Siyaasiyiin reer Puntland oo tacsi u diraysa ehelada Ugaaskii guud ee beesha Sade.
Gaalkacyo:(Allpuntland)-Dhamaaan siyaasiyiinta, Cuqaasha waxgaradka & Aqoonyahanada kasoo jeeda deegaanada Puntland ayaa tacsi u diray dhamaan eheladii,Asxaabtii,Beeshii & Ummada Soomaaliyeed oo uu ka geeryooday Ugaas Cumar Ugaas Xirsi Ugaas Maxamed oo ahaa ugaaskii guud ee beesha Sade oo in mudo ah ku xanuunsanaa Isbitaal kuyaala magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya.
Dhamaan bulshada reer Puntland waxay ka tacsiyeynayaan geerida naxdinta leh ee ku timid Ugaaska, Iyagoo ilaahay uga baryey inuu Janayul-Fardowsa ka waraabiyo, Waxaana ay dhamaan ummada kale ee Soomaaliyeed ka codsanayaan inay ugaaska u soo duceeyaan.
Ugaas CUmar Ugaas Xirsi Ugaas Maxamed wuxuu kamid ahaa Isimada ugu waaweyn duubabka dhaqanka ee Soomaalida, Wuxuuna caan ku ahaa xalinta khilaafaadyada soo kala dhexgala qabaa'ilada Soomaalida, Isagoo si gaar ahna uga shaqeeyey isku duubnaanta dadka Soomaaaliyeed & in laga fogaado dhibaatooyinka sii weynaanaya ee dalka ka jira.
Eebe Ha raxmadee Ugaas CUmar Ugaas Xirsi Wuxuu caan ku ahaa badbaadinta qeybaha kaladuwan ee Soomaalida, Waxaana sidoo kale uu ka shaqeeyey soona abaabulay shirar ay ku heshiiyeen beelo badan oo Soomaaliyeed, Ugas Cumar waxuu ifka uga tagey 33 will iyo 21 gabdhood oo uu dhalay. Inta uu dhalay iyo inta ay sii dhaleen waxey kor u dhaafayaan 95.
Tacsidan waxaa si gaar ah u diraya siyaasiyiinta reer Puntland ee kala ah:-
Dr,Mohamed Ali Yusuf Gaagaab
Farax CAbdi Doorshe
Elmi CAli Guuleed
Dr.Bashiir CAli Biixi
Cabdiqani Xayir
Cqxayir@hotmail.com



