Xoogaga Xarakada Al shabaab ayaa maanta mamnuucay cunista Iyo Iibinta Sambuuska Degmada Afgooye,waxaana saaaka magaalada wareegaya gawaari ay ku xiran-yihiin sameecaddo,dadka magaalada looga digayo inay cunaan Sambuuska ama ka ganacsadaan,maadaama hilibka sambuuska lagu sameynayo ay qaarkood qalaan dad aan salaadda dukan bisinkana aysan u qaban kolka ay xoolaha gawracayaan
Sidoo kale warar qaar ayaa sheegaya in Shabaabka ay ku mamnuuceen Sambuuska inuu yahay mid leh calaamada Kirishtada, maadaama sambuuska yahay mid saddex geesood ah oo shabaha calaamadda ay gaalada Masiixiga caanka ku yihiin ee 3-da is-tilaab ka sameysan (Cajiib)
Dad fara badan oo dan yar ah ayaa iibinta Sambuuska iyo waxyaabaha kale ee loo yaqaano (Qamshax-qamshaxa) sida Burka, Sambuuska, Bajiyaha iyo mac-macaanka kale waxay ku dabirtaan nolol maalmeedkooda, hase ahaatee waxay tani caqabad ku tahay dadkaas oo wadooyinka ku wareejiya.
Si kastaba ha ahaatee hadalka mamnuucida Sambuuska ee Xoogaga Xarakad- Al Shabaab, ayaa kusoo aadaya xili ay soo dhawdahay bisha loogu cunista badanyahay Sambuuska ee Ramadaanka Iyadoo ay Inaga xigto 7-maalmood oo Qura
Dadweynaha Degmada Afgooye ku-sugan oo la soo xiriiray Xafiiska Shacabkamedia ee Afgooye ayaa cambaareyn balaaran usoo Jeediyey Xoogaga Al Shabaab, ayagoo sheegay inay ka bad-badiyeen amarada aan laga fiirsan ee mar-walba ay fadwoonayaan garabka Alshabaab ee loo yaqaan (Ciyaalka Xaafadda ee Alshabaab),kuwaasoo marba soo saara awaamiir aysan ka warqabin saraakiisha sar-sare ee Ururkan Mayalka adag oo iyagu loo soo diray inay Soomaalida nac-siiyeen Diinta islaamka.





