Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

War Rages Across Somalia Today From North, Central iyo South

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
Somalian_Boqor
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10847
Joined: Thu Feb 15, 2007 2:56 am
Location: Fuck Faroole & His Supporters

War Rages Across Somalia Today From North, Central iyo South

Postby Somalian_Boqor » Wed Feb 23, 2011 5:22 am

Dagaal ay ka qaybqaadanayaan ciidamada Itoobiyaan ah oo ka bilowday duleedka degmada Baladweyne

Arbaco, 23 Feberaayo, 2011 (HOL) – Dagaal culus iyo duqeymo u dhexeeya ciidamada DKMG ah oo garabsanaya kuwo Itoobiyaan ah iyo xoogagga Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin ayaa goor-dhow ka qarxay garoonka diyaaradaha iyo buurta Qowlad oo bari kaga beegan Baladweyne qiyaastii 8-km.

Madaafiic culus ayaa ku dhacaya buuraha ku hareereysan degmada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan iyadoo dagaalka fool-ka-foolka ahna ee ka socda duleedka Baladweyne rasaastiisa laga maqlayo gudaha degmada.

Ciidamada Itoobiya ayaa madaafiicda ku garaacaya buuraha ku hareeraysa degmada Baladweyne ee gobolka Hiiraan.

Dagaalkan ayaa saameyn guud ku yeeshay degmada Baladweyne iyadoo inta badan ganacsiga degmadaas la xiray dadkuna ay bilaabeen inay guryahooda aadaan, waxaana ay shacabku u dheg-taagayaan waxa xigi doona dagaalka qarxay.

Inkastoo aan la ogeyn khasaaraha dagaalkan uu dhaliyay, haddana waa mid daba socda dagaal saqdii dhexe ee xalay ku dhexmaray xoogagga Xarrakatul Shabaab iyo kuwa dowladda KMG ah deegaanka Ceel-gaal ee gobolka Hiiraan.

Gobolka Hiiraan ayaa waxaa dhowr jeer oo hore dagaallo ay ku dhexmareen ciidanka DKMG ah iyo xoogagga Xarrakatul Shabaab iyagoo dhowr jeer kala qabsaday, balse waxaa degmada haatan gacanta ku haysa Xarrakatul Shabaab.

Saraakiil u hadlay dowladda KMG ah ayaa dhowr jeer oo hore sheegay inay duulaan ku yihiin degmada Baladweyne, si ay u qabsadaan, waxaana sidoo kale dagaalada qayb ka ah maamul la baxay Dooxda Shabeelle.

Wararka dheeraadka ah ee dagaalka kala soco Hiiraan Online.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com
Beledweyne, Soomaaliya
Last edited by Somalian_Boqor on Wed Feb 23, 2011 5:29 am, edited 1 time in total.

User avatar
Somalian_Boqor
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10847
Joined: Thu Feb 15, 2007 2:56 am
Location: Fuck Faroole & His Supporters

Re: War Rages Across Somalia Today From North, Central iyo S

Postby Somalian_Boqor » Wed Feb 23, 2011 5:23 am

Dagaalada ka socda Magaalada Muqdisho oo sii xoogaystay

Muqdisho: (Sh. M. Network) Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM iyo kuwa dowladda KMG Soomaaliya ayaa saakay weeraro ku qaaday fariisimo ciidamada Xarakada AL Shabaab ay ku leeyihiin magaalada Muqdisho.

Weerarkaani oo ka badelan weeradii horey ay u qaadi jireen ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda KMG Soomaaliya ayaa ayaa saakay aroor hore waxaa ay ku qaadeen fariisimo Al Shabaab ay ku lahaayeen wasaaraddii hor ee gaashaan dhiga, deegaanka Warshadda Caanaha iyo xaafado kuyaala degmada Dayniile ee gobolka Banaadir.

Cutubyo ka tirsan ciidamada Burundi oo fariisimaha ku leh Kulyadii Jaalle Siyaad ayaa saakay waa baragii iyagoo aadan gadiidka dagaalka waxaa ay weerar xooga ku qaadeen Wasaaradda Gaashaan dhiga, Xaafadaha Saraakiisha iyo deegaanka Warshadda Caanaha oo ay fariisimo ciidan ku lahaayeen Xarakada Al Shabaab.

Wararka ay Shabelle helayso ayaa waxaa ay ku waramyaan in dagaalka iminka xoogiisa uu ka socdo Dhabarka dame ee Wasaaradda Gaashaan dhiga iyo deegaanka Warshadda Caanaha halkaasi oo la sheegay inay weerareen ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda.

Waxaa xiran isu socodka gadiidka iyo dadka ee wadada Warshada halkaasi oo ay wali isku horfadhiyaan ciidamada AMISOM iyo Al Shabaab iyadoo mararka qaar halkaasi laga maqlayo rasaas u badan Madaafiic oo ay is weedaarsanayaan.

Wasiirka gaashaandhiga Xukuumada KMG Soomaaliya C/xakiin Xaaji Max’uud Fiqi uu warbaahinta la hadlayay ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay jabiyeen saakay ciidamada Al Shabaab, isagoo carabka ku dhuftay in ay gacanta ku hayaan Wasaarada Gaashaandhiga, Warashadii Caanaha, iyo Xaafadda Shiirkole sida uu hadalka u dhigay.

Waxaa uu Sidoo kale wasiirka gaashaandhiga sheegay in mudo 24 saac gudahood ah ay la wareegi doonaan guud ahaan Magaalada Muqdisho, waxaana uu dhanka kale tilmaamay in ciidamada dowladda ay dhaq dhaqaaqyo ka wadaan gobolada dalka Soomaaliya.

Dagaalka ayaa wali ka socda magaalada Muqdisho, waxaana xaafadaha lagu dagaalamay lagu arkayaa meydadka askarta ciidamada AMISOM iyo kuwa Xarakada Al Shabaab, iyadoo wadooyinka kale ee dowladda ay gacanta ku heysana lagu arkayo gaadiid farabadan oo ay leeyihiin ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda oo ku sii jeeda aagag hore ee dagaalka.

Wixii war ah ee kasoo baxaa dagaalkaasi xoogan kala soco Shabelle.net hadii Alle Idmo Iinsha_Alaah.

User avatar
Somalian_Boqor
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10847
Joined: Thu Feb 15, 2007 2:56 am
Location: Fuck Faroole & His Supporters

Re: War Rages Across Somalia Today From North, Central iyo S

Postby Somalian_Boqor » Wed Feb 23, 2011 5:25 am

Beled-Xaawo:- Shabaabka Beled Xaawo oo heegan galay iyo ciidamo isugu jira Itoobiyaan iyo Soomaali oo weerar ku ah.
23. februar 2011



Beled-Xaawo(Allpuntland)-Ciidamo ka tirsan Dowladda KMG Soomaaliya oo ay la socdaan ciiidamo Itoobiyaan ah oo saaran gadiidka dagaalka ayaa lagu soo waramayaa in ay ka soo baxeen Degmada Dooloow ee Gobolka Gedo iyagoona weerar ku ah degmooyinka Luuqa iyo Beled-Xaawo ee Gobolka Gedo.

Shabaabka degmooyinka Beled-Xaawo iyo Luuq ee Gobolka Gedo ayaa saaka heegan ku jira ka dib markii ay ka warheleen in weerar ugu soo socdaan ciidamo ka tirsan Dowladda KMG oo ay la socdaan ciidamo Itoobiyaan ah.

Magaalada Beled-Xaawo dad ku nool qaarkood ayaa soo sheegaya in dad farabadaa saaka ay ka baxeen Degmada Beled-Xaawo kuwaasi oo ka talaabay xadka ay wadagaan Degmada B/Xaawo iyo Degmada Mandheera ee Dalka Kentya ka dib cabsi ku aadan in dagaalo ay ka dhacaan baratmaha magaaladada

Hadafka ciidamada Dowladda iyo kuwa lagu tilmaamay Itoobiyaan ayaa lagu sheegay in uu yahay in ay Shabaab ka qabsadaan degmooyinka uu ka heeysto Gobolkaasi Gedo iyadoona Shabaabku si weyn uu dagaal ugu diyaar gartoobay.

Sidoo kale waxaa la sheegaya in ciidamo ka tirsan Al Shabaab gurmad ahaan ay uga baxeen qeybo ka mid ah Goobolada Jubooyinka si ay gacan dagaalada la filayo uga siiyaan Shabaabka degmooyinka Luuq iyo Beled-Xaawo.

Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda KMG Ahna Ra'iisul Wasare Xigeen C/Xakiin Xaaji Maxamuud (Fiqi) oo saaka ka hadlay idacada Dowladda ee magaalada Muqdisho islamakaana ka hadlay dagaalada ka socda magaalada Muiqdisho ayaa waxa uu soo hadal qaaday in gobolo ay ka mid yihiin Gedo, Hiraan iyo Bakool cidamada Dowladda ka bilaabeen dib u xoreeyn.

Xafiiska Wararka Allpuntland Muqdisho.

User avatar
Somalian_Boqor
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10847
Joined: Thu Feb 15, 2007 2:56 am
Location: Fuck Faroole & His Supporters

Re: War Rages Across Somalia Today From North, Central iyo S

Postby Somalian_Boqor » Wed Feb 23, 2011 5:27 am


Dagaaladii Gobolka Cayn Oo Sii Xoogeystey & Guulo La Sheeganayo...


Beled-Xaawo(Allpuntland)-Ciidamo ka tirsan Dowladda KMG Soomaaliya oo ay la socdaan ciiidamo Itoobiyaan ah oo saaran gadiidka dagaalka ayaa lagu soo waramayaa in ay ka soo baxeen Degmada Dooloow ee Gobolka Gedo iyagoona weerar ku ah degmooyinka Luuqa iyo Beled-Xaawo ee Gobolka Gedo.

Shabaabka degmooyinka Beled-Xaawo iyo Luuq ee Gobolka Gedo ayaa saaka heegan ku jira ka dib markii ay ka warheleen in weerar ugu soo socdaan ciidamo ka tirsan Dowladda KMG oo ay la socdaan ciidamo Itoobiyaan ah.

Magaalada Beled-Xaawo dad ku nool qaarkood ayaa soo sheegaya in dad farabadaa saaka ay ka baxeen Degmada Beled-Xaawo kuwaasi oo ka talaabay xadka ay wadagaan Degmada B/Xaawo iyo Degmada Mandheera ee Dalka Kentya ka dib cabsi ku aadan in dagaalo ay ka dhacaan baratmaha magaaladada

Hadafka ciidamada Dowladda iyo kuwa lagu tilmaamay Itoobiyaan ayaa lagu sheegay in uu yahay in ay Shabaab ka qabsadaan degmooyinka uu ka heeysto Gobolkaasi Gedo iyadoona Shabaabku si weyn uu dagaal ugu diyaar gartoobay.

Sidoo kale waxaa la sheegaya in ciidamo ka tirsan Al Shabaab gurmad ahaan ay uga baxeen qeybo ka mid ah Goobolada Jubooyinka si ay gacan dagaalada la filayo uga siiyaan Shabaabka degmooyinka Luuq iyo Beled-Xaawo.

Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda KMG Ahna Ra'iisul Wasare Xigeen C/Xakiin Xaaji Maxamuud (Fiqi) oo saaka ka hadlay idacada Dowladda ee magaalada Muqdisho islamakaana ka hadlay dagaalada ka socda magaalada Muiqdisho ayaa waxa uu soo hadal qaaday in gobolo ay ka mid yihiin Gedo, Hiraan iyo Bakool cidamada Dowladda ka bilaabeen dib u xoreeyn.

Xafiiska Wararka Allpuntland Muqdisho.

User avatar
Somalian_Boqor
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10847
Joined: Thu Feb 15, 2007 2:56 am
Location: Fuck Faroole & His Supporters

Re: War Rages Across Somalia Today From North, Central iyo S

Postby Somalian_Boqor » Wed Feb 23, 2011 5:30 am

War Deg Deg ah:Milatariga Puntland oo la wareegay Garoonka Laascaanood & baqdin saaka halkaas kajirta.

Tukaraq:(Allpuntland)-Wararka saaka lagahelayo Duleedka magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa hoosta ka xariiqaya in ciidamo katirsan kuwa Puntland ee Difaaca ay saaka si rasmi ah ula wareegeen Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Laascaanood oo magaalada ujira in kayar 12-Km,waxaana ay wararku intaas kudarayaan in ciidamadan oo aad u hubaysani ay qeybo kamid ahi usii gudbeen magaalada Laascaanood.

Wararku waxay sidoo kale sheegayaan in Gaadiid dagaal oo ay Puntland leedahay ay in kayar 8-Km imika u jiraan magaalada Laascaanood taas oo ah markii ugu horeysay mudo kabadan 3-Sano oo ay ciidamada Puntland tagaan daafaha magaalada,waxaana sidoo kale jira ciidamo beeleedyo kasoo jeeda gobolkaas oo iyaguna qeyb ka ah dhaqdhaqaaqyadan.

Sidoo kale waxaa ay baqdini kajirta magaalada Laascaanood halkaas oo laga dareemayey ciidamada Somaliland oo aad uga baxaya dhanka Laamiga islamarkaasna magaalada banaankeeda Difaac uga jira,waxaana sidoo kale ay dhaqdhaqaaqyada ciidanka Difaaca Puntland saameeyeen howlihii maamulka Somaliland ee Laascaanood halkaas oo guud ahaanba maanta aysan kajirin wax Xaafiisyo ah & xarumo ah oo ka furani.

Cabdiqani Xayir
Allpuntland

User avatar
Somalian_Boqor
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10847
Joined: Thu Feb 15, 2007 2:56 am
Location: Fuck Faroole & His Supporters

Re: War Rages Across Somalia Today From North, Central iyo S

Postby Somalian_Boqor » Wed Feb 23, 2011 5:41 am

That's five different places where there is active military battles taking place. TFG ciidamada AMISOM iyo kuwa Itoobiya lunched an all out assault against the terrorists Al Shabaab. While SSC iyo Puntland continue to karbash the SNM rebels in North Somalia.

User avatar
Somalian_Boqor
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10847
Joined: Thu Feb 15, 2007 2:56 am
Location: Fuck Faroole & His Supporters

Re: War Rages Across Somalia Today From North, Central iyo S

Postby Somalian_Boqor » Wed Feb 23, 2011 5:55 am

Dagaal ka bilowday degmada Balad Xaawo ee gobolka Gedo

Image

Balad Xaawo: (Sh.M. Network) Dagaal culus oou dhaxeeya ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo kuwa Xarakada AL Shabaab ayaa maanta ka dhacay degmada Balad Xaawo ee gobolka Gedo, halkaasi oo saacadihii u dambeeyay dhaq dhaqaaqyo ciidan laga dareemayay.

Wararka laga helayo degmada Balad Xaawo ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in gudaha magaaladaasi uu ka socdo dagaal xoogan uu u dhaxeeya ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo kuwa xarakada AL Shabaab ee horay gacanta ugu hayay halkaasi.

Dagaalka oo la sheegay in markii hore uu ka bilowday duleedka Magaalada Balad Xaawo ayaa la sheegay in uu haatan ku fiday gudaha magaalada waxaana labada dhinac ay isku adeegsanayaan dagaalka hub cul culis.

Wararku waxaa ay sidoo kale intaasi ku darayaan in dagaalka ay ka qeyb qaadanayaan ciidamo ka tirsan Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca kuwaasi oo iyana maalimihii la soo dhaafay dhaq dhaqaaqyo ka waday gobolka Gedo

Ilaa iyo hadda lama oga qasaaraha ka dhashay dagaalkaasi hase yeeshee dagaalku waxaa uu saameyn ku yeeshay shacabka ku nool degmadaasi kuwaasi oo maanta ay ka soo bixin guryahooda kadib markii ay ka warheleen dagaalo xoogan oo ka duldhacaya.

Wasiirka gaashaandhiga dowladda KMG Soomaaliya C/xakiin Xaaji Max’uud Fiqi oo warbaahinta Muqdisho la hadlayay ayaa waxaa uu sheegay in ciidamada dowladda ay howlgalo militari oo wada jir ah qaaday isagoo xusay in ciidamada dowladda ay duuleen ku yihiin gobolada ay maamulaan Al Shabaab.

Ciidamadaani weerarka ku qaaday degmada Balad Xaawo ayaa shalay ka soo dhaqaaqay degmada Doolow ee gobolka Gedo, iyadoo dhinaca kalana laga cabsi qabo in dagaalo xoogan ay ka dhacaan degmada Luuq ee gobolka Gedo.

User avatar
LiquidHYDROGEN
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 14522
Joined: Fri Mar 16, 2007 10:48 am
Location: Back home in Old Kush

Re: War Rages Across Somalia Today From North, Central iyo S

Postby LiquidHYDROGEN » Wed Feb 23, 2011 9:35 am

:lol: Lady-nas, karbaashing dabayaco does not constitute as war but a training exercise.


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 20 guests