Djabouti oo Arab is moodtay !
Posted: Tue Feb 22, 2011 11:45 am
Kacdoon la mid ah kuwii ka dhacey Tunisa Iyo Masar oo shalay ka bilowday dalka Jabuuti
JABUUTI: - (Camuudnews) Kacdoon siyaasadeed oo la mid ah sida kacdoonadi ka dhacay dalalka Tunisia iyo Masar ayaa shalay ka bilowday dalka Jabuti kaasoo loogaga soo horjeedo madaxweyne Ismacil Cumar Gelle.
Boqolaal dadweyne ah ayaa isugu soo baxay shalay gelinki danbe bartamaha magaalada Jabuti ee xarunta dalka Jabuti kuwaasi oo dalbaday in xakunka uu ka dago madaxweyne Geelle oo mudo ku fadhiyey kursiga.
Waxa ay ku qeylinayeen dadkaan hal ku dhigyo ay ka mid ahaayeen “Dooni meyno kaligiis taliye, dooni meyno xukun qabiil”.
Qaar ka mid ah qaban qaabiyaasha banaanbaxa oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay in aysan xaq aheyn in mudo 30 sano ah uu hal qabiil ka taliyo dalka Jabuuti.Jabuuti ayaa waxaa wada dago qoomiyadaha Soomaalida iyo Cafarta waxaa tan iyo marki ay xoriyadooda ka qaateen sanadi 1977-ki gumeystihii Faransiiska gacanta ku hayey siyaasada qoomiyada Soomaalida oo ah dadka ugu tirada badan.

more images
http://camuudnews.com/?p=12217