Re: Gal-Mudug State Says we will Put SL Flag in Galkacyo IF
Posted: Mon Feb 21, 2011 10:37 am
Kambuli read this Ximan iyo xeeb Habargedir Administration Presidents Supports Somalilands statehood
Madaxweynaha Maamul-goboleedka la magac-baxay Ximan iyo Xeeb ee badhtamaha dalka Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Macallin Aadan (Tiiceey) oo socdaal ku jooga Caasimadda Somaliland ee Hargeysa, ayaa Bulshada Caalamka ugu baaqay inay tixgeliyaan jiritaanka iyo rabitaanka qaddiyadda madaxbannaannida shacka Somaliland.
Madaxweyne Tiiceey oo shalay shir jaraa’id ku qabtay huteelka Maansoor, ayaa sheegay in socdaalkiisu la xidhiidho martiqaad rasmiya oo uu ka helay xukuumadda Somaliland, isagoo shacabkana ku hambalyeeyey horumarka ay gaadheen iyo nabadgelyada.
Ugu horayn waxa Maxweynaha Ximan iyo Xeeb uu faahfahin ka bixiyey ujeeddad Safarkiisa oo ay ku weheliyaan laba Wasiir oo maamulkiisa ka tirsan, goortii la aas-aasay maamulka uu Madaxweynaha ka yahay iyo sababihii dhaliyey dhismaha maamulkiisa. “Anigoo ku hadlaya magaca maamul-goboleedka Ximan iyo Xeeb oo ka tirsan Gobollada dhexe ee Soomaaliya, Baaxaddiisuna tahay 480 Km, dhinaca balacana ah 180 km, waxaan hambalyo u dirayaa shacabka iyo xukuumadda Somaliland, anigoo hambalyo iyo sallaan ay u soo direen walaalahooda Somaliland uga wada shacabka Ximan iyo Xeeb. Socdaalkaygu wuxu khuseeyaa sidii Xukuumadda Somaliland iyo maamulka Ximan iyo Xeeb xidhiidh dhinaca amniga iyo ganacsiga ahba u wada yeelan lahaayeen.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweynaha maammulka la magac-baxay Ximan iyo Xeeb Md. Tiiceey, waxaanu intaa ku ladhay oo uu yidhi; “Waxaan shacabka Somaliland ku bogaadinayaa doorashadii xorta ahayd iyo sidii ay u dhacday oo aan u arkayey inaanay ka dhicin meel kale o Afrikada xorta ah ka mid ah, islamarkaana aan lahayn qalalaase oo si wanaagsan u dhacday iyo dhinaca amniga ee ka jira Somaliland, waxaan leeyahay walaalahayaga Somaliland inay xejistaan nimcadaa ay haystaan. Bulshada caalamka waxaan ugu baaqayaa inay tixgeliyaan rabitaanka shacabka iyo xukuumadda Somaliland.”
Hadalkaa uu jeediyey Madaxweynaha maamul-goboleedka Ximan iyo Xeeb Md. Maxamed Cabdillaahi Macallin Aadan (Tiiceey) markii uu dhammeeyey, ayaa Weriyayaashii Shirkiisa Jaraa’id ka qaybgalay waxay waydiiyeen su’aalo kala duwan. Su’aalahaas iyo Jawaabihii uu ka bixiyeyna waxay u dhaceen sedan:-
Su’aal: Madaxweyne, miyey jiraan Masuulliyiin Xukuumadda Somaliland ka tirsan oo kugu qaabbilay halkan, goormaase la aas-aasay maamulka aad hoggaamiso ee Ximan iyo Xeeb?
Jawaab: Maamulka Ximan iyo Xeeb waxaa la aas-aasay 2008 bishii afraad, waxaana magaalo madax u ah Cadaado, waxaanay fikraddu ka timi rabitaanka shacabka, islamarkaana waxaa majaraha u hayey dad qurba-joog ah, si amni iyo kala danbeyn loo helo. Intii ka horraysey 2008-dii deegaankaasi wuxuu ahaa mid dhinaca amniga iyo kala danbayntiisu ay aad u xumayd oo aanay ka jirin waxyaabihii kaabaha u ahaa nolosha aas-aasiga ah sida waxbarashada iyo caafimaadka. Muddadii aan xilka heyney ugu yaraan shan kun oo Arday ayaa hadda iskuula tagta, amniguna meel fiican ayuu marayaa oo noloshii ayaa dib u soo noqotay.
Intii aan joogey Hargeysa Madax badan waan la kulmay, inkastoo aanan jecleyn inaan magacaabo, laakiin, madax badan oo Somaliland ah ayaan la kulmay.
Su’aal: Madaxweyne, dadku waxay is-weydiinayaan xidhiidhka ka dhaxeyn kara Somaliland iyo maamul-goblolleedka Ximan iyo Xeeb ee ka jira Soomaaliya, markaa xidhiidhkaasi muxuu noqonayaa?
Jawaab: Xidhiidhkaasi wuxuu noqon karaa wacyi badan, waxaannu wada degganahay hal Qaarad, weliba haddaan dib u soo noqdo hal dal oo Soomaalia laysku odhan jiray ayaannu wada deggannahey, waxaa imanaya xidhiidh badan oo dhinaca Ganacsga iyo Amniga ah, waayo? Waxa laga yaabaa amni-darrada ku timaadda maammullada kale inay u soo gudbi karto Somaliland. Halkan [Somaliland] waxaan ku imi casuumad aan ka helay Somalilad, Safarkaygana waxaa igu weheliya laba Wasiir oo ka tirsan maamulka Ximan iyo Xeeb.
Su’aal: Maamulkiinnu, ma leeyahay Ciidan, Calan iyo Lacag u gaara, mise wuxuu hoos tegayaa Dawladda Federaalka Soomaaliya, side baad-se u aragtaan Madax-bannaanida Somaliland?
Jawaab: Maamul iyo dawlad way kala duwanyihiin, Somaliland waa dawlad, Ximan iyo Xeeb-na waa maamul-gobleed, markaa maamulku lacag khaasa ma yeelan karo, wuxuuse yeelan karaa Ciidan khaasa oo amniga ilaaliya. Arrinta jiritaanka Somaliland waxaan u arkaa muqaddas, sababtoo ah dimuqraadiyaddu waa wuxuu shacbku rabo, hadday shacbku dawladnimadooda rabaan cid u diidi kartaa ma jirto, 20-kii sanno ee la soo dhaafay shacabka Somaliland inay ka sii horumaraan halkay joogan mooyee waxba dib ugama dhicin, waxaan qabaa in caalamku indho gaara ku eego oo rabitaanka shacbku wuxuu yahay la tixgeliyo.