Ganacsato iyo Odayaal Dhaqameedyo ka soo jeeda Somaliland oo gaaray deegaanada Puntland.
Did they go through immigration proces first? Since they are from an other country
Related ArticlesGaroowe, Somalia (AOL)-13 xubnood oo isugu jira xubno Madax dhaqameed iyo ganacsato reer Hargeysa ah ayaa maalintii shalay aheyd waxay ka ambabxeen magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland iyagoo kusii jeeda magaalooyinka Garowe iyo Boosaaso ee maamul goboleedka Puntland.
Waftigani ayaa ujeeddada socdaalkooda waxaa lagu sheegay inay tahay sidii ay odayaasha dhaqanka iyo Ganacsatada maamulka Puntland ugala soo hadli lahaayeen Markab shixnad Shidaal u siday Somaliland oo Sabtigii todobaadkan ay kooxo Burcad badeed Soomaali ah oo ka soo jeeda degaanada Puntland ay ka afduubteen meel u dhow dekedda Mukkalah ee dalka Yamen.
Markabkaas oo sida la sheegay u rarnaa shirkadda Red Sea ee Somaliland ayaa la sheegay in lagu hayo degaan ka tirsan xeebaha Puntland, iyadoo wafdigani ay tegayaan magaalooyinka Garowe iyo Boosaaso ee maamul gobolleedka Puntland ayaa waxaa la sheegay in ay si qaab beeleed ah ugala xaajoonayaan dadka ay ka soo jeedaan kooxaha afduubka ku heysta Markabkaas.
Wararka qaar ayaa sheegaya in Markabkasi lagu haysto xeebta Baargeel ee gobolka Bari, isla markaana ay wafdiga ka socda Somaliland la xaajoonayaan odayaasha degaanka Baargeel si ay ugu suura gasho in Markabkaas iyo hantida saaran loo soo daayo.