Bros, i realy mean, it's very sad and barbaric masacre ppl braying thier Allah in Masjid. Its necessary to talk, answer and tackle the or find real solution.
Gaalkacyo:Faahfaahin ku saabsan Weerar saaka waaberigii lagu qaaday Masjid Gaalkacyo ku yaala.
17. april 2011
APL
Gaalkacyo:(Allpuntland)-Koox hubaysan ayaa saaka kadib Salaadii Subax weerar xoogan ku qaaday masjidka Faaruuq ee Xaafada garsoor kaas oo ay dad badani ku tukanayeen salaadii Subaxa,waxaana weerarkaas uu geystay Khasaaro kaladuwan oo dhimasho & dhaawac isugujira kuwaas oo aanan weli si rasmi ah loo xaqiijin.
Inta la'ogyahay Hal Ruux ayaa weerarkaas ku geeryooday iyadoo ugu yaraana Sadex kale ay ku dhaawacmeen Weerarka,waxaana wararka qaar ay sheegayaan in kooxdii weerarka gaysatay ay goobta ka baxsatay walow ay jiraan warar aan rasmi ahayn oo sheegaya in dableydii weerarka ku qaaday Masaajidku ay goobta kala tageen dad kamid ah kuwii masaajidka joogay.
Weerarka laga qaaday Masjidu-Faaruuq ee Gaalkacyo wuxuu imaanaya waqti yar un kadib markii isla xalay weerar xoogan lagu qaaday Masaajidka Salaaxu-diin ee magaalada Gaalkacyo kaas oo khasaaro badani ay kasoo gaartay dad ku tukanayey masaajidkaas,waxaana weli xaalad kacsanaani kajirtaa gudaha Magaalada Gaalkacyo.
Wixii kasoo kordha weeraradan APL kalasoco.
Xafiiska Wararka Allpuntland,Gaalkacyo.