Shariif:“Madax ka tirsan DKMG ayaa lacago ku bixiyay dibadbaxyada”
Muqdisho: (Sh. M. Network) Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo shir jaraa’id ku qabtay Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya ayaa waxaa ugu horeyn ka hadlay banaanbaxyada rabshadaha watay oo maalmihii u dambeeyay ka dhacayay Muqdisho kaasi oo looga soo horjeeday in uu xilka ka dago Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda KMG Max’ed C/laahi Max’ed (Farmaajo).
Sheekh Shariif ayaa sheegay in banaanbaxyadaasi dano gaar ah laga lahaa, wuxuuna shaaca ka qaaday in Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda KMG ay lacago ku bixinayeen inkastoo uusan carababib Madaxaasi, isagoo sheegay in banaanbaxyadaasi ay ka dhasheen qasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac iyo burbur hantiyadeed.
Madaxweynaha ayaa waxaa uu carabka ku dhuftay in mudaaharaadyadaasi ay ka faa’idaysteen Xarakada Al Shabaab iyo Ururka Al-qaacidda oo uu tilmaamay in qaraxyo ay ka gaysteen dekadda wayn ee Muqdisho iyo inay dileen Wasiirkii arimaha gudaha iyo amniga qaranka ee Soomaaliya C/shakuur Sheekh Xasan Faarax.
Madaxweynaha dowladda ayaa waxaa uu ka hadlay wararka sheegaya in uu xilka isaga dagayo Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, waxaana uu tibaaxay in caqabado farabadan oo ay ku wada shaqayn karin barlamanka iyo Xukuumadda ay soo baxeen, waxaana uu intaasi raaciyay in Ra’iisul wasaaraha ay ku qanciyeen in uu xilka isaga dago si meesha ay ugu baxdo khilaafaadka hareeyay Mas’uuliyiinta dowladda.
Sheekh Shariif Sheekh Axmed Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa uu soo dhaweeyay dilkii loogaystay hogaamiyihii Al-qaacidda ee bariga Geeska Afrika kaasi oo Ciidamada dowladda ay ku qaarijiyeen Ex-Kontorl Afgooye ee Magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay in hogaamiyahaasi uu ka dambeeyay qaraxyo lagu dilay Wasiiro ka tirsan dowladda islamarkaana uu abaabulay sida uu hadalka u dhigay weeraro ka dhacay dalka gudahiisa iyo wadamada Uganda iyo Kenya.
Hadalkaani maanta kasoo baxay Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kusoo beegmaya xili Magaalada Muqdisho maalmihii u dambeyay ay ka soconayeen banaanbaxyo rabshado wata oo loogu soo horjeeday in uu xilka isaga dago Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda kuwaasi oo gaystay qasaarooyina isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyadeed.




