Page 1 of 1

Puntland's public disappointed with Farmaajo's comment

Posted: Wed Jan 19, 2011 9:40 am
by D-Runner
Nabadoonada, Aqoonyahanada iyo Haweenka ku dhaqan gobolka Bari ayaa maanta kulan ku yeeshay magaalada Bosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland kaas oo ay kaga hadlayeen go’aankii Dawladda Puntland ay ka qaadatay Dawladda Federaalka iyo hadalka kasoo yeeray Raysalwasaare Farmaajo.

Kulanka maanta oo ka dhacay xarunta guriga gobolka ayaa waxaa kasoo qaybgalay Gudoomiyaha gobolka Bari Cabdixaafid Cali Yuusuf,Duqa degmada Bosaaso Maxamuud Faarax Beeldaaje iyo masuuliyin kale.

Ugu horeyn waxaa ka hadlay Nabadoon C/qaadir Axmed Ibraahim Xarago oo ah Gudoomiyaha Nabadoonada gobolka Bari,wuxuuna sheegay in shacabka iyo Waxgaradka gobolka ay soo dhoweynayaan go’aankii kasoo yeeray Dawladda Puntland isagoo sheegay in wax laga xumaado ay tahay hadalka kasoo yeeray Raysalwasaare Farmaajo oo ku aadan in shacabka Puntland ay go’aankaas la qabin Dawladda.

Gudoomiye kuxigeenka Ururka Haweenka gobolka Bari Faadumo Nuur (Mama Africa) oo ku hadashay afka Haweenka gobolka Bari ayaa si kulul u cambaareysay hadalka kasoo yeeray Raysalwasaaraha.

"...Waxaa nasoo gaarey hadal aan malaysanaynin oo kasoo yeertay Raysalwasaaraha,waana mid meel ka dhac…", ayay tiri.

Waxaa ay intaas ku dartay in shacabka reer Puntland iyo Dawladda ay mideysanyihin isla markaana mar weliba shacabka ay taageerayaan go’aanka kasoo yeeray Dawladooda.

Kulanka oo ay ka hadleen Nabadoono iyo Haween kale ayaa si aad ah looga soo horjeestay hadalka Raysalwasaaraha iyadoo si weyn lagu taageeray go’aankii Dawladda Puntland.

Raysalwasaaraha Soomaaliya Maxamed Farmaajo ayaa sheegay in Shacabka Puntland aysan ku qanacsanayn go’aanka ay gaartay Dawladda Puntland isagoo sheegay in go’aankaas ay fursad siinayso kooxda Shabaab.

http://horseedmedia.net/2011/01/19/naba ... jo-sawiro/

Re: Puntland's public disappointed with Farmaajo's comment

Posted: Wed Jan 19, 2011 9:43 am
by FBISOMALIA
all ppl of puntland with the president statement no more playing with puntland everyone should know his place especially sheikh shariif midgaan :ugeek: