Muqdisho:-Dagaal saaka ka biloowaday Magaalada Muqdisho & Shabaab oo u hanqaltaagaya qabsashada Madaxtooyada Villa Soomaaliya.
19. februar 2011
APL
Muqdisho(Allpuntland)-Dagaal u dhaxeeya Ciidamada Dowladda KMG Soomaaliya oo gacan ka helaya ciidamada Midoowga Afrika ee Amisom ayaa saaka waxa uu ka biloowday xaafado ka mid ah Degmooyinka Wardhiigleey, Hodan iyo Howl-Wadaag ee Gobolka Banadir.
Dagalkaan ayaa la sheegayaa in uu yahay mid xoog leh islmarkaana labada dhinac ay isu ridayaan hub culculus, waxa uuna dagaalka ka dambeeyey ka dib markii Al Shabasb weerar ay ku qadeen fariisimaha ciidanka Amisom iyo kuwa Dowladda KMG ee degmooyinka dagaalka uu ka biloowday.
Wararka ayaa sheegaya in ciidanka Al Shabaab gaar ahana kuwa weerarka ka qaaday dhanka degmada Wardhiigleey ay qalqal ku hayaan xarunta Madxtooyada oo iyadu ku dhow goobaha dagaalka uu ka socdo , waxaana sidoo kale wararku tibaaxayaan in dagaalka uu saameeyey xarunta Madaxtooyada ka dib madaafiic iyo rasaas liif ah oo ku dhaceeysa qeybo ka mid ah Madaxtooyada , waxaana qalqal ku shaqeeyanaya shaqaalaha xafiisyada madaxtooyada oo isu gudbi la,.
Ciidamada Al Shabaab ayaa u muuqda kuwa haatan xoog saaray xarunta Madaxtooyada hasa ahaatee waxa ay awdood xoog leh kala kulmayaan ciidanka Amisom oo aagaga uga jir hareeraha xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya ee magaaada Muqdisho.
Dagaalkaan ayaa la shegayaa in uu saameeyn kale ku yeesha goobo kale oo ka baxsan meelaha uu dagaalka ka socdo, waxaana ka mid ah Suuqa Bakaaraha oo haatan madaafiic si daran doori ah ciidanka Amisom ay ugu garaacayaan , waxaana ilaa iyo iminka la xaqiijiyey in ay ku geeriyoodeen Labo qof oo rayid ah.
Dagaalada ayaa imaanaya xili maalmahii ugu dambeeyey dhaq-dhaqaaqyo ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom ay ka wadeen magaalada Muqdisho taasi oo shaki ku abuurtay Al Shabaab oo iyana xoojiyey weerarada ka dhanka ah Amisom iyo Dowladda KMG.
Xafiiska Wararka Allpuntland Muqdisho




