Postby The_Emperior5 » Tue Aug 09, 2011 6:45 pm
aahim Afghan Oo La wareegay Hogaanka Alshabaab iyo Axmed A.Godane oo U dalacay Hogaanka Alqaacida ee Geeska Africa.
posted by: Axmed Kulan
Sida ay cadeyneyso xog laga soo xigtay saraakiil dhanka sirdoonka hogaamiyihii ururka Al-Shabaab Sheekh Mukhtaar C/raxmaan abuu Zubeyr (oo loo yaqaano Axmed Cabdi Godane) ayaa si rasmi ah u wareejiyey xilkii ururka Al-Shabaab ka dib markii uu u dalacay shabakada Al-Qaacida.
Sida xogtu ay muujineyso, Hogaanka Al-Shabaab waxaa haatan si toos ah ula wareegay Ibraahim Xaaji Jaamac Meecaad oo ku magac dheer Ibraahim Afghan (ha yeeshee Shabaabka dhexdooda loogu yeero Abubakar A-Zeylici). Halka Axmed Godane uu noqday masuul ka tirsan shabakada Al-Qaacida.
Ibraahim Afghan oo mar ahaan jirey masuulkii Shabaab ee Kismaayo ayaa degaan ahaan waxay qaraabo dhow yihiin Axmed Godane balse labada nin waxaa in mudo ahba u dhexeeyey loolan xagga awooda iyo iyadoo Ibraahim Aghan arkayey dhaliilo uu leeyahay amiirkooda guud, taasoo keentay in rag badan oo ay ku jireen xubnaha ugu sareeya ee ururka ay u arkeen Ibraahim Afghan nin noqon kara hogaamiyaha guud.
Ilaha xogtan laga helay waxay cadeeyeen in go’aanka xil ka qaadista Axmed Godane si rasmi ah loo gaaray dhamaadkii sanadkii hore ee 2010 hase yeeshee uu jiray dib u dhac badan oo ku yimid in labada nin xilka loo kala qaado, taasoo aakhirkii ku soo beegantay wax yar ka hor intii uusan toddobadkan bilawgiisii afhayeenka guud Al-Shabaab Sheekh Cali Dheere ku dhawaaqin in Al-Shabaab ay isaga bexeen Muqdisho.
Axmed Godane ayaa wixii hadda ka dambeeya noqon doona sarkaal ka tirsan Al-Qaacida Geeska Afrika kaasoo hawshiisu ay qeyb ka tahay isku xirka Al-Shabaab iyo Al-Qaacidada guud, ka dib geeridii Fazul Cabdalla oo ahaa ninkii horey hawshaasi u qaban jiray balse 8-dii bishii June ee sanadkan lagu dilay meel u dhow isgoyska Ex-Control Afgooye.
Waqtiga ay ku soo beegantay
In Axmed Godane u dalaco dhanka Al-Qaacida ayaa lafteeda lagu micneeyey go’aan ka soo baxay Al-Qaacida hase yeeshee waxaa in la tilmaamo ay tahay waqtiga ay ku soo beegantay.
Toddobaadkan bilawgiisii ayaa afhayeenka guud ee Al-Shabaab Sheekh Cali Dheere wuxuu sheegay in ururkooda uu isaga baxay furimihii dagaalka Muqdisho, isagoo sheegay in farsamo dagaal awgeed ay u bedeleen hanaankii dagaalka ay kula jireen DKMG iyo ciidanka Amisom ee Muqdisho ku sugan.
Sidoo kale dadka aadka ula socda dhaqdhaqaaqyada ururka ayaa sheegay in go’aankan uu yimid xilli ururka dhexdiisa ay weli ka jiraan khilaafaad ragaadiyey dhaqdhaqaaqii ururka, kaasoo salka ku haya arimo kala duwan balse ay ugu dambeysay go’aankii lagu fasaxay hay’adaha oo uu ku dhawaaqay Sheekh Cali Dheere laakiin saraakiil ka tirsan Al-Shabaab ay diideen markii dambe.
Mukhtaar Abu Zubeyr waxaa xilka hogaanka Al-Shabaab uu qabtay sanadkii 2009 taasoo ku beegneyd sanad ka dib markii duqeyn Mareykanku sheegtay lagu dilay degmada Dhuusamareeb hogaamiyihii ugu horeeyey ee ururka Aadam Xaashi Cayrow.
Magacaabistan Ibraahim Afghan waxay ka dhigeysaa ninkii saddexaad ee qabta hogaanka Al-Shabaab, marka laga reebo Sheekh Mukhtaar Roobow abu Mansuur oo xilka ururka si ku meel gaar ah u hayey mudo ku dhow sanad geeridii Aadam Ceyrow ka dib.