Dowladda Soomaaliya ayaa waxay shaaca ka
qaaday amaro adag oo ay dul dhigtay
saraakiisha sar sare ee Xarakada Al Shabaab ,
haddii ay gacanta ku soo dhigaan Ciidamadda
Dowladda iyo Amisom .
Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxay sheegtay
inaysan wax cafis ah u fidin doonin saraakiisha
sar sare ee Xarakada Al Shabaab , waa haddii ay
u suurta gasho’ e, inay gacanta ku soo dhigaan
Ciidamadda Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo
Ciidamadda Midowga Afrika ee Amisom.
Gudoomiyaha Maxkamadda Ciidamadda
Qalabka Sida ee Dowladda Soomaaliya
Gaanshaanle Dhexe Xasan Maxamed Xuseen oo
maanta maxkamad ka furay, wadada labaad ee
Suuqa Bakaaraha ayaa wuxuu sheegay, in
saraakiisha Shabaab ay dil ku xukuman yihiin.
Gudoomiyaha ayaa wuxuu tibaaxay in
Dowladda Soomaaliya ay go’aan adag ka
qaadatay saraakiisha sar sare ee Xarakada Al
Shabaab, isla- markaana wuxuu sheegay inay
tiirka la- tiigsan doonaan sarkaal kastaa oo ay
gacanta ku soo dhigaan.
Hadalka Gudoomiyaha Maxkamadda Qalabka
Sida ayaa waxaa maanta dhawr jeer ku soo cel
celisay Idaacada Radio Muqdisho , oo ku
hadasha afka Xukuumadda uu hogaamiyo
Mudane Shariif Sheekh Axmed.
Muungaab ayaa wuxuu xusay in Dowladda
Soomaaliya ay saraakiisha Xarakada Al Shabaab
u aqoonsatay kuwo aan ka naxeyn shacabka
Soomaaliyeed, isla- markaana gabaad siiya
kooxda tunka weyn ee Al Qaacida.
Xukunka ay maanta soo rogtay Maxkamadda
Ciidamadda Qalabka Sida ee Dowladda
Soomaaliya ayaa waxaa ka jawaabay,
saraakiisha sar sare ee Dowladda Soomaaliya,
kuwaa oo sheegay inay qoorta soo qaban
doonaan masuuliyiinta Shabaab








