Ethiopian force's leave gedo with barre hiirale
Posted: Sun Mar 20, 2011 4:47 am
any idea's of why they left? and why did they attack the city if they where not going to hold it? maybe just to destroy people's life's?.Axad, Maarso 20, 2011 (HOL) – Ciidamadii Itoobiya ee ku sugnaa degmooyinka Luuq iyo Baladxaawo ee gobolka Gedo ayaa isaga baxayay degmooyinkaas, iyagoo horay u sii raaceen labada xildhibaan oo ka mid ahaa kuwii hoggaaminayay dagaalladii lagu qaabsaday degmooyinkaas.
Bixitaanka ciidamada Itoobiya oo socday illaa xalay ayaa imaanaya kaddib saddex todobaad oo ay ku suganayeen degmooyinkaas oo laga qabsaday Xarrakatul Shabaab, waxaana qaar ka mid ah dadka degmooyinkaas ku sugan ay sheegeen in ciidamada Itooobiya ay la baxeen dhammaan gadiidkii dagaal ee ay wateen.
"Degmada Luuq waxay ciidamada Itoobiya kala baxeen in ku dhow sagaal taangi iyo gaadiidka ay ciidamo sida, waxayna u jiheysteen dhinaca degmada Doolow," ayuu yiri Nuur Cali oo ka mid ah dadka ku nool degmada Luuq oo HOL la hadlay.
Xildhibaan Barre Aadan Shire Hiiraale iyo mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa la sheegay in ciidamada Itoobiya ay sii raaceen, iyadoo saakayna uu halkaas uga socdo kulan iyaga iyo saraakiil Itoobiyaan ah, inkastoo aan la aqoon waxay uga wadahadlayaan.
Ciidamada isaga baxay degmooyinka Luuq iyo Baladxaawo ayaa la sheegay inay ku wareejiyeen difaacyadii ay kaga sugnaayeen degmooyinkaas ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa Ahlusunna Waljamaaca.
Lama oga sababta ay ciidamada Itoobiya uga baxeen labadaas degmo, waxaase ka bixitaankooda ay imaanaysaa xilli uu madaxweyne Shariif sheegay inaysan dhulka Soomaaliya ku sugnayn ciidamo Itoobiyaan ah, halka Xarrakatul Shabaab ay iyaduna sheegtay in degmooyinka Luuq iyo Baladxaawo ay qabsadeen ciidamo Itoobiyaan ah.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online