Here is the news and list of Al-Qaeda members that got killed:
Muqdisho: (Sh. M. Network) Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa guulo ka sheegtay dagaaladii cuslaa ee maanta iyo shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho iyagoo sheegay in dagaaladaasi ay ku dileen ilaa lix dagaalyahan oo ka tirsan ururka Al Qaacida.
AMISOM ayaa waxaa ay sheegtay in dagaaladii ka socday xaafadaha Siigaale iyo Ceel-hindi iyo agagaarka degmada Howlwadaag ay kula wareegeen islamarkaana ay gaareen meel 500 mitir u jirta Koofurta Suuqa weyn ee Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho halkaasi oo ay xuseen in qasaare baaxadleh ay ugu geysteen ciidamadii iyaga kula dagaalamay ee Al Shabaab
Afhayeenka Ciidamada AMISOM Gaashaanle Bariijiya Bahuuko oo shir jaraa’id ku qabtay Xarunta Xalane ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in lix dagaalyahan oo shisheeye ay ku qaarijiyeen dagaaladii labada maalin ka socday Magaalada Muqdisho tiro kale oo badana ay ku dhaawaceen kuwaasi oo uu sheegay in ay ku jireen saraakiil sar sare oo ka tirsan ururka Al qaacida.
Bariijiya Bahuuko oo Saxafiyiinta u aqriyay Magacyada dadka uu sheegay in ay yihiin Ajaanibta ay ku dileen dagaalada Muqdisho ayaa uu tilmaamay in ay u kala dhasheen wadamada Yemen, Paskitaan, India, Kenya, Syria iyo mid kale oo aan la aqoon dhalashdiisa.
Magacyada Ajaanibta uu sheegay in ay dileen ayaa waxaa ay kala yihiin sidaan hoos ku qoran.
1. Magid-Al Yahya oo u dhashay dalka Yemen
2. Abdi Rabi Mansuur oo u dhashay Pakistaan
3. Amol Joorkay oo isna u dhashay dalka India
4. Saman Bito oo dhashay Kenya
5. Abdi Magid Asad oo u dhashay Syria
6. Sahan Abdowr Barqish oo dhalashadiisa aysan sheegin AMISOM.
Sidoo kale Gaashaanle Bariijiya Bahuuko ayaa cadeeyay in labo ka mid ah askartooda ay ku geeriyoodeen dagaalada kuwaasi oo maanta ay meydadkooda soo bandhigeen Xarakada Al Shabaab islamarkaana ay ku dhaawacmeen tiro kale oo ka tirsan ciidamada AMISOM.
Afhayeenka Ciidamada AMISOM ayaa waxaa uu sheegay in dagaalada sida wada jirka ah ay u wada qaadeen ciidamada dowladda KMG iyo AMISOM looga jawaabayay dhibaatooyin joogto ah oo Al Shabaab ay ku hayeen shacabka Soomaaliyeed ee ku nool deegaanada ay ka taliyaan sida uu hadalka u dhigay.
Gaashaanle Bariijiya Bahuuko ayaa waxaa uu sheegay in awoodii Al Shabaab ay wiiqantay wax weynna ay iska badaleen tan iyo dagaalkii weynaa ee Al Shabaab ay ku fashilmeen bishii Ramadaan ama bishii September ee sanadkii tagay, waxaana uu sheegay in dowladda KMG iyo AMISOM ay hadda Maamulaan 60% Magaalada Muqdisho oo uu sheegay in ay ku noolyihiin qiyaastii 2 milyan oo qof.
Ugu dambeyntii afhayeenka Ciidamada AMISOM ayaa waxaa uu sheegay in ay sii wadi doonaan dagaalada ay kula jiraan Al Shabaab islamarkaana ay ku dadaali doonaan nabadda, Amniga, Xasiloonida iyo taageerida Shacabka Soomaaliyeed.




