He was not killed by his niece but a bomb was planted under his bed by special forces of the mujahideen
Muqdisho: (Sh. M. Network) Xarakada Al Shabaab ayaa beenisay in qof haweeney ah ay fulisay falkii shalay lagu dilay wasiirkii amniga Qaranka Xukuumada KMG Soomaaliya, iyagoo dhinaca kale faah faahin ka bixiyay habka loo dilay wasiirkaasi.
Afhayeenka Xarakada Al Shabaab Sheekh Cali Max’uud Raage ( Cali Dheere) oo maanta Shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Al Shabaab ay ka dambeeyeen qarixii lagu dilay Alla ha u naxariistee C/shakuur Sheekh Xasan, isagoo tilmaamay in qaraxa ay u dhigeen gurigiisa gaar ahaan sariirta uu ku seexdo hoostiisa.
Cali Dheere waxa uu sheegay in ay la socdeen saacadaha uu guriga soo galayo C/shakuur sidaasina ay ugu suurta gashay Al Shabaab in ay qaraxa ugu fuliyaan ragii weerarka abaabulay.
Afhayeenka waxa uu been abuur ku tilmaamay wararka sheegaya in qof haweeney ah ay ka dambeysay qaraxa lagu dilay wasiirka, isagoo xusay in dowladda KMG iyo AMISOM ay ka been abuuraanayaan haweeneydii xalay ku dhimatay qaraxii lagu dilay wasiirkii arimaha gudaha iyo amniga qaranka Xukuumada KMG Soomaaliya.
“Waxba ilmihiina iyo dumarkiina haku mar marsiyoonina, waxaan idin leenahay inaga ayaa dilnay xarakada Al Shabaab ayaa dishay” ayuu yiri Cali Dheere.
Sheekh Cali Max’uud Raage waxa uu xusay in wasiirka geeriyooday uu ahaa caqabad hortaagneyd xarakada Al Shabaab, waxaana uu xusay in uu ahaa isku xirihii howlgalka ciidamada dowladda iyo AMISOM ay uga soo horjeedeen xarakada Al Shabaab.
Waxa uu digniin u diray Afhayeenka AL Shabaab masuuliyiinta kale ee dowladda KMG Soomaaliya, isagoo sheegay in aysan ku baxsan doonin sida uu hadalka u dhigay taangiyada AMISOM ee lagu qaado, wuxuuxna carabka ku dhuftay in sida ay doonaan ay u dili karaan.
Hadalka xarakada Al Shabaab ayaa imaanaya xili la hadal hayay in qof haweeney ah ay ka dambeeysay qarixii uu u geeriyooday wasiirkii arimaha gudaha iyo amniga qaranka Xukuumada KMG C/shakuur Sheekh C/raxmaan.
Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.
NALA SOO XARIIR
webmaster@shabelle.net