Dagaalkii cuslaa ee 20.20.2011 ka dhacay Kalshaale, Maygaagle iyo Hagoogane, ee ay foodda isku dareen Ciidamada SSC iyo kuwa nafla caariga ah ee maleeshiyada maryo calasta SNM, ee sida foosha xun loogu jebiyey, waxaa jirey sadex Maxbuus oo dhaawaca, dagaalkaasina lagu qabtay, isla markaasina loo qaaday dhinaca Cisbitaalka magaalada Buuhoodle. Haddaba sadexdaas Maxbuus ee dhaawaca lagu qaaday, mid ahaan ayaa dhawaacaasi u dhintay cisbitaalka 23/02/2011, waxaana jeebkiisa laga helay baasaboor Jabuutiyaan ah, oo uu sawirkiisa iyo magaciisa oo saddexaniba ku yaalliin.
Arrinta baasaboorkan Jabuutiyaanka ahi waxay daaha ka fayday in ay dagaallada ka dhacaya deegaanada Kalshaale, Hagoogane iyo Maygaagle ay yihiin kuwo ay isu soo bahaysteen dhammaan beesha reer Isxaaq, kooda Jabuuti jooga iyo kuwooda maamulka Jabhadda SNM.
Dibna waxaanu saxaafada idiin ku soo bandhigi doonaa sawirka baasaboorkaasi Jabuutiyaanka ah iyo qofkii iska lahaa, taasi oo daliil cad u noqon doontaa in aysan dagaalladan u kala hadhin dhammaan beesha reer Isxaaq ee iyagu isugu soo habar wacday beesha Dhulbahante.




