Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Will Puntland cease to exist with Faroles constitution crime

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
Southie4life
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 481
Joined: Thu Apr 16, 2009 10:16 am

Will Puntland cease to exist with Faroles constitution crime

Postby Southie4life » Sat Aug 06, 2011 10:32 pm

Puntland maka badbaadi doontaa khilaaf danbe oo salka ku haya dastuurka? (Faallo Qaybtii 1aad)

http://horseedmedia.net/2011/08/04/khil ... tland2001/

Hordhac

Qorlaakan waxaa kalifey in aan qoro waa jacaylka aan u qabo dhulkeyga, waxaan aad u jeclahay horumarkiisa, nabadgelyadiisa iyo inaanu ku dhicin bohol uu horey ugu sigtey in uu ku dhaco ama ka soo baxay, waxaa la yiraahdaa taariikhdu waa macalin waana tusaale wax ku ool ah.

Waxaa 10 sano ka soo wareegtay maalintii shacabka Bosaso iyo Madaxweynihii xilku markaas ka dhamaadey Mudane Cabdullaahi Yusuf ay dagaal isaga horyimaadeen Garoonka Bosaso, halkaas oo ay ku dhinteen rag nin doorkiis iyo wiilal curaddo ahaa. Dagaalkaas oo ahaa kii kalifey in Cabdullaahi Yusuf Axmed in uu dib ugu laabto Magaalada Gaalkacyo isla markaasna ka dhigto Xarunta Puntland ee kumeelgaarka ah garabkii uu isagu horboodaayey (Halkan ka akhri wareegtadii u horeysey ee uu Gaalkacyo ka soosaaro).

Waxaa hubaal ah in khilaafkii Puntland ka dhacay 10 sano ka hor aanu ahayn mid beel iyo qabiil salka ku hayey, laakiin uu ahaa mid salka ku hayey axdigii la dhigtey ama dastuur ku sheeg oo qaabab kala duwan loo fasirtey,taasoo salka ku haysa kursi jacayl iyo damac siyaasi, haba loo kala badnaado labada dhinac ee loo kala jabey, waxaana arrintaas laga fahmi karaa qoraalkan iyo kuwa ka danbeeya.

Maamulka Puntland ee hadda waxa uu doonayaa in uu ka talaabsado webi ay horey uga talaabsan waayeen maamuladii isaga ka horeeyey, kaas oo ah in dastuur laga guuro oo mid kale loo guuro, isla markaana loo gudbo Xisbiyo badan, Madaxduna doorasho ku timaado, qoraalkan waxa uu iftiimin doonaa caqabadaha ku wareegsan arrintaas.

Qoraalkan waxa uu digniin u yahay siyaasi kasta oo damac hayo, waxa uu xusuus u yahay shacabka Puntland in aysan dib ugu laaban hagardaamooyinkii hore, waxa uu talo u yahay maamulka hadda jira, waxa uu tusaale u yahay baarlamaanka Puntland, Guddiga Dooroashooyinka Puntland waxa uu u yahay tixraac.

Saldhiga Khilaafkii Puntland 2001

Dawladda Puntland ee maanta jirta waa mirihii ka soo baxay shirweynihii ka dhacay Garowe 1998-dii kaas oo ay isugu yimadeen ergooyin ka kala socda beelaha wada dhashey isla markaana dan wadaagta ah ee ku dhaqan gobolada hadda la isku yiraahdo Puntland.

Dhismihii Puntland waxaa loo sameeyey Axdi kumeelgaar ah, waxaana qorshuhu ahaa in axdigaas looga gudbo muddo saddex sano ah, ka gudbitaanka axdiga kumeelgaarka ah waxaa loo xilsaarey Madaxweynaha ku guuleysta tartanka iyo xukuumadiisa.

Si kastaba ha ahaatee Axdigaas waxaa ugu caansanaa qodobka 34.2 mar aan weydiiyey mid kamid ahaa ragii wax ka qorey axdiga sababta qodobkaas loogu daray ayuu yiri “…Waxaa la saadaalinaayey qofka qaban doona hogganka, waxaana isimadu ka cabsi qabeen in uu noqdo keligii taliye, sidaas darteed ayaa wax celiya ama xarig loogu sameeyey…”

Col.Cabdullaahi Yusuf Axmed ayaa noqdey Madaxweynihii Puntland, waxaana uu madaxa saarsadey Axdigii kumeelgaarka ahaa isaga oo ku dhaartey, isla markaana og in uu ku jiro qodobka 34.2, isaguna uu masuul ka yahay in uu sameeyo dastuur loo qaadey afti muddo saddex sano ahna haysto, dalkana uu gaarsiiyo doorashooyin xor ah.

Bilowgii sanadkii 2001 ayaa waxaa soo baxay dastuur maamulku diyaariyey, Guddiga dastuurka waxaa guddoomiye u ahaa siyaasiga Maxamed Cali Yusuf (Gaagaab) oo markaas ahaa xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Puntland. Gaagaab iyo kooxdii la shaqeyneysey waxa ay bilaabeen in ay dastuurka sidii casharo oo kale in ay ka akhriyaan meelo dadku isugu yimaado ee gobolada Mudug, Nugaal iyo Bari, waxaana lagu tilmaamey in ay ahayd bandhigid, maalinba waxay la shiraan qayb ka mid ah bulshada iyaga oo ku dul akhrinaaya dastuurkii ay qoreen, waxaa la is weydiinaayey waxay uga gollahaayeen arrintaas, waxaase mar danbe soo baxdey in ay doonaayeen in ay bulshada ka ansixiyaan oo arrintu ay ahayd afti la casriyeeyey.

Arrintasi ma noqon mid ka gadanta ama u cuntanta bulshada Puntland waxaana la soo gaarey xilligii kala guurka ee ballanta iyo madasha loo qabsadey taas oo maamulkii saddexdii sano ay ka soo idlaan rabto.

Baarlamaanka oo u gogolxaaraya Dastuurka Gaagaab garwadeenka ka yahay ayaa 22.04.2001 isugu yimid shir kaas oo ahaa mid albaabadu u xirnaayeen waxaana ugu muhimsanaa qorshaha shirka sidii meesha looga saari lahaa qodobka 28.4 ee Axdigii lagu dhigtey shirweynihii Puntland lagu dhisey, wuxuuna qoraayey qodobkaasi “Dastuurka Puntland wuxuu dhaqan gelayaa maalinta afti dadweyne lagu ansixiyo”. Baarlamaankii waqtigaas ayaa ku badalay qodobadan:

28.4 A- Dastuurka cusub ee Puntland waxa uu dhaqan galayaa marka golaha wakiilada ee Puntland ansixiyaan laba fadhi 2/3 (saddex meelood oo laba) kooramka fadhiya si ku meel gaar ah.

B- Dastuurka cusub wuxuu dhaqan galayaa bisha Juun marka golaha wakiiladu 3/4 isku raacaan.

C- Golaha ayaa qaban doona wakhtiga doorashada.

Shir ay soo qabanqaabisey xukuumaddu ayna isugu yimaadeen rag la sheegay in ay wada ahaayeen Isimo kuwaas oo gaarayey 60 ayaa Garoowe ku qabsoomey bishii Juun 2001, waxaana shirkaas la sheegay in ay uga hadleen codsi ay xukuumaddu u jeedisey kaas oo ahaa in waqtiga loo kordhiyo, Isimadii ayaa isku raacey 25 Juun in xukuumadda waqtiga loo kordhiyo muddo aysan cayimin, Isimadaas waxaa la sheegaa in ay isimo soo jireen ah ka ahaayeen rag aan gaareyn 5 isim, isla markaana waxaa kaga jirey ragii Puntland wax ka dhisey hal nin oo keliya.

27 Juun 2001 waxay ahayd maalintii baarlamaankii xiligaas uu ku talaabsadey taladii Puntland u horseeday in dhiig badan ku qubto, halkii horey loo socon lahaana dib loo dhaqaaqey, bulshadii ay kala irdhwodey saaxiibo isjeclaa labo saf ku kala bireen, baarlamaankaas oo uu guddoominaayey Yusuf Xaaji Siciid ayaa isku racey in Xukuumadda iyo baarlamaankuba xilkii kororsadeen ayna ku darsadeen muddo 3 sano ah oo kale, taas oo bilaameysa 1-da July 2001.

Maalin kadib waxaa qoraal arintaas sharci darro inay tahay ku tilmaamaya soosaarey Guddoomiyihii Maxkmadda Sare ee Puntland Dr.Yusuf Xaaji Nuur, qoraalkaas ayuu ku tilmaamey in aysan sharci ahayn waxa baarlamaanku sameeyey, waxaana ka mid ahaa qoraalka uu soo saarey Guddoomiyuhu:

Aniga oo ka welwelsan in garabmaridda Axdiga Ku Meel Gaarka ahi ay halis gelin karto jiritaanka GDPL Waxaan soo bandhigayaa:

1.In qodobka 34.2 2 Axdiga Ku Meel Gaarka ah, una Qoran, haddii sabab kasta awgeed dawladdu diyaarin weydo dastuur cusub saddexda sano ee kala guurka ah, golaha wakillada iyo golaha xukuumaddu waa jiritaan beelayaa. Xilka Madaxweynaha xukuumaddu wuxuu u wareegayaa Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, oo laga doonayoinuu 30 (soddon) maalmood gudahood isugu yeero shirweyne gobolladii ku bahoobay dowladda Puntland si ay xaaladda cusub uga go’aan qaataan, uu jideeyey waddada saxda ah ee ku abbaaran xal u helidda xaaladda DGPL ku sugan tahay wakhtigan.

2.In aanu jirin qiil bannaynaya in Isimmada iyo Golaha Wakiiladu gaaraan go’aan khilaafsan qodobka 34.2, maa daama qodobkaasi si cad oo aan shaki ku jirin u tilmaamayo xal-u-helidda xaaldda DGPL ku sugantahay wakhtigan.

3.In jiritaan la’aanta golayaasha wakiillada iyo xukuumadda ee ka bilowda 30ka Juun 2001, kuna eg marka shirweynaha uu jideeyay isla qodobka 34.2 ee qabsoonkiisu ku beeganyahay 1da Agoosto,2001 uu hawshiisa dhammaysanayo, aan macnaheedu ahayn inuu dumayo haykalkii maamul ee DGPL. Hawlihii maamul ee caadiga ahaa waxaa sii wadaya Agaasimayaasha Guud, Taliyayaasha Ciidamada iyo Madaxda Hay’adaha Madaxa Bannaan.

4.Mawqifkaygani waa mid qaanuuni ah ee aan sina ula xariirin han siyaasi ah oo shakhsi ah iyo xaglinta dhinac ama dhinacyo ka mid ah ah shakhsiyaadka tartanka ugu jira mansabyada ugu sarreeya hogaaminta dalka.

Gabogabadii waxaan dadweynaha DGPL dareensiinayaa in u hoggaansanaanta sharcigu tahay waajib saaran dhammaan muwaaddiniinta, sidaas awgeedna tahay tubta ugu habboon ee lagaga hortegi karo qalalaase siyaasadeed laguna gaari karo horumar dhisme dawladeed.

Halkan ka wada akhri warqadii Dr.Yusuf Xaaji Nuur

Xildhibaanadii 2001-dii waxa ay horteeda soo dhigeen axdigii kumeelgarka ahaa, waxay isu sheegeen in dastuurkii beddeli lahaa diyaarsan yahay, waxaa u soo baxdey in aysan beddeli karin qodobka 34.2 oo uu jiro qodob kale oo qeexaya in aan qodobkaas cid bedeli kartaa jirin, waxayse istuseen in ay beddeli karaan qodobka 28.4 kaas oo dhigaayey in Dastuurku ku dhaqangeli karo afti dadweyne oo keliya, si ay u dhaqangeliyaan dastuurka Gaagaab iyo kooxdiisi wadeen, waana sababta kaliftey in ay qodobkaas meesha uga saaraan si fasiraadoodi ay caqligal ugu noqoto iyaga.

1-dii Luuliyo waxaa ku dhawaaqey in uu yahay Madaxweynaha kumeelgaarka ah Guddoomiyihii maxkmadda sare Dr.Yusuf Xaaji Nuur, xaalka ayaa cirka isku shareeray, waxaa Garoowe ku soo qulquley Isimadii soo jireenka ahaa ee Puntland dhidibada u taagey Sida, Boqor Maxamuud Boqor Muuse, Beeldaaje Xaaji Cabdullaahi, Beeldaaje Cali Beedlaaje Faarax, Garaad Cabdiqani, Islaan Maxamed Islaan Muuse, Suldaan Siciid Maxamed Garaase iyo qaar kale oo badan, waxaana shir u socdey muddo ay ka soosaareen in ay u aqoonsan yihiin Dr.Yusuf Xaaji Nuur Madaxweynaha ku simaha ah, go’aankaas ayaa soo baxay 25 July 2001, waxaana ay siiyeen muddo 30 cisho ah in lagu soo doorto Madaxweyne rasmi ah.

Waxaa go’aankaas si weyn u soo dhaweeyey maamulkii gobolka Bari gaar ahaan ciidankii dekadda Bosaso, Col.Cabdullaahi Yusuf qiime weyn ayaa gobolka Bari ugu fadhiyey, waxaana uu cidla ka dareemay caasimaddii Puntland, kadib markii loo diidey in uu u dabaaldego 01-da Agoosto 2001, lagana carqaladeeyey, waxaana looga gacan haadiyey gobolka Bari.

5-tii Agoosto 2001 oo ku beegan maanta oo kale ayaa Col.Cabdullaahi Yusuf oo horkacaaya horin ciidan ah waxay gudoodi ku soo galeen magaalada Bosaso, waaberkii markii indhaha la kala gooyey ayuu dagaal ku qaadey ciidankii fadhiyey garoonka diyaaradaha ee tageersanaa go’aankii Isimada, dagaalkaas waxa uu ahaa bilowgii dagaalo dhawr ah oo ay isaga horyimaadeen dhinayacyadii loo kala jabay, dagaalkaas waxa uu ku khasbey Col.Cabdullaahi Yusuf in uu ka baxo garoonka markii bulshadii Bosaso ku dhaqneyd dhamaantood dagaalka soo galeen.

Col.Cabdullaahi Yusuf oo dhandhamiyey foolxumada dagaalka sokeeye, ayaa dib ugu laabtey Garowe, laakiin bulshadii ku dhaqneyd Garowe waxay Washamsi kuqaadeen odaygii Cabdullaahi una diideen in uu dib u galo aqalkii uu muddada saddexda sano ah ka talinaayey, taas oo kaliftey in uu 06 August dib ugu laabto Gaalkacyo.

Mirihii khilaafkaas ka dhashey waxay noqdeen, Dagaalo gaaraya 6 kuwaas oo kadhacay Boosaaso, Garowe, Muqlataagtaag, Alxmadulilaah, Kaladhacda iyo Dhuudo, waxaa dagaaladaas ku dhintey dhalinyaro laba boqol ku dhaw labada dhinacba, kuwaas oo haddii la badbaadin lahaa dalka wax u tari lahaa waxaa muddo 9 bilood ah kadib la afganbiyey Madaxweynihii ka soo baxay shirkii ergooyinka ee Garowe 2001-dii Jaamac Cali Jaamac, waxaa la diley dad birimageydo ah sida Suldaan Hurre, waxaa dalka isaga baxay hay’adihii UN-ka iyo kuwii gargaarka, waxaa hoos u dhacay booskii ay siyaasadda Soomaaliya kaga jirtey Puntland, natiijada ugu weyn ee khilaafkaas ka dhashey waa in ay meesha ka baxdey maqaamkii Isimadu kulahaayeen Puntland.

La soco qaybta danbe

Ismail Haji Said
Horseed Media

Southie4life
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 481
Joined: Thu Apr 16, 2009 10:16 am

Re: Will Puntland cease to exist with Faroles constitution c

Postby Southie4life » Sat Aug 06, 2011 10:33 pm

Puntland maka badbaadi doontaa khilaaf danbe oo salka ku haya dastuurka? (Faallo Qaybtii Labaad)

http://horseedmedia.net/2011/08/05/punt ... ii-labaad/

Qaybtii hore ee faaladan waxa aan ku soo qaadanay, khilaafkii dhaliyey dagaaladii ka dhacay Puntland oo hadda laga joogo 10 sano waxa uu salka ku hayey, sida maamulkii markaas jirey isugu dayey axdigii la dhigtey 1998-dii in uu u fasirto qaab ay doonayaan in ay ku dheeraystaan muddada, markii xilku ka dhamaadey, waxaan ka hadalney sidii uu arrintaas ugaga horyimid guddoomiyihii maxkmadda sare Dr.Yusuf Xaaji Nuur iyo sida isimadii soo jireenka ahaa ee Puntland dhisey ay u taageereen mawqifkii guddoomiyaha, waxaan ka sheekayney mirihii ka dhashey khilaafkaas in uu noqdey dagaal ay ku dhinteen dhalinyaro faro badan, ugu danbeyntiina ay meesha ka baxdey is maqalkii iyo ka danbeynta talada isimada iyo guurtida, markii iyagii qoorta loo dheereeyey.

Akhri haddii aadan akhrin qaybtii kowaad

Qaybta labaad waxaan ku eegaynaa dhalashadii jamhaddii GBP iyo heshiiskii taaariikhiga ahaa ee ka dhacay Bosaso laguna soo afjaray colaadii iyo khilaafkii ka taagnaa Puntland, iyo maamulkii uu madaxda ka ahaa Guddoomiyihii hore ee Jamhaddii GBP Gen.Cadde Muuse Xirsi.

Afeef qoraalkani maaha mid soo koobaya taariikhdii dhacdey ee waa guudmar, biyadhaca faaladuna waa qaybta saddexaad, waxaan qaybtaan ku daraynaa Sawiro Taariikhi ah oo ku saabsan soo gelitaankii GBP iyo Madashii Heshiiska

Soo afjaridii coladdii Puntland

Dagaalkii u danbeeyey ee dhexmara dhinacyadii isku qabsadey talada Puntland ayaa dhacay 30 – 31 .12.2002, dagaalkaas ka dib waxaa ciidamadii mucaaradku u baxeen dhanka gobolka Sanaag gaar ahaan meel ku dhaw degmada Ceel Afweyn halkaas oo ay ka dhigteen saldhig. Muddadii ay halkaas ku sugnaayeen waxay sameeyeen Jamhad la magacbaxdey Golaha Badbaadinta Puntland (GBP), waxaana guddoomiye u noqdey Gen.Cadde Muuse Xirsi, halka uu ku xigeen u noqdey Col.Cabdi Yaasiin Xirsi oo hadda ah wasiir kuxigeenka arrimaha gudaha Puntland, waxaa loo sameeyey gole dhexe iyo mid fulin, waxay bilaabeen in ay is diyaarin, hub gadasho, gawaari la soo degid, waxayna taageero ka heleen maamulka Somaliland oo jiritaanka Puntland u arkaayey mid caqabad ku ah maamulkooda iyo aqoonsigoodaba, isla markaana doonaayey in ay ka faa’ideystaan fursadda soo martey.

Muddadii 4ta bilood ahayd ee GBP ku sugneyd Ceel Afweyn waxay heleen, nasasho, tababaro waxaa ku biirey dhalinyaro ka yaacay Puntland waxay noqdeen cudud aan la dhayalsan karin, iyo ciidan leh hoggaan.

Waxaa bilowdey Shirkii Eldorat ee dalka Kenya waxaana shirkaas ka soo bixi doona dawladdii uu madaxweynaha ka noqdey Cabdullaahi Yusuf Axmed.

Korneyl Cabdullaahi Yusuf oo damac kaga jirey kursiga Soomaaliyeed ayaa arkey in aysan suurta gal u noqon karayn in uu gaaro hamigiisa siyaasadeed isaga oo gurgiisa dab kaga fuan yahay in uu kursi Soomaaliyeed u hanqal taago, mideeda kale waa ku adkaan lahayd in uu galo olole siyaasadeed iyada oo dagaalo ku furan yihiin ciidamona u soo bir lisanayaan.

Korneyl Cabdullaahi Yusuf oo ka faa’ideysanaya saaxiibtinimadii ka dhexaysey isaga iyo guddoomiyihii GBP Gen.Cadde Muuse, kuna ogaa in uu yahay nin nabadda jecel, waxaa dhexmaray wadahadal toos ah oo dhanka telefoonka ah, waxaa dad ku dhaw labada nin ay ii sheegeen in ay iswaafaqeen mabda ahaan islana qaateen in Bosaso heshiisku ka dhaco laakiin arrinta labadooda aysan ku koobnaan ee lagu soo daro Boqor Cimaan Aw-Maxamuud (Buurmadow) oo ahaa raggii ay la joogeen jamhaddu Ceel Afweyn iyo Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaam oo aha suldaanka guud ee beesha Warsangeli ee degta gobolada la soo dhexmari doono.

Iyada oo aysan jirin wax heshiis ah oo la kala saxiixdey ayaa Gen.Cadde Muuse soo galay magaalada Bosaso isaga oo wata ciidamo gaaraya 1100, kuwaas oo wata gawaari badan oo kuwa dagaalka ah, waxayna degeen hal banaanka Bosaso, arrintaasi waxay muujineysey in Korneyl Cabdullaahi Yusuf iyo Cadde Muuse ay ahaayeen niman heshiisku ka dhabyahay . Waxayna bur-burisey damacii Somaliland iyo istraatiijiyadii ay lahaayeen ee ku aadanayd in ay ka faa’ideystaan GBP.

Inkasta oo rag badan oo kamid ahaa Jamhaddii GBP ay aad uga horyimaadeen heshiiskii Gen.Cadde Saxiixey isla markaana ay ku kala fogaadeen, raggaas ayaa ku tilmaamey heshiiska mid u dhexeeya laba nin oo keliya, ayna ka danbeyso damac siyaasadeed iyo mid dhaqaale, sida kale waxaa la dhihi karaa waxa u ahaa heshiis taariikhi ah, gaalo aysan ka soo shaqeyn, beesha caalamku aysan soo dhexgelin, Isimo Soomaaliyeed ay ka shaqeeyeen, siyaasiyiintuna ay tanaasul isu sameeyeen, jiritaanka Puntland lagu badbaadiyey.
Gen.Cadde Muuse oo saxiixaya heshiiskii uu la galay Cabdullaahi Yusuf 17.05.2003

Gen.Cadde Muuse oo saxiixaya heshiiskii uu la galay Cabdullaahi Yusuf 17.05.2003, Waxaa sawrika ka muuqda Madaxweynaha Hadda Dr.Faroole

Taariikhdu markey ahayd 17.05.2003 ayaa madal ay ka soo qaybgaleen, labadii dhinac ee Maamulkii Cabdullaahi Yusuf Jamhaddi Cadde, siyaasiyiin ka tirsanaa SRRC, isimo iyo ganacsato waxa ay ka dhacdey madaxtooyada Bosaso, waxaana lagu kala saxiixdey hesiiskii soo afjaray colaadii Puntland.

Heshiiska ayaa ka koobnaa qodobo dhawr ah, waxaana ugu muhimsanaa awoodda xukuumadda in wax laga siiyey GBP, golaha wasiirada ayaa laga siiyey saddex wasiir waxaana loo kala magacaabey:

Maxamud Warsame Faarax (Shiddo) (Wasiirka Qorsheynta)
Cali Cabdi Awaare (Wasiirka Dawladaha hoose)
Dr.Cabdiraxmaan Siciid Gacamey (Dehgaweyne) (Wasiirka Caafimaadka)

Heshiiska oo dhamaystiran halkan ka akhri (PDF)

Marka aad si qoto dheer u akhrisid heshiiska kuuma soo baxayso in laga wada hadley wixii dagaalka keenay, laguma soo darin waxyaabihii khilaafka dhaliyey, heshiiska oo dhan ayaa ku qotoma awood qaybsi.

Waxaa sharci noqdey dhamaan wixii Baarlamaankii 2001-dii ay gaareen ee ahaa kudarsashada muddada xilka, waxaa toos u hirgalay dastuurkii ay qoreen Guddigii uu Maxamed Cali Yusuf (Gaagaab) madaxda ka ahaa, dasuurkaas ayaa ahaa kii lagu doortey Gen.Cadde Muuse 2005-tii in uu noqdo Madaxweynaha Puntland, waxaana dasuurkaasi uu dhigaayey marka laga hadlaayo doorashada Madaxweynaha iyo mudadiisa sidan:

Madaxweynaha waxaa dooranaya xildhibaanada Baarlamaanka
Xilka Madaxweynuhu waa 4 sano, Marlabaad xaq ayuu u lee yahay in uu isa sharaxo ama tartamo.

Eeg Sawiradii Taariikhiga ahaa ee madashii Heshiiskii GBP iyo Maamulkii Cabdullaahi Yusuf

Xiligii Maxamed Cabdi Xaashi

Waxaa mar labaad la soo gaarey muddadii maamulka oo dhamaatey waa saddexdii sano ee maamulkii hore ku darsadey waxay ku ekeyd 01 July 2004, laakiin Puntland oo dhan waxaa loo raray Impghati Kenya halkaas oo ay ka socotey xulida Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka, iyo doorashadii Madaxweynaha, Dadweynaha Puntland waxa ay isha ku hayeen halka wax marayaan, waxaa dib ugu soo laabtey Garowe Madaxweynihii Puntland ee ololaha ka wadey Kenya, waxaana uu dhsiey xukuumad kumeelgaar ah, waxaana la isla qaatey in shirka Kenya laga warsugo oo natiijadiisi soo dhawdahay.

10-kii bishii Okoober 2004 ayuu Madaxweynihii Puntland noqdey isla Madaxweynaha Soomaaliya, waxaa uu iska casiley xilkii Madaxweynaha Puntland, waxaana si toos ah u noqdey Madaxweynaha kumeelgaarka ah kuxigeenkiisi Mudane Maxamed Cabdi Xaashi, waxaana Madaxweyne kuxigeen u tartamay Maxamed Cali Yusuf Gaagab iyo Shaahdoon Cali yare, Gaagab ayaa noqdey Madaxweyne kuxigeenka Puntland.


Daawo Video-ga kore si aad u hesho macluumaad heeraad ah

Shirkii Isimada Puntland Oktober 2004.

Shir ay soo qabanqaabisey hay’adda PDRC ayaa waxaa ka soo qaybgalay dhamaan isimada Puntland, waxaana laga arinsadey halka Puntland u dhaqaaqeyso, waxaa isimadu go’aamiyeen in la kala diro dhamaan golihii Barlamaanka kuwo cusubna la soo dhiso, isla markaana doorasho la qabto 08.01.2005.

Go’aankaas kama aanu hor imaan Madaxweynihii kumeelgaarka ahaa Maxamed Cabdi Xaashi waxaana uu u fuliyey sidey ahayd, inkasta oo Isga iyo Gaagaab ay doonayeen in hal sano loogu daro maamulkooda, waxaase arrintaas si weyn uga horyimid Dr.Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Wasiirkii Qorsheynta iyo Iskaashiga caalamiga, inkasta oo markii uu ka horyimid xukuumaddii uu ka tirsanaa booskaas loo magacaabey Cismaan Guureeye Kaarshe.

Sidoo kale waxaa ka horyimid qorshaha ah in ay sanad ku darsadaan xukuumaddii kumeelgaarka ahayd Gen.Cadde Muuse oo isaguna ka hanjabey qaar kamid ah warbaahinta sheegayna in ay ahayd wixii lagu dagaalamay.

Si kastaba ha haatee Maxamed Cabdi Xaashi waxa uu ahaa ninkii u horeeyey ee Madaxweyne Puntland soo marto oo fuliyey balantii lala galay isla markaana aan ka hor imaan rabitaanka shacab, qabtayna doorasho isaga oo isku kalsoon.

Xiligii Cadde Muuse

Markii uu madaxweynaha noqdey Gen.Cadde Muuse 08.01.2005-tii, bilowgii xukunkiisa iskuma aanu hawlin dastuurka, waxaana uu gadaal ka magacaabey guddigii dastuurka, hay’adda Interpeace iyo PDRC ayaa kala shaqeynaayey guddiga dastuurka, guddiga oo ka koobnaa Xubno ka tirsanaa golaha wakiilada, iyo aqoonyahano madaxbanaan ayaa bilaabey in ay dib u eegid ku sameeyaan dastuurka waxayna ku soo dhamaatey in shaqadii oo dhan la istaajiyo kadib markii maamulku u arkey in dastuurka laga weeciyey dhabadiisi.

Markii maamulkii Gen.Cadde Muuse u buuxsantey saddex sano waxaa lagu furey tashuush iyo khalkhal ah in maamulka waqtigii ka dhamaadey, waxaa arintaas wadey rag siyaasiyiin ah, kuwaas oo isticmaalayey qaar kamid ah warbaahinta, sidoo kale waxaa ku jirey qaar kamid ah Isimada Puntland. Arrinta oo maraysa meel xun ayaa waxaa soo dhexgalay Korneyl Cabdullaahi Yusuf Axmed oo markaas ahaa Madaxweynihii Dawladda Federaalka, waxaa la isla eegay dastuurkii lagu doortey Gen.Cade Muuse waxaana ku qoran muddada Madaxweynuhu waa afar (4) sano, waxaana uu xaq u lee yahay in uu xilka isu soo sharraxo mar labaad.

Qolyaha tashuushka furay waxa ay wataan axdigii 1998-dii laakiin waxaa ka daahsoon in dagaalo lagu gubtey axdigu sababay, kadib markii isaga la isku khilaafay heshiiskii dhexmaray GBP iyo Cabdullaahi Yusuf meelna loogama xusin wixii lagu dagaalamay iyo in dibm loo eego horta maxaa lagu dagaalamay, datsuurka dhabta ah ee dalka ka jirana yahay kii lagu shaqeynaayey 8-dii sano ee la soo dhaafey, isla markaana Gen.Cadde lagu doortey, mana jirin shirweyne kale oo Axdi lagu dhigtey, arrintu waxay ku soo biyo shubatey in maamulkii Cadde Muuse dhamaysto waqtigiisa. Oo ah afar (4) sano.

Gen.Cadde Muuse waxaa waqtigiisu yimid iyada oo dasuurkii cusbaa uu weli qabyo yahay, waxa maamulkiisa uu dhamaystey isaga oo aan waxba ka badalin dastuurkii hore ee lagu doortey, waxa uu fuliyey ballantii ahayd in uusan maalin ku darsanayn xukunka isla markaana hakad gelineyn hab socodka Dawladda Puntland.

Sida uu qabey dastuurku waxaa beeluhu iska soo dhex xuleen xildhibaanadii Baarlamaanka dhamaadkii 2008-dii, Waxaa madaxweynuhu magacaabey guddigii doorashada iyo xalinta khilaafaadka beelaha, 05 Jan 2009 waxaa xildhibaanada baarlamaanku doorteen shir-guddoonkii Baarlamaanka, waxaa soo dhawaatey madashii doorashada Madaxweynaha, waxaana jirta cabsi ku habsatey shacabka Puntland taas oo ah sidee looga gudbaayaa isbedelkan, maxaa dhici doona? iyo su’aalo kale.

Labadii xili ee Maxamed Cabdi Xaashi iyo Gen.Cadde Muuse waxaa laga faa’idaya muhimadda ay leedahay ballanta oo sideey tahay loo fuliyo, taas oo dal iyo dadba badbaadin karta, waxayna labaduba wax ku qaateen taariikhdii la soo maray, muhimaddu maaha waxbaan qabtey iyo xoogaa hala idaayo aan wax sii qabtee, waxaa laguu qabtey muddo cayiman waxaana laguu doortey in aad wax qabato ama waqtigu hakugu filnaado ama hakugu yaraado, qof walba oo mawdku u yimaado talo adduun ayuu ku jirey.

Waxaa intaas ku xoo xireynaa boggii hore ee taariikhda khilaafka Puntland soo maray, iyo sida ay uga gudubtey, waxaa isweydiin mudan maxaa keena khilaafka jawaabtu waa fududahay:

Khilaafka waxaa keenay, waa ballan darro, ku tumasho dastuur, damac awoodeed, islaweyni iyo in si qaldan loo isticmaalo awoodda, sida uu yiri gabyaagii Maxamuud Ildab.

Hawo soo siyaadaa nafluhu haabo lee yahaye
Hitler buu is moodaa midkii haysta toban ruuxee.

Qaybta u danbeysa ee sadexaad, waxa ay noqondoontaa mid aan isku dayno in aan jawaab u helno cinwaanka faallada, waxaan ku eegaynaa.

Doorashadii Dr.Cabdiraxmaan Faroole, Isbedelkii dastuurka, dastuur laga guuro loona guuro mid kale, sidee dastuurku ku ansaxayaa dastuurna ku noqon karaa?, nidaamka xisbiyada badan ka hor muddada maamulka, qaabka doorashada, sidee la yeelaya haddii waqtigu ku filnaan waayo maamulka?

La soco qaybta u danbeysa ee saddexaad

Ismail Haji Said
Horseed Media


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 23 guests