Page 1 of 1

Alshabaab burned down two Amisom Military vehicles

Posted: Wed Jan 26, 2011 9:18 am
by The_Emperior5
Dagaal dhimasho iyo dhaawac sababay oo ka dhacay Boondheere

Muqdisho:(Sh. M. Network) Dagaaladaani oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo kuwa Xarakada Al Shabaab ayaa maanta waxaa ay ka dhaceen xaafado ka tirsan degmada Boondheere ee gobolka Banaadir kuwaasi oo geystay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Sida ay sheegayaan dadka deegaanka dagaaladaasi ayaa waxaa ay ka dhaceen agagaarka wasaradii hore ee arimaha gudaha oo kutaala degmada Boondheere, halkaasi oo fariisimo ku leeyihiin ciidamada dowladda KMG, waxaana la sheegayaa in ay weerarka soo qaadeen ciidamada xarakada Al Shabaab.

Inta la ogyahay dagaaladaasi u dhaxeeyay labada dhinac ayaa waxaa ku geeriyooday 2-ruux iyadoo ay ku dhaawacmeen 5 kale oo dhamaantood ahaa dad rayid ah oo ka agdhawaa goobaha labada dhinac ay ku dagaalamayeen maanta.

Dhaawacyada dadkaasi ayaa loo qaaday goobaha caafimaadka ee Magaalada Muqdisho si xaaladooda wax looga qabto, iyadoo ay deganyihiin xaafadihii maanta ay ku dagaalameen ciidamada dowladda iyo kuwa Xarakada Al Shabaab.

Saraakiil ka tirsan xarakada Al Shabaab oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dagaalkii Maanta ciidamada AMISOM ay ku lug lahaayeen islamarkaana ay kaga gubeen gaadiid dagaal oo sida ay sheegeen ka qeyb qaadanayay dagaalkaasi, waxaana ilaa iyo hadda jirin wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda KMG oo ku aadan guulaha ay sheeganayaan Al Shabaab.



Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.