Isniin, Ogoosto 08, 2011 (HOL) – Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta kulan kula yeeshay xarunta madaxtooyada Uganda dhiggiisa dalkaas Yoweri Museveni waxayna kulankooda diiradda ku saareen isbedelkii ka dhacay Muqdisho.
Madaxweynaha Uganda ayaa sheegay inuu 2,000 askari oo dheeraad ah uu ku biirinayo ciidanka kaga sugan dalka Soomaaliya, kuwaasoo ah kuwa ugu badan ee Midowga Afrika ka jooga Soomaaliya, wuxuuna sidoo kale ugu hambalyeeyay madaxweynaha Soomaaliya isbedelka ka dhacay Muqdisho oo uu ku sheegay mid looga adkaaday Al-shabaab.
Sheekh Shariif ayaa warbixin dheeraad ah ka siiyay madaxweynaha Uganda xaaladda dalka Soomaaliya, gaar ahaan Muqdisho, isagoo sidoo kale kala hadlay dhiggiisa Uganda xaaladda abaareed ee ka taagan dalka Soomaaliya, taasoo lagu sheegay inay tahay midda ugu daran bariga Afrika.
Dowladda Uganda ayaa waxaa kaga sugan Soomaaliya ciidamada ugu badan ee uu ku yahoobay Midowga Afrika, kuwaasoo ku shaqeeya magaca AMISOM, waxaana ciidamadan ay dowladda KMG ah ka difaacayeen Xarakada Al-shabaab oo doonaysay inay afgambiso dowladda.
Kulanka labada madaxweyne oo qaatay muddo saacado ah ayaa waxay isku garteen in horay loo wado howlgallada ciidamada AMISOM kuwaasoo DKMG ah looga difaacayo Al-shabaab. Iyadoo Museveni uu sheegay in ciidamadiisu ay joogayaan Soomaaliya inta xasilloonida lasoo celinayo.