Page 1 of 1

Foreign seniors and fighters of Al shabab arrive in Kismayo

Posted: Tue Aug 09, 2011 1:00 pm
by Coeus
Madax iyo dagaalyahano Ajaanib ah Al-shabaab ah oo wata gaadiid dagaal oo gaaray Magaalada Kismaayo

In ka badan 45-tikniko ah oo ay wataan maleeshiyo ka tirsan xarakasda Al-Shabaab ayaa la xaqiijiyay inay gaareen magaalada Kismaayo gudaheeda, waxaana la sheegayaa in gaadiidkaasi tiknikada ah ay saaran yihiin ciidamo ka badan ilaa 200-maleeshiyo oo ka mid ah ciidamadii ka tegay magaalada Muqdisho oo faarujiyay aagaggii ay ku lahaayeen xaafadaha Muqdisho.

Sida ay sheegayaan ilo wareedyo ku sugan magaalada Kismaayo gaadiidka dagaalka ee gaaray magaalada Kismaayo waxaa ciidamada wata ka mid ah dagaalyahano ajaanib ah oo ururka Al-Qaacida u soo diray gudaha wadanka Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho isla markaana ka dagaalamayay gudaha dalka Soomaaliya.

Dhinaca kale wararka ayaa sheegaya in ujeedada socdaalka tiknikada Al-Shabaab ee gaaray magaalada Kismaayo inay la xiriirto dhaqdhaqaaqyo ciidan iyo abaabullo dagaal oo ka jira gobolada Jubbooyinka, kaasi oo looga horjeedo ciidamada Dowladda KMG ah iyo dhaqdhaqaaqa Ahlu Sunna Waljameeca ay ka wadaan gobolada Jubbooyinka.

Warar kale oo aan la xaqiijin ayaa iyana sheegaya in maleeshiyada faraha badan ee Al-Shabaab ka tirsan oo gaaray magaalada Kismaayo ay ujeedadoodu tahay sidii Dekedda magaalada Kismaayo ay uga dhoofin lahaayeen dagaalyahanada ururka Al-Qaacida ee iyagu dagaalada ka waday gudaha dalka Soomaaliya, iyagoo sidoo kalena la sheegay inay halkaasi ka soo qaadayaan saanado milateri oo Al-Shabaabka Muqdisho uga timid.

Re: Foreign seniors and fighters of Al shabab arrive in Kism

Posted: Wed Aug 10, 2011 10:53 am
by The_Emperior5
Woow this must be the new strategy of amiir ibrahim meecaad to keep culeys fara badan on Kismayo and use it to attack Mogadisho

Re: Foreign seniors and fighters of Al shabab arrive in Kism

Posted: Wed Aug 10, 2011 11:29 am
by JolieFille
Kismayio will soon be liberated :som: :som: :som: :som:

Re: Foreign seniors and fighters of Al shabab arrive in Kism

Posted: Wed Aug 10, 2011 11:34 am
by ciyaal_warta
kill them all mothefockers
Woow this must be the new strategy of amiir ibrahim meecaad to keep culeys fara badan on Kismayo and use it to attack Mogadisho
Meecad aka afghani aka Zaylici is dead he was killed by drones sxb u been in the jail for too long that u are outdated :lol: :lol: