Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

beesha dir became part of puntland

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

beesha dir became part of puntland

Postby FBISOMALIA » Sun Apr 03, 2011 2:05 pm

Gaalkacyo:(Allpuntland)-Maamulka gobolka Mudug ee dawlada Puntland ayaa si rasmi ah usoo dhaweeyey go’aankii ay maanta si rasmi ah beesha direed oo kamid ah beelaha dega gobolka Mudug kuna fidsan meelo badan oo kamid ah dhulka Soomaaliyeed,waxaana uu maamulku sheegey in tilaabadasi ay ahayd mid ku dayasho mudan islamarkaasna loo qaaday dhanka hormarka,isagoo maamulku sheegey in hada kadib ay beeshaas kamid noqonayso beelaha dega dhulweynaha Puntland.

Gudoomiyaha gobolka Mudug ee dawlada Puntland Gol.Axmed Cali Salaad oo ka qeybgalay xaflad ay beeshani maanta uga dhawaaqday ku biiristooda Puntland ayaa sheegey in ay dawladiisu ku faraxsantahay go’aanka beeshan,islamarkaasna imika laga bilaabo ay kamid tahay beelaha Puntland islamarkaasna ay ka qeybqaadan karto hormarka dalka kajira sida tacliinta & difiicasta dalka ee muqadiska ah.

Axmed Cali Salaad wuxuu ku celceliyey in Puntland ay soo dhaweynayso go’aanka beeshan isagoo sheegey in ay beeshani go’aankan qaadatay islamarkaasna ay dawladiisu kala shaqaynayso sidii loo hirgelin lahaa.

Cabdiqani Xayir
Allpuntland
Beesha Direed oo shaacisay in ay ku biirtay Puntland; xaflad soo dhawayn ah oo tallaabadan lagu maamuusay.

Gaalkacyo, April 03 - Beesha Dir oo ka mid ah beelaha dega koonfur-bari ee gobolka Mudug iyo meelo kale oo ka mid dhulka Soomaaliya ayaa maantana shaacisay ka mid ahaanshaheeda maamulka Puntland, wax-la-qabidda iyo wax-la-qaybsiga beelaha ku midoobay maamulka dawladda Puntland.

Xaflad lagu soo dhawaynayo, isla markaana lagu shaacinayo go'aanka beesha ayaa maanta (Axad) lagu qabtay hoolka shirarka ee huteel Saylaan ee magaalada Gaalkacyo. Shirkan ayaa waxaa ka soo qayb-galay inta badan cuqaasha dhaqanka ee gobolka Mudug, nabaddoono, issimo, maamullada heer gobol iyo mid degmo iyo sidoo kale wax-garad ka kala socday qabaa'ilka dega gobolka Mudug.

Xafladda maanta ee lagu shaacinayey mawqifka beesha Direed ee ku aaddan ku biiridda Puntland, waxaa beeshaasi uga qayb-galay muujiyeyna go'aankooda Suldaan C/nuur Xaaji Axmed iyo Ugaas Khaliif Warsame oo ka mid ah issimada ugu magaca iyo maamuuska wayn beesha iyo guud ahaan degaanka iyo sidoo kale nabaaddoonno, siyaasiyiin, ganacsato iyo wax-garad kale oo aad u tiro badan

Suldaan C/nuur Xaaji Axmed oo sharraxaad guud ka bixiyey mawqifka iyo go'aan-qaadashadooda ku saabsan ku biiridda Puntland iyo wax-la-wadaagidda dadyawga reer Puntland ayaa sheegay tani in ay timid kaddib markii muddo dheer beeshu ay u fadhiday kulamo wada-tashi ah oo ku qotomay wax-la-qaybsiga dadyawga dariska ay la yihiin, kaddiba go'aan midaysan lagu gaaray in maamulka Puntland lala wadaago cudud iyo calaf intaba.

Ugaas Khaliif Warsame oo isna ka mid ahaa hormuudkii xubihii shirkaasi ka qayb-galay ayaa isna sidoo kale muujiyey sida ay uga go'an tahay wax-la-wadaagidda dawladda iyo dadka reer Puntland.

Odayaasha dhaqan ee u hadlay beesha Direed waxay dhinaca kale tilmaameen arrintani in ay tahay mid in muddo ahba ay ku taamayeen, ayna ka wadahadleen madaxda sar-sare ee dawladda Puntland, horayna la iskula meel-dhigay ku biiriddooda Puntland kaddib markii bishii 2-aad ee sannadkaan shir arrintaan la xiriira lagu qabtay magaalada Garoowe kaas oo ajandihiisu ahaa midnimo iyo wax-wada-qabsi.

Dhanka kale maamulka, nabaddoonnada iyo cuqaashii dhaqan ee sameeyey soodhweynta ayaa iyana si weyn oo aan loo kala harin ugu hambalyeeyey xubinihii beesha Direed ee shirkaasi ka qayb-galay iyo guud ahaanba bulshadooda oo dhan, iyagoo ugu marxabeeyey sida wanaagsan ee ay u go'aansadeen in ay wax-la-qabaan dadka reer Puntland, marka dhankasta laga eego.

Waa markii 1-aad oo sidaan oo kale Puntland ay ugu soo biirto mid ka mid ah beelaha Soomaaliyeed, waxayna tani ay xoojinaysaa qodob dastuuri ah oo muujinaya in dawladda Puntland ay iridaha u furayso cidkasta oo ku soo biiraysa Puntland si sharciga waafaqsan.

C/fitaax C Geeddi
Daljir, Galkacyo.
puntland hanolatoo wlc our brothers and sister dir :clap: :clap: :clap: :clap:

User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Re: beesha dir became part of puntland

Postby FBISOMALIA » Sun Apr 03, 2011 2:10 pm

Image

announce to all somalia clans you wlc to be part of puntland anytime 8-) :up:


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 96 guests