
Hogaanka AMISOM oo sheegay inay dagaalada sii wadayaan ilaa Muqdisho gacanta dawlada soo gasho
Taliyaha ciidamada midawga Africa ka socda ee Soomaaliya ka hawl gala Col. Paul Lokech oo u waramayay wakaaladda wararka ee AP ayaa sheegay inay sii wadayaan dagaalada ay kula jiraan dagaalyahanada Xarakadda Al-Shabab.
Col. Paul Lokech waxaa uu sheegay in dagaalada hadda ka socda magaalada Muqdisho ay yihiin kuwo la doonayo in gacanta dawlada la soo galiyo guud ahan magaalada Muqdisho waxaana uu intaa ku daray indagaladu soconayaan ilaa Muqdisho uu joogo dagaalyahan Shabaab ka tirsan.
“Guulaha aanu gaarayno waa kuwo ku yimid naf hurnimo iyo geesinmo ciidamadu sameeyeen waana soconayaan dagaaladu” ayuu yiri taliyaha ciidamada AMISOM Col. Paul Lokech.
Taliyuhu waxaa uu sidoo kale hadalkiisa ku sheegay in qasaaro aan badneyn uu soo gaaray ciidamadooda dagaalada ku jira hase ahaatee aysan aheyn sida loo buun buuninayo waxaana uu shaaca ka qaaday mar uu ka jawaabayay waxa ka jira in taangi laga gubay in taagnigu ciladi ku timid kadibna la kiciyay oo uu haddaba dagaalada ka qeyb qaadanayo.
Ciidamada midawga Africa ka jooga Soomaaliya ee AMISOM ayaa si weyn ugu lug leh dagaalada ay ciidamada dawlada KMG ee Soomaaliya kula jiraan kuwa Al-Shabab ee Muqdisho ka socda.



