Dowladda KMG Soomaaliya oo maamullada dalka ka jira ugu baaqday inaysan ka qaybgelin shirka Nairobi
Axad, Abriil 10, 2011 (HOL) – Afhayeenka xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya ahna la taliyaha ra'iisul waaaraha C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) ayaa sheegay in xukuumaddu ay ugu baaqayso dhammaan maamullada dalka ka jira inaysan ka qaybgelin shirka ka dhaca Nairobi.
Mudane C/raxmaan Yariisow oo la hadlay warbaahinta qaarkeed ayaa sheegay inay maamullada dalka ka jira si wanaagsan u darsanaa shirkaas, ayna ogaadaan in DKMG aysan diidayn in Soomaalidu ay wada-hadasho, balse loo baahan yahay in Soomaalida ay uu ka yimaado go'aanka wadahadalka.
"Runtiin ma doonayo inaan ka hadlo baarlmaanka iyo xubnihiisa, balse maamullada dalka ka jira sida Puntland, Galmudug iyo Ahlusunna waxay xiriir la leeyihiin DKMG ah waxaana loo baahan yahay in shir walba oo lagu casuumo ay kala tashadaan xukuumadda," ayuu yiri afhayeenka xukuumadda KMG ah.
"Xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya waxay ku dadaalaysaa sidii nabadda dalka iyo horumarkiisa ay uga shaqeyn lahayd, dadaalka arrintaasna way ku jirtaa," ayuu yiri C/raxmaan Yariisow oo sheegay in maamullada dalka ka jira ay uga digayso inay ka qaybgalaan shir aanay maslaxad ugu jirin Soomaalida.
Dowladda KMG ah ayaa horay u sheegtay inaysan ka qaybgalay shirka ka dhacaya Nairobi toddobaadkan kaasoo uu qabanqaabinayo wakiilka Qarammada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya danjire Augustine Mahiga, waxaana shirkaas lagu casuumay dowladda Soomaaliya iyo dhammaan maamullada ka jira dalka.
Maamullada aqbalay inay ka qaybgalayaan shirkaas ayaa ayaa kala ah: Puntland, Galmudug iyo Ahlusunna, waxaase diiday inay ka qaybgalaan maamulka Ximin iyo Xeeb iyo Somaliland oo horay u sheegtay inay ka go'day Soomaaliya inteeda kale.
"Xukuumadda KMG ah iyada ayaa illaa hadda dalka maamusha, iyadaana mas'uul ka ah aayaha dalka, waxayna leedahay waa in Soomaalida oo is-ogol uu ka yimaado go'aanka lagu wadahadlayo, balse aanay cid kale u tilmaamin," ayuu yiri mudane C/raxmaan Yariisow.
Hadalka afhayeenka xukuumadda ayaa imaanaya iyadoo dhawaan uu ra'iisul wasaaaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo) uu xaqiijiyay inaysan ka qaybgalayn shirkaas, balse haddii lagu qabto Muqdisho ay ka qaybgalayaan.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online





