Puntland maka badbaadi doontaa khilaaf danbe oo salka ku haya dastuurka? (Faallo Qaybtii 1aad)
http://horseedmedia.net/2011/08/04/khil ... tland2001/
Hordhac
Qorlaakan waxaa kalifey in aan qoro waa jacaylka aan u qabo dhulkeyga, waxaan aad u jeclahay horumarkiisa, nabadgelyadiisa iyo inaanu ku dhicin bohol uu horey ugu sigtey in uu ku dhaco ama ka soo baxay, waxaa la yiraahdaa taariikhdu waa macalin waana tusaale wax ku ool ah.
Waxaa 10 sano ka soo wareegtay maalintii shacabka Bosaso iyo Madaxweynihii xilku markaas ka dhamaadey Mudane Cabdullaahi Yusuf ay dagaal isaga horyimaadeen Garoonka Bosaso, halkaas oo ay ku dhinteen rag nin doorkiis iyo wiilal curaddo ahaa. Dagaalkaas oo ahaa kii kalifey in Cabdullaahi Yusuf Axmed in uu dib ugu laabto Magaalada Gaalkacyo isla markaasna ka dhigto Xarunta Puntland ee kumeelgaarka ah garabkii uu isagu horboodaayey (Halkan ka akhri wareegtadii u horeysey ee uu Gaalkacyo ka soosaaro).
Waxaa hubaal ah in khilaafkii Puntland ka dhacay 10 sano ka hor aanu ahayn mid beel iyo qabiil salka ku hayey, laakiin uu ahaa mid salka ku hayey axdigii la dhigtey ama dastuur ku sheeg oo qaabab kala duwan loo fasirtey,taasoo salka ku haysa kursi jacayl iyo damac siyaasi, haba loo kala badnaado labada dhinac ee loo kala jabey, waxaana arrintaas laga fahmi karaa qoraalkan iyo kuwa ka danbeeya.
Maamulka Puntland ee hadda waxa uu doonayaa in uu ka talaabsado webi ay horey uga talaabsan waayeen maamuladii isaga ka horeeyey, kaas oo ah in dastuur laga guuro oo mid kale loo guuro, isla markaana loo gudbo Xisbiyo badan, Madaxduna doorasho ku timaado, qoraalkan waxa uu iftiimin doonaa caqabadaha ku wareegsan arrintaas.
Qoraalkan waxa uu digniin u yahay siyaasi kasta oo damac hayo, waxa uu xusuus u yahay shacabka Puntland in aysan dib ugu laaban hagardaamooyinkii hore, waxa uu talo u yahay maamulka hadda jira, waxa uu tusaale u yahay baarlamaanka Puntland, Guddiga Dooroashooyinka Puntland waxa uu u yahay tixraac.
Saldhiga Khilaafkii Puntland 2001
Dawladda Puntland ee maanta jirta waa mirihii ka soo baxay shirweynihii ka dhacay Garowe 1998-dii kaas oo ay isugu yimadeen ergooyin ka kala socda beelaha wada dhashey isla markaana dan wadaagta ah ee ku dhaqan gobolada hadda la isku yiraahdo Puntland.
Dhismihii Puntland waxaa loo sameeyey Axdi kumeelgaar ah, waxaana qorshuhu ahaa in axdigaas looga gudbo muddo saddex sano ah, ka gudbitaanka axdiga kumeelgaarka ah waxaa loo xilsaarey Madaxweynaha ku guuleysta tartanka iyo xukuumadiisa.
Si kastaba ha ahaatee Axdigaas waxaa ugu caansanaa qodobka 34.2 mar aan weydiiyey mid kamid ahaa ragii wax ka qorey axdiga sababta qodobkaas loogu daray ayuu yiri “…Waxaa la saadaalinaayey qofka qaban doona hogganka, waxaana isimadu ka cabsi qabeen in uu noqdo keligii taliye, sidaas darteed ayaa wax celiya ama xarig loogu sameeyey…”
Col.Cabdullaahi Yusuf Axmed ayaa noqdey Madaxweynihii Puntland, waxaana uu madaxa saarsadey Axdigii kumeelgaarka ahaa isaga oo ku dhaartey, isla markaana og in uu ku jiro qodobka 34.2, isaguna uu masuul ka yahay in uu sameeyo dastuur loo qaadey afti muddo saddex sano ahna haysto, dalkana uu gaarsiiyo doorashooyin xor ah.
Bilowgii sanadkii 2001 ayaa waxaa soo baxay dastuur maamulku diyaariyey, Guddiga dastuurka waxaa guddoomiye u ahaa siyaasiga Maxamed Cali Yusuf (Gaagaab) oo markaas ahaa xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Puntland. Gaagaab iyo kooxdii la shaqeyneysey waxa ay bilaabeen in ay dastuurka sidii casharo oo kale in ay ka akhriyaan meelo dadku isugu yimaado ee gobolada Mudug, Nugaal iyo Bari, waxaana lagu tilmaamey in ay ahayd bandhigid, maalinba waxay la shiraan qayb ka mid ah bulshada iyaga oo ku dul akhrinaaya dastuurkii ay qoreen, waxaa la is weydiinaayey waxay uga gollahaayeen arrintaas, waxaase mar danbe soo baxdey in ay doonaayeen in ay bulshada ka ansixiyaan oo arrintu ay ahayd afti la casriyeeyey.
Arrintasi ma noqon mid ka gadanta ama u cuntanta bulshada Puntland waxaana la soo gaarey xilligii kala guurka ee ballanta iyo madasha loo qabsadey taas oo maamulkii saddexdii sano ay ka soo idlaan rabto.
Baarlamaanka oo u gogolxaaraya Dastuurka Gaagaab garwadeenka ka yahay ayaa 22.04.2001 isugu yimid shir kaas oo ahaa mid albaabadu u xirnaayeen waxaana ugu muhimsanaa qorshaha shirka sidii meesha looga saari lahaa qodobka 28.4 ee Axdigii lagu dhigtey shirweynihii Puntland lagu dhisey, wuxuuna qoraayey qodobkaasi “Dastuurka Puntland wuxuu dhaqan gelayaa maalinta afti dadweyne lagu ansixiyo”. Baarlamaankii waqtigaas ayaa ku badalay qodobadan:
28.4 A- Dastuurka cusub ee Puntland waxa uu dhaqan galayaa marka golaha wakiilada ee Puntland ansixiyaan laba fadhi 2/3 (saddex meelood oo laba) kooramka fadhiya si ku meel gaar ah.
B- Dastuurka cusub wuxuu dhaqan galayaa bisha Juun marka golaha wakiiladu 3/4 isku raacaan.
C- Golaha ayaa qaban doona wakhtiga doorashada.
Shir ay soo qabanqaabisey xukuumaddu ayna isugu yimaadeen rag la sheegay in ay wada ahaayeen Isimo kuwaas oo gaarayey 60 ayaa Garoowe ku qabsoomey bishii Juun 2001, waxaana shirkaas la sheegay in ay uga hadleen codsi ay xukuumaddu u jeedisey kaas oo ahaa in waqtiga loo kordhiyo, Isimadii ayaa isku raacey 25 Juun in xukuumadda waqtiga loo kordhiyo muddo aysan cayimin, Isimadaas waxaa la sheegaa in ay isimo soo jireen ah ka ahaayeen rag aan gaareyn 5 isim, isla markaana waxaa kaga jirey ragii Puntland wax ka dhisey hal nin oo keliya.
27 Juun 2001 waxay ahayd maalintii baarlamaankii xiligaas uu ku talaabsadey taladii Puntland u horseeday in dhiig badan ku qubto, halkii horey loo socon lahaana dib loo dhaqaaqey, bulshadii ay kala irdhwodey saaxiibo isjeclaa labo saf ku kala bireen, baarlamaankaas oo uu guddoominaayey Yusuf Xaaji Siciid ayaa isku racey in Xukuumadda iyo baarlamaankuba xilkii kororsadeen ayna ku darsadeen muddo 3 sano ah oo kale, taas oo bilaameysa 1-da July 2001.
Maalin kadib waxaa qoraal arintaas sharci darro inay tahay ku tilmaamaya soosaarey Guddoomiyihii Maxkmadda Sare ee Puntland Dr.Yusuf Xaaji Nuur, qoraalkaas ayuu ku tilmaamey in aysan sharci ahayn waxa baarlamaanku sameeyey, waxaana ka mid ahaa qoraalka uu soo saarey Guddoomiyuhu:
Aniga oo ka welwelsan in garabmaridda Axdiga Ku Meel Gaarka ahi ay halis gelin karto jiritaanka GDPL Waxaan soo bandhigayaa:
1.In qodobka 34.2 2 Axdiga Ku Meel Gaarka ah, una Qoran, haddii sabab kasta awgeed dawladdu diyaarin weydo dastuur cusub saddexda sano ee kala guurka ah, golaha wakillada iyo golaha xukuumaddu waa jiritaan beelayaa. Xilka Madaxweynaha xukuumaddu wuxuu u wareegayaa Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, oo laga doonayoinuu 30 (soddon) maalmood gudahood isugu yeero shirweyne gobolladii ku bahoobay dowladda Puntland si ay xaaladda cusub uga go’aan qaataan, uu jideeyey waddada saxda ah ee ku abbaaran xal u helidda xaaladda DGPL ku sugan tahay wakhtigan.
2.In aanu jirin qiil bannaynaya in Isimmada iyo Golaha Wakiiladu gaaraan go’aan khilaafsan qodobka 34.2, maa daama qodobkaasi si cad oo aan shaki ku jirin u tilmaamayo xal-u-helidda xaaldda DGPL ku sugantahay wakhtigan.
3.In jiritaan la’aanta golayaasha wakiillada iyo xukuumadda ee ka bilowda 30ka Juun 2001, kuna eg marka shirweynaha uu jideeyay isla qodobka 34.2 ee qabsoonkiisu ku beeganyahay 1da Agoosto,2001 uu hawshiisa dhammaysanayo, aan macnaheedu ahayn inuu dumayo haykalkii maamul ee DGPL. Hawlihii maamul ee caadiga ahaa waxaa sii wadaya Agaasimayaasha Guud, Taliyayaasha Ciidamada iyo Madaxda Hay’adaha Madaxa Bannaan.
4.Mawqifkaygani waa mid qaanuuni ah ee aan sina ula xariirin han siyaasi ah oo shakhsi ah iyo xaglinta dhinac ama dhinacyo ka mid ah ah shakhsiyaadka tartanka ugu jira mansabyada ugu sarreeya hogaaminta dalka.
Gabogabadii waxaan dadweynaha DGPL dareensiinayaa in u hoggaansanaanta sharcigu tahay waajib saaran dhammaan muwaaddiniinta, sidaas awgeedna tahay tubta ugu habboon ee lagaga hortegi karo qalalaase siyaasadeed laguna gaari karo horumar dhisme dawladeed.
Halkan ka wada akhri warqadii Dr.Yusuf Xaaji Nuur
Xildhibaanadii 2001-dii waxa ay horteeda soo dhigeen axdigii kumeelgarka ahaa, waxay isu sheegeen in dastuurkii beddeli lahaa diyaarsan yahay, waxaa u soo baxdey in aysan beddeli karin qodobka 34.2 oo uu jiro qodob kale oo qeexaya in aan qodobkaas cid bedeli kartaa jirin, waxayse istuseen in ay beddeli karaan qodobka 28.4 kaas oo dhigaayey in Dastuurku ku dhaqangeli karo afti dadweyne oo keliya, si ay u dhaqangeliyaan dastuurka Gaagaab iyo kooxdiisi wadeen, waana sababta kaliftey in ay qodobkaas meesha uga saaraan si fasiraadoodi ay caqligal ugu noqoto iyaga.
1-dii Luuliyo waxaa ku dhawaaqey in uu yahay Madaxweynaha kumeelgaarka ah Guddoomiyihii maxkmadda sare Dr.Yusuf Xaaji Nuur, xaalka ayaa cirka isku shareeray, waxaa Garoowe ku soo qulquley Isimadii soo jireenka ahaa ee Puntland dhidibada u taagey Sida, Boqor Maxamuud Boqor Muuse, Beeldaaje Xaaji Cabdullaahi, Beeldaaje Cali Beedlaaje Faarax, Garaad Cabdiqani, Islaan Maxamed Islaan Muuse, Suldaan Siciid Maxamed Garaase iyo qaar kale oo badan, waxaana shir u socdey muddo ay ka soosaareen in ay u aqoonsan yihiin Dr.Yusuf Xaaji Nuur Madaxweynaha ku simaha ah, go’aankaas ayaa soo baxay 25 July 2001, waxaana ay siiyeen muddo 30 cisho ah in lagu soo doorto Madaxweyne rasmi ah.
Waxaa go’aankaas si weyn u soo dhaweeyey maamulkii gobolka Bari gaar ahaan ciidankii dekadda Bosaso, Col.Cabdullaahi Yusuf qiime weyn ayaa gobolka Bari ugu fadhiyey, waxaana uu cidla ka dareemay caasimaddii Puntland, kadib markii loo diidey in uu u dabaaldego 01-da Agoosto 2001, lagana carqaladeeyey, waxaana looga gacan haadiyey gobolka Bari.
5-tii Agoosto 2001 oo ku beegan maanta oo kale ayaa Col.Cabdullaahi Yusuf oo horkacaaya horin ciidan ah waxay gudoodi ku soo galeen magaalada Bosaso, waaberkii markii indhaha la kala gooyey ayuu dagaal ku qaadey ciidankii fadhiyey garoonka diyaaradaha ee tageersanaa go’aankii Isimada, dagaalkaas waxa uu ahaa bilowgii dagaalo dhawr ah oo ay isaga horyimaadeen dhinayacyadii loo kala jabay, dagaalkaas waxa uu ku khasbey Col.Cabdullaahi Yusuf in uu ka baxo garoonka markii bulshadii Bosaso ku dhaqneyd dhamaantood dagaalka soo galeen.
Col.Cabdullaahi Yusuf oo dhandhamiyey foolxumada dagaalka sokeeye, ayaa dib ugu laabtey Garowe, laakiin bulshadii ku dhaqneyd Garowe waxay Washamsi kuqaadeen odaygii Cabdullaahi una diideen in uu dib u galo aqalkii uu muddada saddexda sano ah ka talinaayey, taas oo kaliftey in uu 06 August dib ugu laabto Gaalkacyo.
Mirihii khilaafkaas ka dhashey waxay noqdeen, Dagaalo gaaraya 6 kuwaas oo kadhacay Boosaaso, Garowe, Muqlataagtaag, Alxmadulilaah, Kaladhacda iyo Dhuudo, waxaa dagaaladaas ku dhintey dhalinyaro laba boqol ku dhaw labada dhinacba, kuwaas oo haddii la badbaadin lahaa dalka wax u tari lahaa waxaa muddo 9 bilood ah kadib la afganbiyey Madaxweynihii ka soo baxay shirkii ergooyinka ee Garowe 2001-dii Jaamac Cali Jaamac, waxaa la diley dad birimageydo ah sida Suldaan Hurre, waxaa dalka isaga baxay hay’adihii UN-ka iyo kuwii gargaarka, waxaa hoos u dhacay booskii ay siyaasadda Soomaaliya kaga jirtey Puntland, natiijada ugu weyn ee khilaafkaas ka dhashey waa in ay meesha ka baxdey maqaamkii Isimadu kulahaayeen Puntland.
La soco qaybta danbe
Ismail Haji Said
Horseed Media



