Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Al shabaab forces clash with Ethiopian forces in beledxaawo

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Al shabaab forces clash with Ethiopian forces in beledxaawo

Postby The_Emperior5 » Fri Feb 25, 2011 4:52 am

Dagaal xoogan oo ka qarxay degmada Baladxaawo

Baladxaawo: (Sh. M. Network) Dagaalo xoogan oo u dhaxeeya ciidamada Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljmaaca oo garabka ka helaya ciidamada Ethiopian ah iyo Xarakada Al Shabaab ayaa ka qaraxay degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo.

Dagaalka ayaa ku bilowday Madaafiic xoogan oo ay ciidamada Ethiopian-ka ku garaaceen xaafado ka mid ah degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo halkaas oo markii dambe ka qarxay dagaal fool ka fool ah oo u dhaxeeya ciidamada Ahlu Sunna iyo kuwa Xarakada Al Shabaab

Ciidamada Ethiopian-ka ah iyo kuwa Ahlu Sunna ayaa waxaa la sheegay in dagaalada ay ka qaadeenn degmada Dooloow iyo deegaan lagu magacaabo Buulo-hindi halkaasi oo mudooyinkii dambe ay iska abaabulayeen, waxaana la cadeeyay in iminka dagaalka uu ka socda gudaha magaalada Baladxaawo.

Macadda qasaaraha ka dhashay dagaalada iyo duqeymaha ka soconaya degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo, hase ahaatee wararka laga helayo degmadaasi ayaa sheegaya in inta badan dadkii ku noolaa degmadasi ay isaga carareen kadib markii ay soo foodsaartay cabsi aad u xoogan.

Dadka faro ku tiris ah oo ku haray degmada Baladxaawo ayaa Shabelle u sheegay in ciidamo Ethiopian ah oo fariisimo ku leh deegaanka Suufka ay saakay madaafiic u badan PM- ay ku garaaceen degmada Baladxaawo halkaasi oo ay ku sugan yihiin ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab.

Dhamaan waxaa kacsan xaaladda degmada Baladxaawo oo ay dagaalada xoogan ku dhexmarayaan ciidamada Ahlu Sunna oo garab ka helaya kuwa Ethiopian iyo Xarakada Al Shabab, iyadoo aan la’ogayn qasaaraha soo kala gaaraya dhinacyadaasi.

Wixii war ah ee kusoo kordha kala soco Shabelle.net Hadii Alle Idmo Iinsha_Allaah

User avatar
jamols2
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 596
Joined: Tue Feb 24, 2009 9:31 am

Re: Al shabaab forces clash with Ethiopian forces in beledxa

Postby jamols2 » Fri Feb 25, 2011 8:23 am

very sad war to be homest a somali and a xabash killing another somali ceeb :down:


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: mahor and 29 guests