Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Xildhibaan ka tirsan Barlamanka KMG oo is casilay

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Xildhibaan ka tirsan Barlamanka KMG oo is casilay

Postby FBISOMALIA » Thu Dec 23, 2010 2:56 pm

Image
Barline: (Sh. M. Network) Mudane ka tirsan Barlamanka KMG Soomaaliya oo caawa la soo xariiray Shabakadda Warbaahinta Shabelle ayaa iska casilay xiulkii uu u hayay Barlamanka KMG Soomaaliya sababo uu ku sheegay in dalka wax laga qaban waayay.

Yuusuf Maxamed Kheyr (Guuraaw) oo ka mid ahaa mudanayaasha Barlamanka KMG Soomaaliya oo Caawa qadka taleefanka kula hadlayay Shabakadda Warbaahinta Shabelle isagoo ku sugan dalka Jarmalka ayaa waxaa uu sheegay in uu iska casilay xilkii uu u hayay Barlamanka KMG Soomaaliya.

“Waxaan rabaa in aan iska casilo xilka xubinimada baarlamaanka sababo la xiriira caafimaadkeyga oo aan wanaagsaneyn iyo aniga oo howshii wadanka iskaga maqnaan Karin iyadoo howl la iska rabo”

“Istiqaaladii waan gudbiyey waxaana jira dad badan oo aan telefoon ku wada gaari Karin in aan hawada u mariyo codkeyga iyo in aan u rajeeyo dalka nabadgeliyo iyo xasilooni kuna cadeeyo in Iscasilaadeyda wax siyaasad ama khilaaf ah lug ku laheyn” ayuu yiri Yuusuf Maxamed Kheyr.

Mr Kheyre oo sii hadlaya ayaa yiri “Mudo sanad iyo bar dhan ayaa waxaan iminka joogaa wadanka Jarmalka xaalad caafimaad owgeed, maadaama aan mararna safar ku aadey gudaha dalka laakiin si joogto ah uma soo joogin, weli xaaladihii caafimaadka iima dhamaanin, mudadii aan maqnaana aad ayey u badatey”

Dhinaca kale xildhibaanka ayaa ka hadlay abaalmarintii dhawaan ay ku guuleysatay Shabakadda Warbaahinta Shabelle isagoo yiri “Maadaama Radio shabeele uu yahay raadiyaha ku guuleeystey mid ugu fiican 2010 Caalamka waxaan rabaa in aan hambalyadeyda ku daro”

Aqriso taariikhda xildhibaanka is casilay hoos

Waxaan ka mid ahaa aas aasiyaashii ururkii RRA, waxaana ku jiray gudigii fulinta laga soo bilaabo 1995 ilaa dhismihii dowlada TFG, markaas oo aan ku biirney dowladii TFG ee maxadweyne Abdullahi Yuusuf Ahmed,

Waxaan ahaa gudoomiyaha gobolka Bakool laga soo bilaabo 2000-2003 ilaa waqtigii dowlada TFG laga dhisey wadanka Kenya kuna soo wereegtey Baydhabo, waxaan ka mid ahaa wasiir ku xigeenadii golihii wasiirada R/wasaare Cali Maxamed Geedi, wasiir ku xigeenka wasaarada iskaashiga iyo horumarinta gobolada ilaa is casilaadii Prof Cali Maxamed Geedi

Xilalka aan ka soo qabtey gudiyada gudaha golaha baarlamaanka waxaa ka mid ahaa, waxaan ka tirsanaa gudiga baarlamaanka ee nabadgalyada iyo amaanka oo aan xubin ka ahaa, waxaan kaloo Xubin ka ahaa ururka ban Afric parliament u qaabilsan xaga baarlamaanka Soomaalida.

Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.

User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Re: Xildhibaan ka tirsan Barlamanka KMG oo is casilay

Postby FBISOMALIA » Thu Dec 23, 2010 2:57 pm

did the guy afraid from alkawarj treat ...!!!


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 33 guests