalay iyo maanta soo galayeen Muqdisho, iyadoo sidoo kale qeyb ka ah heshiisyada aadka loo qarinayo in gaadiidkaasi la kala geeyay xeryo kala duwan, nin shalay arkay ciidamada gaadiidka saarnaa wuxuu ii sheegay in ay ''aad u badnaayeen''.
Bartamihii todobaadkan ayaa kulamo xasaasi ah dhexmareen madaxda Xisbul Islaam waxaana ka soo baxay natiijo keentay in guddi ay u soo diraan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, ka dibna kulamo labada dhinac yeeshaan, ilo wareed ka mid ah Masuuliyiinta ugu sareysa Al-Shabaab ayaa ku micneeyay tallaabada hadda halka ay mareyso "meeshii ugu wanaagsaneyd", waxaana uu diiday ''kalimad kale" in uu hadalkisa ku biiriyo.
Dagaalka kama danbeyska ah ee Muqdisho lagu weeraro Madaxtooyada iyadoo Sh Mukhtaar Abu Zubeyr iyo Sh Xasan Daahir Aweys ay garab mid ah dagaalka iyo go'aanka ka yihiin, marka ay sidaasi noqotana dad badan waxay u badinayaan in Muqdisho waxa ay foolaneyso ay dhali doonto..
---
wow





