Sacuudiga oo dib usoo celiyey Maraakiib Xoolo Ka Keenay Soomaaliya
Dawladda Sacuudiga ayaa dib usoo celisay labo markab oo waaweyn kuwaas oo xoolo ka qaaday dalka Soomaaliya isla markaana u waday Sacuudiga.
Maraakiibtaas ayaa waxaa ay u rarnaayeen ganacsato Soomaaliyeed,waxaana ay ka ambabaxeen dekadda magaalada Berbera ee maamulka Somaliland.
Ganacsadaha u rarnaa labada markab ayaa dib usoo celiyey,waxaana lagu micneeyey in xoolahaas ay ahaayeen kuwa aan caafimaad qabin isla markaana ay qabeen cuduro.
Mid kamid ah markabka ayaa xoolaha laga dejiyey iyadoo kan kale lagu wado saacadaha soo socda laga dejiyo,waxaana ganacsatadii Soomaalida iska lahayd xoolahaas ay aad ula yaabeen cudurada lagu sheegay xoolaha maadama la marsiiyey Maxjar ku yaalla Berbera oo uu iska leeyahay ganacsade kasoo jeeda Sacuudiga.
Sacuudiga waxaa uu kamid yahay waddamada loo iibgeeyo Xoolaha Soomaaliyeed.



