Hogaamiyaha kooxda Shabaab Axmed Cabdi Godane oo Dhuumaaleysi ku jooga magaalada Hargeysa 16/3/2011
Xog hoose oo aynu helnay ayaa tilmaameysa in hogaamiyaha kooxda Shabaab Axmed Cabdi Godane todobaadyo ka hor si dhuumaaleysi ah uga soo baxay magaalada Muqdisho oo mudadi danbe uu ku dhuumaaleysanayay
Soo bixitaanka Godane ayaa la sheegay in ey ka danbeeysay dhaawacii Mansuur Amriika, iyadoona warar is khilaafsan ay ka soo baxayaan halka iminka uu ku suganyahay.
wararku waxay sheegayaan in uu si qarsoodi ah ku yimid magaalada Hargeysa uuna ku sugan yahay Xaafada Axmed Gureey oo ay dagaan lafta uu ka dhashay ee Carab, waxaana dadka qaarkood ay sheegayaan in xaajo ugub ah eyna aheyn Godane oo Hargeysa ku sugan, iyagoona taas sabab uga dhigay in kol horaba la tuhunsanaa in Godane uu sanadkiiba mar Booqdo magaalada Hargeysa.
Dad reer Hargeysa ah ayaa sheegay in sanadihii la soo dhaafay xaaska Godane ay sanad walba umuleysay taasina waxey muujineysaa in deegaanka Somaliland uusan marnah ka lugbixin Godane.
Mudooyinkii dambe mugdi Siyaasadeed xoog leh ayaa soo kale dhex galyay Kooxda xag jirka ah ee Shabaab oo burbuka iyo Xasiiloonidarada ku haya Koofurta Somaliya, waxaana is khilaafka Koxhaas uu sababay in dagaalo badan ee ku jabaan.
Posted by Cabdi Waheliye
Kismaayotimes.com





