Postby XimanJaale » Sun Feb 20, 2011 2:16 pm
Dagaallo goos goos ah oo maalmihii lasoo dhaafay ka socday magaalada Muqdisho ayaa shalay sii xoogeystay kaddib markii ciidamada Dowladda KMG ah oo kaashanaya kuwa AMISOM ay weeraro saf ballaaran ku qaadeen fariisimaha ciidamada Al-Shabaab ee degmooyinka Hodon, Wardhiigley iyo Howlwadaag, waxaana dagaaladaasi oo socday ilaa xalay saq dhexe magaalada Muqdisho gilgilay daryanka madaafiic si darandoorri ah lagu bartilmaameedsanayay fariisimaha Al-Shabaab sida degaanka Dayniile iyo xaafadaha ku dhow.
Isgoyska Falorensa ee degmada Wardhiigley ayaa waxaa fariisimo cusub ka sameystay ciidamada AMISOM/Burundi, sidoo kale ciidamada Dowladda KMG ah ayaa iyana la wareegay aagag Al-Shabaab ee degmada Howlwadaag, halkaasi oo fariisimo cusub ay ka sameysteen, iyadoo isu socodka dadka iyo gaadiidka isgoyska Howlwadaag uu hakaday gebi ahaanba.
Gelinkii dambe iyo maqribnimadii xalay oo dagaalada Muqdisho si aad ah u xoogeysteen ayaa la arkayay ciidamada Dowladda KMG ah oo raxanraxan u socda isla markaana ku sii jeeda aagagga dagaalka ee Howlwadaag, Tarebuunka, iyo xaafado ka tirsan degmada Hodon, waxaana sidoo kale ciidamada AMISOM ay bilaabeen dhaqdhaqaaqyo ciidan oo aan horay looga baran, iyagoo waaya aragnimada ay ka dhaxleen dagaalada Muqdisho ay keentay inuu yaraado qasaaraha dadka rayidka ah ka soo gaaraya dagaalada ay la galaan xarakada Al-Shabaab.
C/qaadir Aadan oo ka mid ah saraakiisha gaadiidka Ambalaaska Aamin Voluntary ayaa sheegay in dagaaladii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho ay ku geeriyoodeen 4-qof oo rayid ah, isla markaana ay ku dhaawacmeen 21-ruux, hase yeeshee marka loo eego xowliga dagaaladii shalay ayaa u muuqda inuu aad u yar yahay qasaaraha dadka ka soo gaari jiray dagaaladii horay u dhici jiray.
Dhinaca kale saraakiil ka tirsan Dowladda KMG ah ayaa sheegay inay saddex goobood kala wareegeen Al-Shabaab, ayna ka qabsadeen hub iyo gaadiid dagaal, isagoo sheegay in dagaaladaasi ay ku dileen Al-Shabaab in ka badan 30-dagaalyahan oo Dowladdu sheegtay inay ka mid ahaayeen horjoogayaal iyo saraakiil sare oo Shabaabka ka tirsan.
Afhayeenka ururka Al-Shabaab ee dhinaca dagaalada u qaabilsan C/Casiis Abuu Muscab ayaa sheegay in dagaaladii shalay ka dhacay Muqdisho ay ka gaareen guulo, isagoo sheegay inay ku jebiyeen askar ka tirsan Dowladda iyo kuwa AMISOM, wuxuuna sheegay inay ka qabsadeen saanado milateri iyo hub, hase yeeshee ma jiraan warar madax bannaan oo arrintaasi xaqiijinaya.