Buhoodle, Togdheer
Gaalkacyo, MudugHuge demonstrations against an upcoming consultative meeting on Somalia sponsored by the United Nations on Tuesday took place in northern, central and southern parts of the war-decimated nation. In Buhoodle, a town in northern Somalia, hundreds of people took the streets to show support for the Somali government’s rejection of the meeting, which will held in neighboring Kenya this month. The demonstrators raised photos of Somali Prime Minister Mohammed Abdullahi Mohammed, chanting slogans calling for all Somalia factions not to be present at what they called blatant cheating against Somalia.
http://www.allheadlinenews.com/briefs/a ... %20Somalia
Bannaanbax lagu taageeray go'aankii DKMG ah ay ka qaadatay shirka Nairobi oo ka dhacay Gaalkacyo
Talaado, Abriil 05, 2011 (HOL) – Bannaanbax lagu taageerayo go'aankii ay DKMG ah ka qaadatay ka qaybgalka shirka Nairobi iyo hadalkii ra'iisul waasaraha Soomaaliya ee ku aadanaa in hay'adaha gargaarku ay dib u soo guuraan Muqdisho oo maanta ka dhacay waqooyiga degmada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.
Dibadbaxayaasha ayaa waxay ku qaylinayeen erayo ay ku cambaareynayaan shirka Nairobi, iyagoo ku sheegay inuu yahay shir looga horjeedo midnimada dalka iyagoo ku ururay barxad-weyn oo ku taalla waqooyiga Gaalkacyo.
"Waxaan soo dhaweynaynaa go'aankii ra'iisul wasaare Farmaajo ee ahaa inay u soo guuraan hay'adaha gargaarka gudaha dalka iyo go'aankii ay DKMG ah kaga soo horjeesatay shirka Nairobi," ayay yiraahdeen dadka dibadbaxa sameynayay.
Banaanbaxan ayaa imaanaya iyadoo maamulka Galmudug oo ka taliya waqooyiga degmada Gaalkacyo uu sheegay inuu ka qaybgalayo shirka ay qabanqaabinayso Qarammada Midoobay ee bishan ka dhacaya Nairobi.
Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa toddobaadkii hore sheegtay inaysan ka qaybgalayn shirka Nairobi, kaasoo ay ku tilmaantay inuu yahay mid aanay dani ugu jirin shacabka iyo dowladda Soomaaliya.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya
Beled-Xaawo, Gedo
Banaanbaxyo balaaran oo maanta ka dhacay degmooyinka Luuq, Doolow iyo B/xaawo ee gobolka Gedo
anaanbaxyo ballaaran oo si weyn loo soo abaabulay ayaa maanta mar kale ka dhacay magaalooyin ka tirsan gobolka Gedo, gaar ahaana degmada Luuq, Doolow iyo Beledxaawo ee dalka Soomaaliya waxaana banaan-baxyadani lagu taageerayay go’aankii diidmada ahaa ee Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya ay ku qaadacday ka qeybgalka shirka Q/midoobay ay qaban qaabisay ee wadatashiga iyo sidoo kale taageero ay u muujinayeen go’aankii xukuumada ee muddo kordhinta hay’addaha Dastuuriga ah ee Dowladda.
Banaanbixii ugu horeeyey ayaa maanta ka dhacay magaalada Luuq ee gobolka Gedo halkaasoo ay isugu soo baxeen kaasoo ay isugu soo baxeen kumanaan dadweyne ah oo muujinayay go’aankii ka soo baxay dowladda waxaana dadkaasi ay isugu jireen dhalinyaro, haween iyo waxgaradka magaalada.
Dadweynihii isu soo baxay ayaa waxay wateen boorar ay ku qornaayeen waan taageersanahay dowladda federaalka, doonimeyno Al-shabaab, Soomaaliya - Soomaali baa leh, dooni meyno shirka shirqoolka ah ee Qaramada Midoobay iyo erayo kale, waxayna lug ku soo dhex mareen waddooyinka magaalada Luuq halkaasoo ay ugu dambeyntii usugu soo urureen goob fagaare ah.
Guddoomiyaha gobolka Gedo Maxamed Kaliil oo la hadlay dadweynihii isu soo baxay ayaa u sheegay in dadka ku dhaqan gobolka Gedo ay taageero u hayaan go’aankii ay dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya ku gaartay in aysan ka qeyb galin shirka la sheegay inuu ka dhacayo magaalada Nairobi ee ay garwadeenka ka tahay Q/midoobay wuxuuna xusay in ay ku taageersan yihiin go’aankoodaasi dhamaan shacabka Soomaaliyeed.
Dhinaca kale, banaanbaxyo kuwan la mid ah ayaa waxa ay ka kala dhaceen degmooyinka Beledxaawo iyo Doolow ee gobolka Gedo kuwaasoo ay soo abaabuleen qeybaha bulshada rayidka ee degmooyinkaasi waxayna banaanbaxayaashu muujiyeen shucuurtooda ku aadan shirka Q/midoobay ee ka dhacaya magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxayna taageereen in go’aankii dowladda ay mudada ku kordhisatay iyo weliba hadalkii ka soo yeeray labo cisho ka hor Ra’iisul Wasaare Farmaajo kaga dalbaday hay’addaha Q/midoobay inay muddo 90 cisho gudahood ah ku soo degaan gudaha dalka Soomaaliya gaar ahaana Caasimadda.
And most importantly the capital of SomaliaCaabudwaaq, Galgaduud
CaabudwaaqR.CW)Banaanbaxan oo ay soo qaban qaabiyeen qaybaha kala duwan ee bulshada
Caabudwaaq iyo nawaaxigeeda ayaa maanta ka dhacay degmada Caabudwaaq
ee Gobolka Galgaduud, waxaana kala qayb galay masuuliyiin ka tirsan
maamulka Culimaa'udiinka Ahlusuna iyo bulshada qeybahoda kala duwan.
Waxaa ka qeyb galay isu soo baxa maanta Gaadiidka gaashaaman ee
Maamulka Ahlusuna iyo kuwa dadweynaha iyaga oo socod ku soo maray
xaafadaha iyo wadooyinka magaalada, waxaana lagu soo xardhay sawirada
madaxda dowlada iyo calankeena Sharafta leh ee Soomaaliya, iyagoo ugu
dambayna isugu yimid Geedka Xoriyada ee Degmada Caabudwaaq.
C/risaaq Cilmi Caado oo kamid ahaa xubnihii soo agaasimay isu soo baxa
ay bulshada deegaanka ka dhigeen maanta degmada Caabudwaaq ayaa
sheegay in ay ku muujinayaan Taageerada ay u hayaan DKMG ee Soomaaliya
go'aanka ay ka qaadatey Shirka lagu wado in lagu qabto Kenya iyo
Mudada sanadka ah oo ay xukuumadu ku siyaadsatey jiritaankeeda iyo
mowqifka hay'adaha QM ee mudada 90.ka cisho inay ku soo dagaan
Soomaaliya, Howlgalada wada jirka ah ee Dowlada iyo Ahlusuna ee
Gobolada dalka ay kawadaan iyo Hogaan Cusub ee Ahlusuna looga
dhawaaqay dhawaan Gobolka galgaduud.
Gudoomiyaha Guud ee Maamulka Ahlusuna Sh. ibraahim Sh. Xasan Guureeye
gudoomiyaha Gudiga Fulinta Sh. Xuseen Maxamed Cosoble iyo Afhayeenka
Maamulka Culimaa'udiinka Ahlusuna Sh. Bile Bashiir Cali Mire ayaa ka
mid ahaa xubnihii maamulka Ahlusuna oga qeybgalay maanta isu soobaxa
ay sameeyeen bulshada deegaanka.
Sh. ibraahim Sh. Xasan Guureeye gudoomiyaha guud ee Ahlusuna ayaa ugu
baaqay bulshada Soomaaliyeedibay is cafiyaan si ilaahay Raxmaadkiisa
nooga soo waraabiyo maadaama ay jirto abaar saamaysay dadka iyo
duunyada dalka Soomaaliya waxaana uu sheegay in ay taageersan yihiin
maamulka Ahlusuna DKMG Go'aankeeda isaga oo caalamka ugu baaqay inay
ixtiraamaan dawlada dalka Soomaaliya ka jirta.
"Ahlusuna waxay taageeraysaan rabitaanka shacabka iyo dowlada
Soomaaliyeed waxaana ugu baaqaynaa umada Soomaaliyeed inay cadawgooda
umidoobaan Waxaa ay diyaar u tahay Ahlusuna inay dhigto gogol Nabadeed
cid kasta oo Soomaalinimada ogol waana ku heshiisiinaynaa cidii xilifu
ay ka dhix jirto (xiisad)' ayuu yiri gudoomiyaha oo sheegay inuu
umahad celinayo ciidamada qalabka sida ee Ahlusuna iyo DKMG sida ay
heeganka ugu yihiin difaacida Diinta, Dadka, iyo Diinta.
Sidoo kale Afhayeenka Ahlusuna Sh. Bile Bashiir Cali Mire ayaa ka
hadlay aragtida Ahlusuna ee Shirka Kenya waxaana uu sheegay in aan
lagu wargalin Ahlusuna shirkaasi isla markaana aanay diyaar u'ahayn ka
qayb galkiisa isaga oo sheegay inay maqleen dad ku qaraabanaya magaca
Ahlusuna oo sheegtay inay mataayaan kuwaasi oo uu ku sheegay inaanay
wadan magaca Ahlusuna isla markaana aanay matali karin.
Sh. Bile ayaa umahad Celiyaya Ciidamada Qalabka sida ee Ahlusuna iyo
kuwa DKMG howsha adag ee ku aadan sugida amaanka deegaanada ay gacanta
ku hayaan waxaana uu ugu baaqay inay sii wadaan howlaha ay utaagan
yihiin.
Dadka kale ee ka hadlay isu soo baxa maanta waxaa kamid ahaa Odayaal
dhaqameed, Siyaasiyiin, Aqoonyahan, Ururada Haweenka, Ganacsatada,
Abwaano, Ardada malcaamadaha kala duwan ee deegaanka waaana uu ku soo
dhamaaday sidii loogu tala galay.
C/kariin Axmed Bulxan
The people of Somalia are for the first time acting in a unified realistic and peaceful manner, showing their support for Somalia's TFG and more importantly showing that they are against the Tanzanian Mahiga and his negative influence in Somalia, even the Youth(Al.Shabab) are against Mahiga, this shows the Somali spirit is still alive, we just have to work on it, remember its forieng influence that has crippled the nation, but for the first time TFG is saying NO to foriegners and Yes to Somalis, TFG is going through positive change and its clear for everyon, for the first time TFG is getting legitimate support from North to South by the people it is representing, Al.Shabab controled areas are against Mahiga, Ahlu Suna controlled areas are against Mahiga and TFG controlled areas are against Mahiga














