Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Second Day Of Protest In Galkayo As The Whole City Came Out

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
Somalian_Boqor
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10847
Joined: Thu Feb 15, 2007 2:56 am
Location: Fuck Faroole & His Supporters

Second Day Of Protest In Galkayo As The Whole City Came Out

Postby Somalian_Boqor » Sun Feb 20, 2011 7:27 am

Second Day Of Protest In Galkayo As The Whole City Came Out Demanding Faroole To Take Action Against Somalidiid forces in SSC.

Gaalkacyo:Shacabka Gaalkacyo oo Maalinkii labaad dhigay Banaanbaxyo ka dhan ah Hogaanka Puntland & Siyaasadiisa….(Warbixin).

Gaalkacyo:(Allpuntland)-Waxaa saaka markale Barxada weyn ee degmada Gaalkacyo ka hor bilowday banaanbax balaaran oo looga soo horjeedo Hogaanka sare ee Puntland & Siyaasadiisa,waxaana Banaanbaxani oo ahaa mid daba socday Kii shalay ka dhacay isla barxada magaalada Gaalkacyo ka qeybgalay Boqolaal dadweyne ah oo ka badnaa kii shalay,Siyaasiyiin,qaarkamid ah ardayda dugsiyada sare & kuwa dhexe ee gaalkacyo,Haweenka & qaarkamid ah Odayaasha dhaqanka ee gobolka Mudug.

Banaanbaxaan ayaa waxaa hadalo kaladuwan ka jeediyey qaarkamid ah Ardayda wax kabarata dugsiyada kaladuwan ee gobolka Mudug,kuwaas oo sheegey inay taabatay amni xumida kajirta magaalada Gaalkacyo oo sii siyaadaysa maalinkasta,waxaana ay sidoo kale sheegeen in dilal kaladuwan gudaha magaalada loogu geystay qaarkamid ah Waxgaradka & Mas’uuliyiinta Gaalkacyo kuwaas oo ay dawlada dhexe ke eedeeyeen wax ka qabahso la’aanta dilalka & Qaraxyada soo noqnoqday ee magaalada Gaalkacyo.

Faarax Cabdi Doorshe Wasiir kuxigeenkii hore ee Amniga Puntland oo kamid ahaa Siyaasiyiintii maanta hadalka ka jeedisay banaanbaxii maanta,waxaana uu sheegey in ay ka xunyihiin micno darada lagu laynayo Aqoonyahanka & waxgaradka gobolka Mudug,waxaana uu intaas kudaray in dawlada dhexe ee Puntland ay ka gaabisay wax ka qabashada Amaanka guud ee gobolka Mudug.

Dr.Bashiir Cali Bixii Wasiirkii hore ee Wasaarada Caafimaadka dawlada Puntland oo maanta markale ka qeybgalay banaanbaxa balaaran ee looga soo horjeedo siyaasada Puntland ee gudaha & dibada ayaa ka hadlay dagaalkii Kalshaale saaka ka qarxay isagoo Puntland ku dhaliilay inay ka gaabisay difaacista dadkeeda & xuduudaheeda codsadayna inaan shacabka reer Buuhoodle lagu fiirsan dagaalka ay kujiraan islamarkaasna laga wada qaybqaato difaacista dalka.

Qaarkamid ah Haweenka gobolka Mudug ayaa iyana banaanbixii maanta ka jeediyey Hadalo u badnaa Maansooyin ay ku muujinayaan sida ay uga soo horjeedaan siyaasada hogaanka sare ee Puntland,waxaana ay sheegeen in madaxda Puntland sidii loo doortay aysan waqti badan imaan magaalada Gaalkacyo oo ah halka ay amnixumada uga badani kajirto islamarkaasna ay ku mashquulsanyihiin gubista & cunista dhaqaalaha kasoo baxa Puntland.

Cabdiqani Xayir
Allpuntland

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 25 guests