Xukuumada dalka Jabuuti ayaa maanta diyaarad gaar ah magaalada Muqdisho kaga qaaday 32 ruux oo dhaawacyo rayid ah kuwaasoo toddobaadkii hore ay laayeen ciidamo ka tirsan DKMG Soomaaliya.
Dhawacyadan oo ay ku jiraan 3 carruur ah ayaa ka mid ahaa lixdan dhaawacyo ah oo ciidamada DKMG ay rasaas ku fureen xilli ay ku sugnaayeen agagaarka isbitaalka Banaadir ee magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa dhawaan aqbalay codsi ka yimid DKMG Soomaaliya kaasoo ahaa in wadanka Jabuuti lagu soo daweeyo dhaawacyada ugu daran ee dalka wax looga qaban waayo ee ka midka ahaa dadkii y sida xaqdarada ku dileen askarta DKMG.
Waxaana maanta dhaawacyadaasi iyo eheladooda loo duuliyey magaalada Jabuuti halkaaso isbitaal laga seexin doono suday xaqiijisay wasaaradda caafimaadka ee Jabuuti.
Dhaawacyada diyaarada looga qaaday Muqdisho waxaa sii raacay wasiirka caafimaadka ee xukuumadda Farmaajo oo sheegay inuu la tegi doono isbitaalka sii u soo eego xaalada caafimaad ee dhaawacyadaasi.
Dadka dhaawacyada ee maanta la qaaday ayaa isugu jira dad u baahan qaliimo xagga caloosha, qaar lugaha iyo gacmaha ka jaban iyo kuwo xabbado kaga jiraan madaxa oo dalka wax loogaga qaban waayey siday sheegeen dhakhaatiirtii gacanta ku haysay.
Dhaawacyadan ayaa noqonaya kuwii ugu horeeyey ee dad rayid ah oo dalka lagu daweyn waayey oo dibada loo dhoofiyo taasoo ay masuuliyadaasi qaaday dawlada Jabuuti.